HomeXisbiga Kulmiye oo Gacanta ku dhigay Maayarrada Degmooyinka Gabiley iyo Balligubadle

Xisbiga Kulmiye oo Gacanta ku dhigay Maayarrada Degmooyinka Gabiley iyo Balligubadle

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Gabiley iyo Balligubadle ee gobolka Maroodijeex, ayaa maanta yeeshay fadhiyadoodii u horreeyey oo ay ku doorteen maayarrada iyo ku-xigeennada labaas degmo.

Fadhiyada ay yeesheen labada gole deegaan ee Gabiley iyo Balligubadle, ayaa ka hor intii aanay dooran maayarrada iyo ku-xigeennada, waxa xildhibaannada goleyaasha dhaariyey Garsooreyaal ka socday maxkamadda gobolka Maroodijeex.

Golaha Deegaanka degmada Gabiley, ayaa fadhigoodii maanta maayar iyo ku-xigeen u doortay labada mudane oo ka soo kala baxay Xisbiga Talada haya ee Kulmiye iyo urur-siyaasadeedka Umadda, taas oo timi ka dib markii in muddo xafiiltan dheeri ka dhex-taagnaa xildhibaannada ka soo baxay ururrada iyo Xisbiyada oo ku kala awood badan golaha deegaanka Gabiley.

golaha degmada GabileyKa dib markii Maxkamadda gobolku dhaarisay 21-ka xildhibaan ee golaha deegaanka, waxa goluhu u jeedsaday doorashada maayarka iyo ku-xigeenka, waxaana jagada maayarka isu soo sharraxay labada mudane oo kala ah Shucayb Maxamed Muuse iyo Cali Maxamed Sh. Saleebaan oo labadooduba ka soo baxay Xisbiga Kulmiye, waxaana jagada maayarnimada ku guulaystay Shucayb Maxamed Muuse oo ay u codeeyeen 15 Xildhibaan.

Maayar ku-xigeenka degmada Gabiley oo aanay cidi ku tartamin, waxa isu soo sharraxay Cabdi Yuusuf Daahir oo ka soo baxay ururka Umadda kaas oo ay u codeeyeen 12 xildhibaan, sidaasna loogu doortay maayar-ku-xigeenka degmada Gabiley.

dhaarta GabileyMunaasibadda lagu doortay Hoggaanka golaha deegaanka degmada Gabiley, waxa goob-joog ka ahaa Badhasaabka Gabiley Axmed Cali Nuur, Ku-xigeenkiisa Axmed Cali Nuur iyo masuuliyiin ka socday wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Dhinaca kale, fadhigii ugu horreeyey ee ay yeeshaan golaha Deegaanka Balligubadle, ayaa maanta lagu dhaariyey xubnaha golaha  degaanka degmadaas, kuwaas oo markii dambe doortay Maayar iyo maayar ku-xigeen.

Fadhiga oo ay soo xaadireen xubnaha 13-ka ah ee golaha deegaanka isla markaana uu goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Gobolka Hawd Jamaal Xuseen Hurre, ayaa lagu doortay Maayar iyo Maayar ku-xigeen ka soo kala jeeda Xisbiga talada haya ee Kulmiye iyo urur-siyaasadeedka Xaqsoor.
Booska Guddoomiyaha Golaha deegaanka degmada Balligubadle oo ay u tartameen Cabdi Iimaan Jaamac oo Kulmiye ka soo baxay iyo Sacad Xariir Cumar oo ururka Xaqsoor ka soo baxay, ayaa lagu kala badiyey cod hal-dheeri ah.

Xidhibaan Cabdi Iimaan Jamac, ayaa helay kalsoonida 7 xildhibaan oo uu isagu ku jiro, halka Mudanihii la tartamyey ee Sacad Xariir Cumar ka helay Lix Cod, waxaana sidaas maayarka degmada Balligubadle ugu guulaystay Cabdi Iimaan Jaamac oo ka mid ah labada Xildhibaan ee Xisbiga Kulmiye uga soo baxay degmada Balligubadle.

Jagada Maayar ku-xigeenka Balligubadle waxa isu soo sharraxay Mowliid Jaamac Yuusuf oo ururka Xaqsoor ka soo baxay isla markaana aanay cidi kula tartamin jagadaas, ayaa waxa u codeeyey 9 ka mid ah 13 xildhibaan ee golahaasi ka kooban yahay halka saddex kalena ka aamuseen, waxaanu sidaas ku noqday maayar ku-xigeenka magaalada Balligubadle.

SOMALILANDPOST.NET

contact[at]somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories