HomeXisbiga KULMIYE oo ka Hadlay Natiijada Doorashada, taageerayaashiisana u bushaareeyey

Xisbiga KULMIYE oo ka Hadlay Natiijada Doorashada, taageerayaashiisana u bushaareeyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Masuuliyiinta xisbiga KULMIYE, ayaa ka hadlay doorashadii Madaxtooyada ee ka qabsoontay dalka Isniintii toddobaadkan iyo halka ay marayso natiijada codbixinta ee ay wadaan Komishanka Doorashooyinka Qaranku.

Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE Md. Xasan Siciid Yuusuf iyo Afhayeenka Xisbiga Md. Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiska xisbiga KULMIYE ee Hargeysa maanta waxay shacabka reer soomaliland uga mahadceliyeen sida quruxda badan ee ay uga qaybgaleen doorashada iyo wanaaggii ay ku dhammaatay, isla markaana waxay si gaar ah ugu mahadnaqeen taageerayaasha KULMIYE ee ku taageeray xisbiga inay cod miisaan wayn leh siiyaan.

kulmiyeXoghayaha Guud iyo Afhayeenku waxay ku wargaliyeen shacabka Somaliland inay socoto tirinta codadka doorashada ee shacabku bixiyey, isla markaana xisbi waliba u ogyahay natiijada uu helay, balse ku dhawaaqista natiijada laga sugayo hay’adda u xilsaaran oo ah Komishanka Doorashooyinka Qaranka, sidaasi darteedna waxay ugu baaqeen taageerayaasha KULMIYE in aanay samayn wax dabbaaddegyo ah ka hor inta natiijadu soo baxayso, inkastoo guusha uu keenay codkoodii dhawaan ay soo bixi doonto.

“Waxaan u mahadnaqayaa shacabka reer Somaliland ee cududdooda iyo codkoodaba ku taageeray sidii uu mar labaad u hanan lahaa kursiga xisbiga KULMIYE. Dhammaan shacabka reer Somaliland waxay qayb wanaagsan ka qaateen sidii ay u suurtogalin lahaayeen inay dhacdo doorasho xor ah oo xalaal ah, waxay muujiyeen bisayl aad u sarreeya iyagoo ku soo gabogabeeyey inay safafka u galeen iyagoo nidaamka ilaalinaya oo qofna qof aannu riixayn oo si wanaagsan u codeeyey.” Sidaa waxa yidhi Afhayeenka KULMIYE Md. Xasan Gaadhaafi, waxaannu isagoo hadalkiisa sii wata intaa raaciyey, “Waxaynu ognahay in xisbi waliba uu maanta garanayo oo ogyahaya wixii cod helay natiijadiisa, waxaynu garanayna guushu cidday raacday, waxaynuse sugaynaa in si xalaal oo kama dambays ah uu ugu dhawaaqo Komishanka Dooroshooyinka Qaranku sida sharcigu dhigayo. Axsaabta waxa la gudboon sida uu sharcigu dhigayo ama xeerka Anshaxa Doorashooyinku inay sugaan go’aanka Guddiga Doorashooyinka ee ku saabsan natiijada kama dambaysta ah.”

Afhayeenku waxa uu sheegay in xisbiga KULMIYE diyaar u yahay aqbalaada natiijada doorashada, waxaannu baaq u diray taageerayaasha xisbiga ee dalka, isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Xisbiga KULMIYE waxa uu diyaar u yahay inuu ixtiraamo go’aankaas laga sugayo Guddiga Doorashooyinka, waxaannu uga digaynaa xisbiyada mucaaradka ah inay ixtiraamiwaayaan go’aankii shacabka reer Somaliland, inay ugu abaalnaqaan sidii fiicnayd ee ay uga wada qaybqaateen doorashada, inay ku ilaaliyaan ama ku ixtiraamaan sidii quruxda badnayd ee ay codkooda u bixiyeen iyagoo go’aamiyey cidda ay guushu raacayso. Waxaannu leenahay wax kasta oo ka hordhaca natiijada oo ay ka mid yihiin xaflado been-abuur ahi waxay fool-xumo iyo qurux-darro ku keenayaan go’aanka shacabka, waxaannu diyaar u nahay haddii aannu nahay xisbiga KULMIYE in aannu sugno muddadaas, shacabkayaga iyo taageerayaashadana waxaannu ku guubaaninaa inay iyaguna sugaan oo ixtiraamaan inta Komishanku ku dhawaaqayo natiijada kama dambaysta ah.”

Waxa kaloo uu ugu bushaareeyey in doorashadii Madaxtooyada eek a dhacday Somaliland ay si wayn u soo jiidatay indha beesha caalamka oo hambalyo iyo bogaadin ballaadhan lagu siiyey Somaliland iyo shacabkeedaba, taasina ay ka markhaati kaceen goob-joogayaashii ka socday beesha caalamka ee kormeerayey doorashadu.
Sidoo kale, Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE Md. Xasan Siciid Yuusuf, ayaa isna uga digay xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI inay sii wadaan xaflado iyo jahawareerin ay ku wadaan natiijada doorashada, waxaannu ku dhiirrigeliyey taageerayaasha KULMIYE inay farxad ku sugaan ku dhawaaqista natiijada doorashada.
Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Guushu way soo baxaysaa, go’aankuna waxa uu ku xidhan yahay Komishanka Doorashooyinka, waxaannu uga digaynaa dad badan oo ka mid ah masuuliyiinta xisbiga WADDANI inay xaflado khiyaal ah oo been abuur ah ay dhigayaan, waxa ka mid ah meelaha xafladahaa laga dhigay xalay oo ahayd Arbaca guriga murrashaxa xisbiga ee Hargyesa, waxa ka mid ahayd huteelka Maamuus oo Hargeysa ah iyo meelo kale oo Burco ka mid tahay, waxaas oo dhamina waa waxyaabaha lagu jahawareerinayo dadweynaha, waana wax ka soo horjeeda anshaxa iyo xeerarka doorashada.”

“Farxadu waa dambaysaa ciddii hesha, waana la ogyahay cid waliba guusheeda iyo guul-darreeda, waxaannu aad iyo aad ugu boorrinayna taagerayaasha xisbiga KULMIYE inay farxad ku fadhiyaan guryahooda, maalinta natiiada doorashadu soo baxdana waa la arki doonaa ciddi faraxda iyo ciddii naxda,” ayuu intaa raaciyey Xoghayaha Guud ee KULMIYE Md. Xasan Siciid Yuusuf.

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA SHIRKA JARAA’ID EE MASUULIYIINTA KULMIYE

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories