HomeXisbiga KULMIYE oo soo Dhaweeyey Dhallinyaro iyo Aqoonyahan kasoo Jeeda Degmada Allay-baday...

Xisbiga KULMIYE oo soo Dhaweeyey Dhallinyaro iyo Aqoonyahan kasoo Jeeda Degmada Allay-baday oo ka Digo-rogtay WADDANI

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xisbul-xaakimka talada Somaliland haya ee KULMIYE, ayaa soo dhaweeyey dhallinyaro iyo aqoonyahan kasoo jeeda gobolka Gabiley, gaar ahaan degmada Allay-baday oo hore uga tirsanaa garabka dhallinyarada ee xisbiga WADDANI, kuwaas oo si rasmi ah ula midoobay xisbiga KULMIYE.

Xaflad ballaadhan oo lagu qabtay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa xalay, isla markaana ay ka qaybgaleen Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, Guddoomiyaha KULMIYE, ahna Murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, wasiirro, wasiiru-dawleyaal, siyaasiyiiin, xildhibaanno, haween, hormoodka masuuliyiinta laamaha dibadda ee xisbiga KULMIYE, dhallinyarada la soo dhaweynayey iyo taageerayaal tiro badan, ayaa lagu qaabilay masuuliyiinta cusub iyo taageerayaashooda, waxaanna laga jeediyey hadallo lagu soo dhaweynayey oo lagu hogo-tusaaleeyey guud ahaanba da’yarta ku dhaqan Somaliland.

1 (14)Xubno kamid ah dhallinyarada iyo aqoonyahanka kasoo jeeda degmada Allay-baday ee xisbiga KULMIYE kusoo biiray oo ugu horrayn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay si guud ugu qanceen siyaasadda KULMIYE iyo horumarka xukuumaddu dalka ka hirgelisay, isla markaana ay go’aansadeen inay maalkooda iyo muruqoodaba geliyaan sidii uu xisbigu mar labaad talada dalka ugu guulaysan lahaa.

Guddoomiyaha waqooyiga Ameerika ee xisbiga KULMIYE Md. Mustafe Cabdi Cartan, ayaa isaguna halkaas hadallo kooban ka jeediyey, ayaa xusay inay dhallinyaradu bud-dhig u tahay guul kasta oo dhinaca siyaasadda iyo dhinacyada kale ee noloshaba laga gaadho, islamarkaana ku biiritaanka da’yarta aqoonyahanka ahi muujinayso in guusha KULMIYE soo dhawaatay.

Xubno iyaguna ka mid ah saraakiisha xisbiga KULMIYE oo ay ka mid yihiin; Axmed Muumin Seed, Jamaal Cali Xuseen, Cabdirashiid Xasan Mataan iyo Rooda Cabdi Muuse oo madasha lagu soo dhaweynayey dhallinyarada iyo taageerayaashooda ka hadlay, ayaa si weyn uga marag kacay inay aqoonyahankani xoog cusub kusoo kordhin doonaan xisbiga KULMIYE, waxana ay hoosta ka xarriiqeen in xisbiga dhexdiisa looga baahan yahay dhallinyaro dardar qabta oo dhinacooda qabata hawlaha lagu jiro.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha Md. Muxumed Aw Daahir iyo Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga Md. Maxamuud Warsame oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa dhallinyarada iyo aqoonyahanka kasoo jeeda degmada Allab-baday ee gobolka Gabiley ku bogaadiyey go’aanka ay ku taageereen xisbiga KULMIYE, waxana ay tilmaameen inay yimaadeen madal afkaartooda iyo aragtiyahoodaba laga soo dhaweynayo.

Guddoomiyaha KULMIYE, ahna Murrashaxa Madaxweynaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhallinyarada u sharraxay halbeegyada laf-dhabarta u ah aragtiyaha uu xisbigu ka duulo iyo doorka da’yarta reer Somaliland looga baahan yahay, waxaana isaga oo arrintaa ka hadlaya uu yidhi, “KULMIYE haddii aynu nahay waxa aynu u soconaa inaynu qarankeena dhisno oo aynu gaadhsiino inuu caalamku ictiraafo oo qaramada adduunka ka mid noqda oo aynu iska reebno oo aynu meel cad ku soo kala hadhno innaga iyo qolada reer Muqdisho ee 20-ka sanno innaga daba qaylinaya oo aynu qarankeena midayno oo ay dhammaanba Somaliland noqoto dad wadashaqaysata oo meel u wada jeedda oo ku dhaata Somaliland oo aan ku dhaadan qabiil.”

Guddoomiyuhu isaga hadalkiisa sii wata waxa si hufan u hogo-tusaaleeyey waajibaadka saaran qof kasta oo dhallinyaro ah oo reer Somaliland ah iyo weliba sida ay waajibka u tahay inay waayeel waanooyin dhaxalgal ah u hibeeyaan da’yarta, “Dadka waaweyn xil baa saaran oo ah inay dhallinyarada u sheegaan waayaha ay soo mareen iyo qaladaadkii ay soo galeen, talo ahaanna u tilmaamaan halka dantoodu ku jirto, dhallinyaradana waxa ku waajib ah inay qaataan hal-ku-dheggii ninkii Maraykanka ahaa ee Kenady la odhan jirey ee ah dalkayga maxaan u qabtaa ee aanay ka bilaabin muxuu dalkaygu ii qabanayaa,” ayuu yidhi murrashax Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuurriyadda Somaliland, ahna murrashaxa jagada madaxweyne ku-xigeen ee xisbiga KULMIYE Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo madasha soo afmeeray, ayaa hambalyeeyey dhallinyarada kasoo baxday WADDANI ee KULMIYE kusoo biirtay, waxana uu ku guubaabiyey inay hadaf ka dhigtaan sidii uu KULMIYE doorashada soo socota guul ballaadhan uga soo hoyn lahaa.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories