HomeXisbiga Kulmiye oo ka hadlay War lagu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo iyo...

Xisbiga Kulmiye oo ka hadlay War lagu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiyaha Kulmiye Isku Khilaafeen Kulan ku Dhexmaray Madaxtooyada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Xasan-Siciid2Hargeysa (SLpost)- Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye, ayaa war-xumo tashiil iyo meel-ka-dhac ku tilmaamay warar ay baahisay saxaafadda qaarkeed, kaas oo lagu sheegay in kulan muran ka dhashay uu dhexmaray madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.

War-saxaafadeed caawa ka soo baxay xarunta Dhexe ee Xisbiga Kulmiye, kuna saxeexan yahay Xoghayaha Guud ee Xisbigaas Xasan Siciid, ayaa lagu beeniyey jiritaanka warkaas oo lagu sifeeyey mid baalmarsan nidaamka warbaahineed oo bulshada lagu jaah-wareerinayo.

Waxa sidoo kale war-saxaafadeeda digniin loogu jeediyey warbaahinta dalka inay ka feejignaadaan tebinta wararka xaqiiqda ka fog. Waxaanu war-saxaafadeekani u qornaa sidan: “Waxa jiray war ku soo baxay warbaahinta dalka qaarkood, gaar Wargeyska YOOL, kaas oo ahaa mid meel ka dhac ku ah, isla markaana baalmarsan xeerka iyo nidaamka war-tabineed ee saxaafadda. Warkaas oo lagu sheegay in kulan muran ka dhashay uu dhexmaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi.

Xisbiga KULMIYE ugu horreyn waxa uu caddaynayaa in warkaasi yahay mid aan sal iyo raad toona lahayn, mana jiro kulan noocaas ah oo Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha xisbiga dhexmaray.

Kulamada masuuliyiinta xisbiga iyo Madaxweynaha dalka dhexmaraana waa kuwo lagaga hadlo marwalba danta guud ee qaranka iyo ta xisbiga ee maaha kuwo lagaga hadlo mid shakhsi ah iyo mid gaar ah toona.

Xisbiga KULMIYE isagoo si adag u beeninaya warkaas xaqiiqada ka fog, isla markaana aan ahayn markii u horreysay ee ay tahay dacaayado raqiis ah oo ay ugu talogaleen warbaahinta qaarkeed inay bulshada ku jahawareeriyaan faafinta war aan jirin.

Sidaa darteed xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisu waxay uga digayaan warbaahintu inay ka waantoobaan war-xumo tashiilnimada. Waxa kale oo xisbiga KULMIYE bogaadinayaa warbaahinta inteeda kale ee dhawrtay anshaxa iyo shuruucda saxaafadda.”

Hadalka ka soo baxay Xoghayaha Guud ee Xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye, ayaa ku soo beegmaya xilli ay muddo kooban ka hadhsan tahay shirweynaha Xisbigaas oo lagu wado inuu badhtamaha bisha 12aad ee sannadkan ku qabsoomo magaalada Hargeysa, kaas oo lagu go’aamin doono, loolan adag ka dib, murashaxiinta madaxtooyada iyo  cidda hoggaanka u qaban-doonta xisbigaas.

SOMALILANDPOST.INFO

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories