HomeXisbiga KULMIYE oo soo bandhigay Aqoonyahan Da’yar oo uga Qayb-gali doona Doorashada...

Xisbiga KULMIYE oo soo bandhigay Aqoonyahan Da’yar oo uga Qayb-gali doona Doorashada Golaha Deegaanka Caasimadda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

[H]argeysa (SLpost)- Munaasibad si weyn loo soo agaasimay oo xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE ku soo bandhigay mid ka mid ah murashaxiintiisa uga qayb-galaya Doorashada Goleyaasha Deegaanka ee Somaliland ayaa maanta lagu qabtay magaalada Hargeysa.

blankMunaasibaddan oo ay ka soo qayb-galeen Masuuliyiinta Sarsare eeXisbiga Kulmiye, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, taageerayaasha Murashaxa iyo marti-sharaf kale, ayaa waxa ugu horreyn ka hadlay Murashax Hanad Xaashi Axmed Caydiid oo shaaciyey inuu Xisbiga KULMIYE ugu Sharraxan yahay  Doorashada Golaha Deegaanka ee Caasimadda Hargeysa. Murashaxu waxa uu dadweynaha iyo taageerayaasha Xisbigaba u ballan-qaaday haddii ay codkooda siiyaan inuu wax ka qaban doono Adeegyada Aasaasiga ah ee Caasimaddu u baahan tahay.

“Dadku kolley marka qof la doorayo, waxa uu yidhaahdaa waxaasaan qabanayaa. Haddii aad na doorataan, Insha Allahu, baahiyaha faraha badan ee aasaasiga ee gobolka Maroodi-jeex u baahan yahay, waxban ayaanu ka qaban doonaa,” ayuu yidhi Murashax Hanad Xaashi.

blankblankWaxa sidoo kale munaasibadda ka hadlay qaar ka mid ah Xidhibaannada Xisbiga Kulmiye ugu jira Goleyaasha Baarlamaanka Somaliland, waxaana ka mid ahaa Xildhibaan Axmed Ibraahim  (Axmed-Weyne) oo murashaxa hankiisa muujiyey kula dardaarmay inuu muujiyo dhabar-adayg iyo dedaal.

blank“Halkan waxa laguu keenay inaad madax ka noqoto uun maahee, hawl baa halkan lagaa doonayaa; waxaa la doonayaa dadku waxa uu tabanayo iyo baahiyaha iyo dhibaatada magaalada ka jirta, inaad wax ka qabato,” ayuu yidhi Xildhibaan Axmed-Weyne.

Waxa kale oo munaasibadda ka hadlay masuuliyiin xukuumadda ka tirsan, Xildhibaanno iyo wax-garad kale kuwaas oo dhammaantood murashaxa kula dardaarmay inuu si karti leh hawshiisa uga soo baxa haddii uu ku guulaystay murashaxnimada Golaha deegaanka ee Caasimadda Hargeysa.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi  oo gebo-gabadii munaasibadda ka hadlay, ayaa murashaxa cusub ku ammaanay aqoon iyo karti uu u leeyahay xilka uu u taagan yahay, waxaana uu sheegay inay ka-Xisbi ay ka go’an tahay inuu ka mid noqdo murashaxiinta Doorashada Goleyaasha Deegaanka.

blank“Hanad waxa uu ku dhashay magaalada Leningrad. Waxa iska dhalay Engineer iyo Dhakhtarad. Markaa waa da’da nasiibka badan ee labadiisa waalidba ahaayeen Jaamiciyiin, waxaanu ku dhashay Kambal Jaamacadeed,” ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi.

Xisbiga iyo urrarada Siyaasadda Somaliland ayaa Bilihii ugu dambeeyey Shacabka iyo Bulshada u soo bandhigayay murashaxiin kala duwan oo uga qayb-qali doona Doorashada Goleyaasha Deegaanka oo lagu wado inay dalka ka qabsoonto dhammaadka Sannadkan.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories