Hargeysa(SLpost)-Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Cirro ayaa dhisay Waaxda Samo-falka iyoNaafadaXisbiga WADDANI, waxaadaas oo uu u magaabay masuul, waxaana qoraal ka soo baxay xisbiga oo dhamayastiran uu u dhignaa sidan.
KU: Mudane: Cabdiraxmaan Sh. Xuseen Cabdillaahi =Hargeisa=
KU: Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI =Hargeysa=
KU:Xoghayaha Arrimaha Gudaha WADDANI =Hargeysa=
OG:Laamaha Dibadda ee Xisbiga WADDANI=Rugtooda=
OG:Guddiga Fulina ee Xisbiga WADDANI=Hargeysa=
OG: Hoggaanka Xisbiga WADDANI=Hargeysa=
OG: Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI =Hargeysa=
Ujeeddo:Abuurista Waaxda Samo-falka iyoNaafadaXisbiga WADDANI.
Markan darsay: Qod 28aad ee Xeerka Xisbiga WADDANI
Markan Arkay: Baahida loo qabo In labuuxiyo Waaxda- Samafalka iyo Naafada
Markan la Tashaday:Xubnaha hoggaanka Xisbiga WADDANI
Markan ku Qancay: Waayo Aragnimada iyo aqoonta uu leeyahay.
Xisbiga WADDANI wuxuu go’aamiyeyin la abuuroWaaxda Samafalka Iyo NaafadaeeXisbiga WADDANI.
Xisbiguwuxuu madaxa waaxda cusub ee samafalka iyo naafadau magacaabay in uu noqdoMudane: Cabdiraxmaan Sh. Xuseen Cabdillaahi.
Waxaa laga codsanayaa dhammaanlaamaha xisbiga ee dibedda, gudaha iyoHey’adaha caalamiga ah in ay gacan siiyaanxilkiisa cusub.
Waxaannu Illaahay kaaga baryeynaa in uu xilkaa ku fududeeyo.
ALLAA MAHAD LEH
Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi (Cirro)
Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI

