HomeXisbiga Kulmiye oo soo Bandhigay Sababaha keenay Dib-udhaca Shirweynahooda, Wakhti kalena u...

Xisbiga Kulmiye oo soo Bandhigay Sababaha keenay Dib-udhaca Shirweynahooda, Wakhti kalena u Muddeeyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa  (SLpost)- Xisbiga Muxaafadka ah ee Kulmiye, ayaa kulan ay maanta isugu yimaaddeen xarunta Xisbiga ee Magaalada Hargeysa ku muddeeyey wakhtiga laga qabanayo Shirweynaha Xisbigaas oo Dib-u-dhac ku yimi.

Shirweynaha Xisbiga talada haya ee Kulmiye oo markii hore loo qorsheeyey inuu qabsoomo 31 bishan March, ayaa dib loogu dhigay inuu si rasmi ah u furmo 25 Bisha December ee Sannadkan.

xasan siciidWarsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf oo lagu sababeeyey dib-u-dhaca ku yimi shirweynaha Xisbiga, ayaa u dhignaa sidan: “Hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE kulan uu maanta oo taariikhdu 17/03/2013 isugu yimi xarunta dhexe ee xisbiga ee magaalada Hargeysa, lagagana wadahadlay muddaynta qabashada shirweynaha caadiga ah ee xisbiga KULMIYE waxa uu ku go’aamiyey waqtiga rasmiga ah ee qabashada shirweynaha xisbiga.

Hoggaanka xisbigu KULMIYE, kadib:-

  • Markii uu la tashaday Guddida Fulinta xisbiga KULMIYE.
  • Markii uu arkay soo jeedinta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee ku saabsanayd dib-u-dhigista qabashada shirweynaha xsibiga KULMIYE, iyadoo la waafajinaayo sharciga iyo nidaamka xisbiga, soo jeedintaas oo Madaxweynuhu uu warqad rasmi ah oo sumadeedu tahay JSL/M/1654/032013, kuna taariikhaysnayd 07/03/2013 uu ugu gudbiyey Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE.
  • Markii uu garwaaqsaday, si buuxdana ugu qancay sababaha iyo duruufaha waaqiciga ah ee Madaxweynuhu ku saleeyey soo jeedinta dib-u-dhigista qabashada shirweynaha xisbiga.
  • Markii uu arkay go’aanka sumadiisu tahay GDUSAASQ/17/2013 ee ku taariikhaysan 16/03/2013 ee ka soo baxay Guddiga Diiwaangelinta Ururrada siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka Somaliland, go’aankaas oo guddigu ku aqbalay dib-u-dhigista muddada shirweynaha xisbiga KULMIYE (Guddida Diiwaangelinta Ururrada siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka waa hay’adda awoodda sharciga ah u leh ku kaantaroolida axsaabta, hannaanka iyo waqtiga qabsoomida shirweynaha caadiga ah ee xisbiyada qaranka Somaliland).

Waxa uu hoggaanka xisbiga KULMIYE si rasmi ah u go’aamiyey in qabashada shirweynaha caadiga ah ee xisbiga oo hore ugu beegnayd March 31, 2013 dib loogu dhigo December 25, 2013, waqtigaas oo uu si rasmi ah u qabsoomi doono shirweynaha xisbigu.”

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories