HomeXisbiga KULMIYE Oo Ka Jawaabay Dhawaaq Ka soo yeedhay Axsaabta mucaaridka Somaliland

Xisbiga KULMIYE Oo Ka Jawaabay Dhawaaq Ka soo yeedhay Axsaabta mucaaridka Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xoghayaha abaabulka iyo wacyigelinta xisbiga KULMIYE, Mudane Saleebaan Siciid Cali, ayaa si adag uga jawaabay hadallo sharciyadda ka baxsan oo ay xalay ku dhawaaqeen hoggaanka sare ee axsaabta mucaaridka ah ee WADDANi iyo UCID.

Xoghaye Saleebaan oo maanta saxaafadda kula hadlay xarunta dhexe ee xisbiga KULMIYE, ayaa ugu horrayn labada xisbi mucaarid uga digay durbaanka colaadda ee ay garaacayaan iyo kala irdhaynta midnimada bulshada walaalaha ee reer Somaliland.

Sidoo kale, waxa uu si cad u sheegay inaanay cidina ka hor iman Karin dawladnimada iyo qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, hay’adaha kala duwan ee dawladduna yihiin kuwo sharci ku dhisan oo ciddii ka hor timaaddaa mudanayso dambiyo culus.

Xoghaye Saleebaan Siciid Cali, waxa uu guddoomiyihii hore ee xisbiga WADDANI, Mudane Cabdiraxmaan Cirro xasuusiyey muddo-kordhimihii kala duwanaa ee guurtidu u samayn jirtay golihii wakiillada ee uu guddoomiyaha ka ahaa, taas oo uu muddo badan kursiga guddoomiyaha ku fadhiyey, inay sharci tahayna uu aaminsanaa.

Waxa uu ku eedeeyey axsaabta mucaaridka inay ku astaysan yihiin dib-u-dhacyadii ku yimi doorashooyinkii kala duwanaa ee dalka ka qorshaysnaa, isaga oo tusaale usoo qaatay dibin-daabyadii ay ku hayeen dhismaha komishannadii kala dambeeyey ee shaqada u kala dambeeyey.

Xoghaye Saleebaan Siciid waxa uu hoosta ka xarriiqay in dhawaan loo dareeri doono doorashooyinka ururrada, saddexda xisbi ee kasoo baxaana ay markaa madaxweynaha kala xaajaysan doonaan doorashada madaxtooyada, waxaana uu yidhi, “Marka 9-ka urur ay qaataan shahaadada ku-meel-gaadhka ah waxa ay la xaq noqonayaan oo la sinmayaan saddexda xisbi ee haatan jira. Madaxweynaha maanta ma jirto cid kala hadli karta doorasho madaxtooyo, haddii ay xisbiyada mucaaridka ahi ka hadlaanna sagaalka urur ee soo baxayna way ka hadli karaan, 12-kaasi markay tartamayaan saddexda kasoo baxa uun baa doorasho ka hadli doona, maantana ma taallo doorasho madaxweyne ee waxa taagan doorashadii ururrada”.

Xoghaye Saleebaan waxa uu Meesha ka saaray wararka aan salka lahayn ee axsaabta mucaaridku ku sheeganayaan inuu madaxweynuhu ergo udirsaday, isaga oo xusay inaanay jirin sabab uu Ergo u dirto maaddaama oo uu sharci ku taagan yahay.

Ugu dambayn, xoghayuhu waxa uu axsaabta mucaaridka uga digay shirar-beeleeddada ay dabada ka riixayaan, waxana uu usoo jeediyey inay bulshada hor keenaan ajendayaal tilmaamaya waxa ay qaban doonaan, xanafta iyo colaaddana ka yareeyaan shacabka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories