HomeXisbiga KULMIYE oo soo Dhaweeyey Dhallinyaro iyo Aqoonyahan ka soo Jeeda Bariga...

Xisbiga KULMIYE oo soo Dhaweeyey Dhallinyaro iyo Aqoonyahan ka soo Jeeda Bariga Sanaag oo cududdooda ku biiriyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)-Hoggaanka xisbul-xaakimka talada Somaliland haya ee KULMIYE, ayaa soo dhaweeyey aqoonyahan ka mid ah kuwa jaamacadaha iyo dhallinyaro kasoo jeeda bariga gobolka Sanaag oo la midoobay xisbiga KULMIYE.

????????????????????????????????????

Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Iid Dhimbiil oo ugu horrayn madashaas hadal kooban ka jeediyey, ayaa soo dhaweeyey aqoonyahanka iyo da’yarta ka soo jeeda bariga gobolka Sanaag, waxaannu xusay inuu hubo inay wax badan ku soo biirin doonaan xisbiga.

Agaasimihii guud ee hore ee Wasaaradda Waxbarashada Somaliland, ahna xubin Guddida Fulinta ee xisiga KULMIYE Md. Cali Maxamed Cali (Cali-cali-yow) oo isaguna halkaas, ayaa hoosta ka xarriiqay inuu kalsooni badan ku qabo bahda aqoonyahanka ah ee kasoo jeedda bariga gobolka Sanaag, waxana uu shaaca ka qaaday inay albaabada xisbigu u furan yihiin, isla markaana fikirkooda iyo aragtidoodaba xisbigu soo dhaweynayo.

dsc_6202Mustafe Axmed Maxamed oo afka aqoonyahanka ka soo jeeda bariga gobolka Sanaag ku hadlayey, Siciid Yaasiin Maxamed, Marwo Ikraan Cawaale Salmaan iyo Abwaan Maxamed Iimaan oo iyaguna hadallo ay ku sharxayeen aragtida aqoonyahanka xisbiga ku soo biiray, ayaa si isku mid ah u sheegay inay ku qanceen hannaanka xisbiga KULMIYE wax u wado iyo waxqabadka muuqda ee uu dalka ka hirgeliyey.

Caaqil Jaamac Warsame Ciroowe (Jafaal) oo ka mid ah cuqaasha caanka ka ah bariga Gobolka Sanaag, ayaa isaguna xusay in aqoonta durugsan  iyo xidhiidha xeesha dheer leh ee bulshada gobolkaas iyo hoggaanka KULMIYE ka dhexeeyaa horseed ka yahay inay aqoonyahankani ku biiraan xisbiga, isla markaana naf iyo maalba u huraan taageeradiisa.

dsc_6152Xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE Md. Xasan Siciid Yuusuf, ayaa isaguna hadallo soo dhaweyn ah uu aqoonyahankaas u jeediyey ku faahfaahiyey miisaanka iyo taariikhda lama ilaawaanka ah ee bulshada deegaanka bariga Sanaag leeyihiin, waxana uu xusay in midnimada ay dhallinyaradani muujiyeen marag u tahay inay marba marka ka dambaysa sii ballaadhanayso cududda uu xisbiga KULMIYE ku yeelanayo gobollada kala duwan ee dalka.

Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed oo hadallo soo dhaweyn iyo jawaab uu u diray xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI u badan goobta ka jeediyey, ayaa ugu horrayn dhallinyarada iyo aqoonyahanka ka soo jeeda bariga Sanaag ugu bushaareeyey inay qaybtooda qaadan doonaan talooyinka iyo joongoynta lagu samaynayo arrimaha xisbiga, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Maanta laga bilaabo xisbiga KULMIYE la idiinku talinmaayee waad ka talinaysaan, heerkiisa qaranka iyo heerkiisa gobolladaba waad ka talin doontaa, guddidiinana arrintaas waanu ka wadahadalnay, hablahana waxaannu la xidhiidhinanaynaa garabka haweenka ee heer gobol iyo heer qaran, dhallinyaraduna labadaas heerba qayb bay ka noqon doonaa, waxana aynu ku wada shaqayn doonaa qaab-dhismeedka xisbiga KULMIYE uu leeyahay.”

dsc_6174Guddoomiyuhu isaga oo sharraxaya  fursadaha uu xisbiga KULMIYE siiyey da’yarta dalka iyo sida uu xeerarkii u furfuray, ayaa waxa uu yidhi,“Xeerarka Somaliland waxay ay qorayeen in Baarlamaanka iyo golayaasha deegaanka cidda isku sharraxaysaa ay da’doodu noqoto 40-jir, laakiin xisbiga KULMIYE dabarkaas isagaa jebiyey, waxana uu barnaamijkiisii siyaasiga ahaa ku soo bandhigay in golayaasha deegaanka da’da laga dhigo 25-jir, ragga maanta golayaasha deegaanka ku jira dalka oo dhamina marka shakhsiyaad yar laga reebo waa da’diinan oo kale, markaa si aad damac siyaasi ah u yeelataan ayaa fursadaas la idiin siiyey.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories