HomeXisbiga Kulmiye oo Khiyaamo Qaran ku eedeeyey Guddoomiyaha Xisbiga Waddani

Xisbiga Kulmiye oo Khiyaamo Qaran ku eedeeyey Guddoomiyaha Xisbiga Waddani

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Afhayeenka xisbiga KULMIYE, Mudane Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, ayaa ka jawaabay dhaliilo uu guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan dhawaan u jeediyey Madaxweyne Muuse Biixi iyo Golihiisa Xukuumadda oo uu ku eedeeyey Sharci-jabin iyo musuq-maasuq.

blankAfhayeenka KULMIYE oo maanta saxaafadda kula hadlay xarunta guud ee xisbiga KULMIYE, ayaa Xirsi ku sifeeyey shaqsiyad caan ku ah gebi-dhaclaynta, fudaydka, qar iska-xoornimada iyo ceebaynta madaxda, waxaanu tusaale u soo qaatay waxa uu ku tilmaamay khiyaamooyin iyo ceebayn uu ku sameeyey madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo xilal kala duwan u magacaabay.

Afhayeenka xisbiga KULMIYE waxa uu si shaqsi ah u weeraray Guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxaanu yidhi, “Xirsi waa ninkii ku faanay inqilab baan samaynayoo wuu iga fashilmay, intii is casishayna anigaa idhi is casila ee khiyaameeyey madaxweynihii hore, waa ninkii qoray buugga uu ka qoray madaxweyihii xariirta ahaa ee  ku tilmaamay qof aan dalka hawlihiisa waxba kala socon, buuggaas madow ee uu ka qoray madaxweyne Axmed-na yahay mid jiil ilaa jiil jiraya oo maanta taariikh qoran ah, waxana uu ku xigsiiyey inuu yidhaahdo guddoomiyaha golaha wakiillada anigaa iska leh, Arkiifiyadii qarankana uu gacanta kusoo qaatay, isaga oo uga jeeday inuu golihii maamulayo.”

Afhayeenku waxa uu gef iyo dambi qaranka laga galay ku tilmaamay eedaha Guddoomiye Xirsi ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi, “Haddaan ku aqaanno xirsiyow waxad tidhi madaxweynuhu waa jaanib, runtii waa erey afka ka weyn, waana dambi culus oo hay’adaha kala duwan ee qaranka aad ka gashay, mana aad qaddarin, mar haddaad tidhi dalka ajaanib baa xukuma,”ayuu yidhi afhayeen Buuni.

Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Faanka iyo indho adaygga waa lagugu yaqaannay, waxadse ku darsatay aflegaaddeda birimageydada qaranka, marka aad madaxweynaha qaranka ku sheegayso ajaanib, adigu ma muwaaddin baad noqonaysaa, mase waxay daarram tahay dooddaadu, aniga oo Xirsi ah oo kusoo koray KURTI-WAARREY oo  ciyaallo SABLAALE  ahaa, waxan Ahay muwaaddin Somaliland ah.”

Afhayeenku waxa uu wax laga xumaado iyo nasiib-darro ku tilmaamay inuu Xirsi isu beddelay difaaca koowaad ee Farmaajo oo ah cadowga dhabta ah ee qarankani leeyahay, isaga oo intaas raaciyey in xeerka Tamarta iyo korontadu uu yahay dhaqangal, madaxweynuhuna uu qalinka ku duugay, balse uu Xirsi arrintaas ka been abuurtay.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories