HomeXisbiga Kulmiye Oo Shaaciyay Ergooyinka Shirweynaha Golaha Dhexe

Xisbiga Kulmiye Oo Shaaciyay Ergooyinka Shirweynaha Golaha Dhexe

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa(SLPOST):-Guddida Fulinta Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE, ayaa maanta Ansixisay sagaal boqol iyo afartan iyo hal xubnood oo noqon doona xubnaha Golaha Dhexe ee lagu Ansixin doono Shirweynaha saddexaad ee Xisbigu yeelan doono 22/03/2014-ka.

images (1)

Kulammo is daba-joog ahaa oo Xisbiga uga socday xaruntooda magaalada Hargeysa maalmihii u dambeeyey, isla markaana Dood badan ka dhex dhaliyey Madaxda iyo Masuuliyiinta kala duwan ee Xisbigaas, ayaa maanta lagu soo af-jaray Saami-qaybsi Gobolaysan oo haddana Beelaysan oo Guddida qaban-qaabada Shirweynuhu soo bandhigtay, ka dib markii saami-qaybsigii hore ee Hoggaanku keenay sii kordhiyey khilaafka Xisbiga.

Saami qaybsiga rasmiga ah ee maanta la Ansixiyey waxa uu u dhigannaa sidan:-

“1.      Habarjeclo 206 xubnood

2.      Habar awal 206 xubnood

3.      Arab 113 xubnood

4.      Gar-xajis 94 xubnood

5.      Samaron/Ciise 160 xubnood

6.      Harti 113 xubnod

7.      Tol-jeclo 19 xubnood

8.      Ayuub 19 xubnood

9.      Others 19 xubnood

Isu-geynta tirada guud ee ay ka koobnaan doonaan Ergooyinka rasmiga ah ee ka soo qaybgeli doona Shirweynaha Xisbiga KULMIYE oo lagu qaban doono Hoteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxa ay noqonayaan 941- xubnood, waxaana sida tirooyinka Beelaha marka laga tago Beel walba haddana ka sii heshay gobol kasta tiro cayiman oo ay ka soo baxday wadarta guud ee Beeluhu wax u qaybsadeen.

Kulanka subaxnimadii saaka lagu ansixinayey Ergooyinka, ayaa waxa hadheeyey Buuq iyo muran kolba ka dhalanayey Siyaasiyiinta Beelaha ugu jira Xisbiga oo kooxiba doonaysay in ay kooxda kale ka tiro badato, balse ugu danbayntii waxa la isla gaadhay go’aankan oo mid ay Siyaasiyiintu ku qanceen intooda badan saamiga Beelohoodu ka kala heleen Ergooyinka ka soo qaybgeli doona Shirweynaha Xisbigaas.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada ee KULMIYE, ayaa sheegay inay guud ahaan hawlihii cuslaa ee u diyaar-garawga Shirweynaha Xisbiga KULMIYE la dhammaystiray, isla markaana waxa ugu dambeeyey ee la sugayey ay ahayd qaybinta Ergooyinka ka soo qaybgeli doona Shirweynaha oo loo muddeeyey inuu qabsoomo 21-ka bishan March 2014 ee aynu ku jirno.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories