HomeXisbiga Kulmiye oo soo Dhaweeyey Murashaxnimada Suxufi Maxamed Rambo iyo Siciid Yuusuf...

Xisbiga Kulmiye oo soo Dhaweeyey Murashaxnimada Suxufi Maxamed Rambo iyo Siciid Yuusuf Garow

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost) – Hoggaanka sare ee xisbiga Kulmiye, ayaa aqbalay Murashaxiinta kala ah Maxamed Xuseen Jaamac (Raamboo) oo u tartami doona golaha wakiillada ee gobolka Maroodijeex iyo Siciid Yuusuf Aadan Garow oo u tartami doona golaha deegaanka ee caasimadda Hargeysa.

blankGuddoomiye ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Axmed Cabdi Xuseen(Axmed Cabdi-dheere), xubno ka mid ah golaha wasiirrada, guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee gobolka Maroodi-jeex, Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac iyo saraakiil kale oo xisbiga ka tirsan, ayaa soo dhaweeyey murrashaxiintan oo ay hormuud u yihiin cuqaasha, waxgaradka iyo siyaasiyiinta hal-doorka ah ee ka soo jeeda deegaanka ay murrashaxiintani kasoo jeedaan, waxaana madasha laga jeediyey hadallo lagu soo dhaweynayo labadan murrashax.

blankQaar ka mid ah Waxgaradka iyo Odayaasha ay isku deegaanka yihiin labada Musharrax oo ugu horrayn halkaa ka hadlay, ayaa ka warramay siday u soo xuleen labada Musharrax iyo waxay ku doorteen “Labadaa Nin oo aad noogu miisaan badan ayaanu soo sharraxnay, waxaanuna is leenahay waad kaga gam’aysaan kaalintaa, markaa waxaanu jecelnahay inaad naga guddoontaan.” ayuu yidhi ka mid ah Madax-dhaqameedka madasha ka hadlay.

blankXubin kale oo ka mid ah Waxgaradka oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Waxaad mooddaa in imika dadku yidhaahdaa ‘yaa Dadka wax la boobaya’, Annagu taa kumaanu soo dooran ee waxaanu ku soo dooranay yaa Dadka wax u qabanaya ee wax u taraya.”

Mid kale oo ka mid ah Waxgaradka Madasha ka hadlay ayaa yidhi “Markii aanu arrinka rog-rognay waanu ka khamri waynay inaanu Musharraxiintayada ka sharraxno Xisbiga Kulmiye, sidaa darteed Baarlamaanka waxaanu u wadnaa Maxamed Xuseen Jaamac (Raambo), Golaha deegaankana waxaanu u wadnaa Siciid Yuusuf Aadan Garow..”

blankSiyaasi Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdillaahi-jawaan) oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Maxamed-Raambo waa Nin Naftiisa dhisay, hadduu Naftiisa dhisay waxaanu aragnay inuu dalkana dhisayo, deegaanka uu ka soo jeedana uu wax u qaban karayo, sidaasi ayaanu ku dooranay oo aanu ku taageernay, markaa waa nin Dalka dhisaya. Aniga Cabdillaahi ahaana Anigoon been ka sheegayn Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye waxay iigu muuqdaan Xukuumad iyo Xisbi dhisme wada..”

blankWasiirka Wasaaradda Maalgeshiga Somaliland Mudane Maxamed Axmed Cawed oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa sheegay “Shirkeenu wuxuu daaranaa in Xisbigu uu deegaankaa ka guddoomo labada Musharrax oo kala ah Maxamed Xuseen Jaamac (Raambo) oo loo soo xulay Baarlamaanka iyo Siciid Yuusuf Aadan Garow oo loo soo xulay Golaha deegaanka Hargeysa, markaa sida lagu soo xulay ma sahlanayn, sidaasi darteed Guddoomiye waxaanu rejaynaynaa inaad naga guddoonto..” ayuu yidhi, Wasiirka Wasaaradda Maalgeshiga Somaliland Maxamed Axmed Cawed, waxaanu intaa ku daray “Waxaanu is waafajinaynay dimuqraadiyadda, Horumarka, Xeerarkeena iyo siday Jifooyinku wax u doonayaan iyo sidaynu wax u doonayno, sidaasi darteed Ilaahay baa Mahad leh in Maanta Annaga oo midaysan oo mid ah inaanu halkan (Kulmiye) keeno labadaa Musharrax ee aanu soo xulnay..”

blankGebogabadii, waxa halkaa ka hadlay isla-markaana labada Musharrax guddoomay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Axmed Cabdi Xuseen(Axmed Cabdi-dheere), waxaanu yidhi “Soo Gudbinta oo keliya maaha, ee waanu idinka guddoonay Labada Musharrax, waxayna ka mid noqonayaan Tartamayaasha Gobolka Maroodi-jeex Labada Xildhibaanba, laakiin hawl badan baa idiin taalla, Maxamed-Raambo haddaad keenteen waa inaad soo saartaan, garab gashaan, kana mid noqdo Musharraxiinta ugu Codadka badan”.

blank

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories