HomeXisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI oo Wasiirka Arrimaha Gudaha ku Eedeeyey inuu...

Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI oo Wasiirka Arrimaha Gudaha ku Eedeeyey inuu Qaranka u baabi’inayo sidii uu UDUB u soo baabi’iyey

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani ayaa soo saaray War-saxaafadeed ay kaga jawaabayaan Eedo uu wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancade ujeediyey, iyagoo ku tilmaamay in uu doonayo mar kale in uu qaranka u baabi’iyo sidii uu UDUB u baabi’iyey.
Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Mucaaradk ah ee Wadani Axmed Muumin Seed oo warbaahinta u qaybiyey qoraal jawaab u ah hadal Wasiir Cali Warancade  ku weeraray Axsaabta Mucaaradka ah oo uu ku Eedeeyey in cadawga Somaliland soo adeegsaday, waxaanu qoraalkiisa jawaabta ahi u qornaa sidan: “Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxay maalin cad xaraashtay qadiyadii madaxbanaanida Somaliland, Waxaanay ku guuldaraysatay wadahadaladii humaagga ahaa ee ay la gashay Somalia, umadda Somaliland waxa u cad in xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo aanay marnaba daacad ka ahayn wada hadahadaladii ay la gashay Somalia isla markaasna ay doonayso inay caalamka tusto inay midnimo soomaaliyeed raadinayso.

axmed wadani
Waxa taas cadayn u ah in wadahadaladii ay ku guuldaraysatay isla markaasna ay iska nabayso inay ka jawaabto marar badan oo Somalia ku celcelisay inay ka baxday wadahadaladii iyo qodobadii lagu heshiiyey.
Markii wadahadalada lagu jiray waxa go’aamada gaadhayey xubno madaxtooyada Axmed Siilaanyo diratay oo u xaglinaya isla markaasna aaminsan mabda’a Somalia.
Waxaa la ogyahay in guddigii wadahadalada laga dareeriyey fadhiga wadahadalada oo ay ku hadhi jireen xubno si gaar ah isu ogaa oo wada xidhiidhi jiray oo u xaglinaya dhinaca Somalia.
Dhinaca kale waxaanu aad uga xunnahay in Wasiirka Arrimaha Gudaha oo shalay xisbiga KULMIYE markii uu mucaaridka ahaa ku sheegi jiray Al-shabaab uu maantana xisbiyada qaranka ku aflagaadeeyo wixii xukuumadda uu ka tirsanyahay lagu tuhmayey ee ah inay qaddiyadii madaxbanaanida Somaliland xaraashtay.
Wasiir Cali Warancadde wuxuu hore usoo baabi’iyey XIsbigii UDUB maantana wuxuu baabi’inayaa qaranka Somaliland, waxa nasiib darro ah in Wasiir Cali Warancadde uu garsoorkii dalka ku sheego laaluush qaatayaal maantana xisbiyada qaranka uu aflagaadeeyo, iyada oo amaankii dalku faraha kasii baxayo oo hadhka cad la toogto xildhibaanadii shacabku soo doorteen.
Nin xilkiisi gabay yaanu ku galgalanin xisbiyada mucaaridka ah.”

SOMALILANDPOSTNET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories