HomeXisbiga KULMIYE oo Ololihii ugu Cududda ballaadhneydnaa ku soo Gunaanaday meertadiisa Afraad

Xisbiga KULMIYE oo Ololihii ugu Cududda ballaadhneydnaa ku soo Gunaanaday meertadiisa Afraad

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga Talladda haya ee Kulmiye ayaa maanta soo gebagebeeyey ololahiisii Doorashada iyadoo lagu jiro wareegii u dambeeyey ee ololaha xisbiyada iyo ururada siyaasadda eek u tartamaya doorashooyinka Golayaasha Deegaanka Somaliland, waxana taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ay manta isu soo baxyo ka dhigeen guud ahaan Gobolada iyo degmooyinka Dalka.

blankMagaalada Caasimadda ah ee Hargaysa taageerayaasha xisbiga Kulmiye ayaa soo buux dhaafiyey fagaaraha beerta xorriyadda halkaas oo ay khudbado kaga dhegaysteen mas’uuliyiin ay ka mid yihiin gudoomiye ku xigeenka koobaad ee xisbiga Kulmiye Md Maxamaed Kaahin Axmed, Marwada Madaxweynaha JSL Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde (Aamina Weris), wasiirada wasaaradaha arimaha Gudaha, Maaliyadda, kalluumaysiga iyo Waxbarashada.

Gudoomiye Xigeenka Koowaad ee Xisbiga Kulmiye Md. Maxamed Kaahin oo la hadlayey dadweynahii isugu soo baxay fagaaraha Beerta Xoriyadda ayaa sheegay in xisbiga Kulmiye diyaar u noqday ka qaybgalka doorashada iyo aqbalaadda natiijadeedadaba, isla markaana ururada iyo xisbiyada eedda la daba taagan kulmiye ay ogaadaan in waxa lagu tartamayaa ay yihiin Codka shacabka isla markaana loo baahan yahay in ay ku kalsoonaadaan.

blankMd. Maxamed kaahin waxa uu ugu baaqay taageerayaasha Xisbiga Kulmiye in sida ay manta u muujiyeen cududooda ay maalinta codbixintana isu muujiyaan una codeeyaan in isbedelkii dhacay hore loo sii wado, halka sidoo kalena uu Gud/xigeenka xisbigu ku adkaystay in xisbigu guulaysan doono.

Munaasabadaasi waxaa sidoo kale ka hadlay wasiirrada wasaaradaha Kalluumaysiga iyo waxbarashada oo ay wehelinayeen shan iyo labaatanka musharax ee xisbiga Kulmiye ugu taagan doorashada golaha deegaanka ee caasimadda oo dhamaadka bishan qabsoomi doonta.

Somalilandpost.net/Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories