HomeXisbiga Kulmiye oo xaflad soo-dhawayn ah u sameeyey Xubnihii ugu miisaanka Cuslaa...

Xisbiga Kulmiye oo xaflad soo-dhawayn ah u sameeyey Xubnihii ugu miisaanka Cuslaa Urur-siyaasadeedkii XAQSOOR ee Doorashada Deegaanka Ku hadhay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye, ayaa munaasibad soo dhawayn ah u sameeyey xubno miisaan culus ku lahaa  Urur siyaasadeedkii XAQSOOR ee ku hadhay doorashadiii golaha deegaanka, kuwaas oo maanta si rasmi ah ugu biiray xisbil-xaakimka dalka.

Munaasibad ballaadhan oo loo sameeyay Xubnaha ka soo diga-rogtay urur siyaaasdeedkii Xaqsoor ee ku biiray xisbiga Kulmiye oo lagu qabtay Huteelka Maansoor ee magaaladda Hargaysa, ayaa waxa ka soo qeyb galay hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE , marwada Koowaad ee Somaliland iyo xubno ka mida golaha Wasiirrada , xildhibaanno, salaadiin iyo marti sharaf kale.

Xaqsor31Xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE Md. Xasan Siciid Yuusuf oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay soo dhawayanayaan midawga xisbiga kulmiye iyo urur siyaasadeedkii xaqsoor taas oo uu ku tilmaamay xaflad taariikh ah oo qiimo badan, waxaanu sheegay in xisbiga KULMIYE yahay xisbi weyn sidaa darteedna maanta laga bilaabo ay ka mid yihiin bah weyntiisa.

Xaqsor3Gudoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga kulmiye md maxamed xaaji yuusuf waabeeye iyo gudoomiye ku xigeenka sedexaad ee xisbiga kulmiye md cabdiraxmaan talyan le oo halkaasi ka hadlay ayaa ku dheerdaaya qiimaha iyo faa iidada midawgu u leeyahay bulshada waxaanay intaa ku daray in mudo gaaba ay isku af garteem masuuliyiinta urur siyaasadeedka xaq soor in ay ku midoobaan maantana loo fadhiyo guarshada tacabkii loo galay midawgaasi.

Xaqsoor4Gudoomiyaha Golaha dhexe KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cigge (Shabeel) oo ka hadlay xafladaas ayaa sheegay in si kal iyo laab ah ay u soo dhawayanayaan ururka XAQSOOR, waxaanu intaa ku daray in 26 xildhibaan oo usoo baxay urur siyaasadeedkii xaqsoor in maanta ay ka mid noqonayaan xisbiga talladda haya.

Eng. C/Qaadir Iimaan oo ka mid ahaa gudidii fulinta ee XAQSOOR iyo gudoomiayaha garabka haweenka ee ururkaasi Fadxiya Muuse Ibaarahim oo iyana halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay ku faraxsan yhiin midawga ay la galeen xisbiga kulmiye islamarkaana ay la shaqayn doonaan wixii hada ka danbeeya xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Xaqsor1-1Wasiirrada Cadaalada, Ganacsidga, Dhalinayarada, Xanaanada xoolaha oo dhammaan halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay soo dhawayanayaan urur siyaasadeedka XAQSOOR ee ku soo biiray xisbiga kulmiye iyagoo ku tilmamay guul u soo hoyatay xisbigooda.

Waxaana halkaa heshiiska midawga ku saxeexay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE ahna ku simaha Guddoomiyaha Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo Axmed-nuur Aw Cabdi oo ka mid ahaa saraakiisha Gudida fulinta Ururkii XAQSOOR.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories