HomeXisbiga KULMIYE oo khibradiisa Doorashada ugu awood Sheegtay ururadii cusbaa 6da Gobolbana...

Xisbiga KULMIYE oo khibradiisa Doorashada ugu awood Sheegtay ururadii cusbaa 6da Gobolbana Hogaanka U qabtay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...
blank
suleiman

Natiijada doorashooyinkii dhacay ka dib waxa muuqday taageero mugle oo mudooyinkii u danbeeyey dadka qaar mugdi ka gashay isla markaana in badani ay mana-awaalaysay in xisbigii helay taageerada shacabka inteedii badnayd doorashadii ugu danbaysay ee Madaxtooyada uu ku hungoobi doono haddii uu marlabaad ummada  ka dalbado cod ama ay doorasho danbe isku halleelaan, taas oo mucaarid dhawri ay iskaga daba noqdeen in hadii KULMIYE Doorasho danbe galo aanu shacabka ka helayn in ka badan 2% codadka guud ee dalka.

Waxase taas beeniyey natiijada doorashadii ugu horaysay ee uu xisbigani qabto laba sano uun ka dib waqtigii loo cimaamaday Madaxtooyada, taas oo uu Xisbul xaakimku helay codadka ugu badan shacabka Somaliland majarahana u qabtay guud ahaan gobolada Somaliland oo aaanu hore doorashadii madaxtooyada u helin Tusaaale ahaan doorashadii Madaxtooyada gobolada AWDAL IYO SAAXIL ayuu waayay codka ugu badan ee dadka ku nool deegaanadaas halka uu doorashadan ka helay codad aad u badan marka loo eego ururada kale ee kula loolamayay.

Arintan ayaa u muuqata in Shacabka Somaliland ay kalsooni buuxda u hayaan xisbul Xaakimka KULMIYE isla markaana Xisbiga laftiisa ayaa ururada Cusub iyo xisbiyadii la tartamayba waxa uu u adeegsaday khibradiisa iyo waaya-aragnimadiisa doorashooyinka waxaanu mar horeba sii qorsheeyey dadka ugu miisaanka culus deegaanadooda ee ah labeenta bulshada isla markaana heli kara taageerada reerahooda iyo dadka deeganada ay ka sharaxan yihiin ku nool, halka ururada kalena ay ku mashquulsanaayeen  dhisida haykalkooda ururnimo iyo xalinta khilaafaad gudohooda ku oognaa.

Qormadii Iyo Qalinkii

Suleymaan Cabdisitaar Dubad

Hargeysa Somaliland

cabdisitaar@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories