HomeXisbiga Kulmiye oo Maalinta Berri ah Munaasibad Soo-dhawayn ah u Samaynaya Maayarka...

Xisbiga Kulmiye oo Maalinta Berri ah Munaasibad Soo-dhawayn ah u Samaynaya Maayarka Berbera iyo Xildhibaanno uu wato oo ka diga-roganaya Xisbigiisii UCID

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga talada haya ee Kulmiye iyo Xukuumaddisa, ayaa maalinta Berri ah munaasibad maalmihii u dambeeyey dhaq-dhaqeeqada la dareemayey ku soo dhaweynaya Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Berbera Md Cabdi-Shakuur Maxamuud Xasan (C/shakuur Ciddin) iyo xubno ka tirsan Golaha deegaanka Berbera oo u diga-roganaya Xisbiga talada dalka haya.

Wefti ballaadhan oo isugu jira Hoggaanka Sare ee Xisbiga Kulmiye iyo Wasiirro Xukuumadda ka tirsan, ayaa shalay magaalada Berbera ugu amba-baxay ka-qayb-galka munaasibadda  soo-dhawaynta ah ee Kulmiye u samaynayo Maayarka degmada Berbera Cabdishakuur Ciddin oo Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID uga soo baxay degmada Berbera doorashadii Goleyaasha deegaanka.

Munaasibaddan oo lagu qaban-doono xarunta Dawladda Hoose ee Berbera, ayaa sidoo kale lagu soo dhaweyo xubno ka mid ah golaha deegaanka Berbera, kuwaas oo la sheegay inay Isku xisbi ka soo wada-baxeen Maayarka Magaalada Berbera, waxaana lagu wadaa inay ka soo qayb-galaan Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye & ku-xigeennadiisa, Wasiirro xukuumadda ka socda oo uu horkacayo wasiirka arrimha Gudaha, siyaasiyiin, Madax-dhaqameed iyo qaybaha bulshada gobolka Saaxil.

xilwareejinta Berbera (3)Lama oga sababta Maayarka Berbera uga diga-roganayo Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID oo doorashadii deegaanka ku guulaystay aqlabiyadda mudaneyaasha  golaha deegaanka Berbera ee ka soo kala baxay Ururradii hadhay iyo Saddexda Xisbi Qaran, balse waxa ay noqonayshaa guushii u horreysay ee Xisbiga talada haya ee Kulmiye ka gaadho hanashada guddoomiyeyaasha Goleyaasha Deegaanka ee ka soo kala baxay Xisbiyada Mucaaradka ah.

Hoggaanka Golaha Deegaanka Xarunta Dhaqaalaha Somaliland ee Berbera, ayaa ku astaysan ka mid noqoshada iyo taageerada hadba xisbiga hoggaamiyaha talada dalka, waxaana loo fasiran karaa tallaabada maayar Cabdishakuur ugu diga-rogtay Xisbiga Xukuumadda inay tahay dariiqa kaliya ee ay ku mataanoobi karaan Mansabka uu ka hayo degmada Berbera iyo nidaamka wada-shaqayneed ee Xukuumadda talada haysa, iyada oo muddooyinkii u dambeeyey Xisbiga uu ka soo jeedo ee UCID uu mucaaradad xooggan kala horyimi Xukuumadda Kulmiye.
Maayarkii hore ee magaalada Berbera Md Cabdalle Maxamed Carab oo wakhtiii xukuumaddii Madaxweyne Rayaale ka tirsaana Xisbigii hoggaaminayey talada dalka ee UDUB, ayaa sidan kale ugu biiray xisbiga Kulmiye markii talada dalka qabsaday, ka hor intii aan la qaban doorashadii goleyaasha deegaanka ee dabayaaqadii sannadkii 2012-dii ka dhacday dalka.

Xisbiga Kulmiye ayaa hor u hantay Maayarka degmada Burco Md Maxamed Muraad oo ka soo baxay Urur-siyaasadeedkii RAYS ee ku hadhay tartankii doorashada goleyaasha deegaanka, kaas oo ku biiritaankiisa xisbiga talada dalka haya ku shaaciyey maalmo ka dib markii loo doortay maayarnimada magaalada Burco.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories