HomeXisbiga KULMIYE oo Farriin Culus u Direy Shacabka Somaliland

Xisbiga KULMIYE oo Farriin Culus u Direy Shacabka Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere) oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada oo isla xisbiga katirsan, ayaa baaq la xidhiidha muhiimadda ay leedahay qaadashada kaadhka cod-bixinta u diray shacabka reer Somaliland, gaar ahaanna taageerayaasha xisbiga KULMIYE.

Guddoomiyaha oo ay hareero joogaan wasiirrada wasaaradaha, arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, Dr. Ciise Keyd Maxamuud, Macdanta iyo Tamarta, Mudane Cabdilaahi Faarax Cabdi, Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda, Mudane Cabdiweli Sheekh Cabdilaahi Suufi Jibriil, Waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) iyo horumarinta Beeraha, Mudane Cabdiqaadir Iimaan Warsame, ayaa si wada-jir ah bulshada ugu baaqay inay ka faa’iidaystaan muddada kooban ee waqtigii kaadh-qaadashada ka hadhay gobollada Awdal, Saaxil iyo Sanaag, iyaga oo bulshada ku dhaqan gobollada Maroodi-jeex, Togdheer iyo Sool oo ay dhawaan qaybinta kaadhadhka ka bilaabmi doontana ugu baaqay inay isu diyaariyaan sidii ay u qaadan lahaayeen kaadhadhkooda, si ay awood ugu yeeshaan inay codkooda dhiibtaan.

Ugu horrayn, Xubno kamid ah wasiirrada madasha ku sugnaa oo halkaas ka hadlay, ayaa taageerayaasha xisbiga KULMIYE ugu baaqay inay xil iska saaraan sidii u qaadan lahaayeen kaadhadhkooda cod-bixinta, kuna baraarugaan muhiimadda u kaadhku leeyahay, iyaga oo madaxweynaha qarankana ugaga mahadnaqay kaalinta dhaqaale ee uu ka qaatay sidii ay diiwaangelinta cod-bixiyayaasha iyo qaybinta kaadhadhkuba si habsami leh ugu qabsoomi lahaayeen.

Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi-dheere oo halkaas ka hadlay, ayaa shacabka reer Somaliland, gaar ahaan taageerayaasha KULMIYE ee ku dhaqan gobollada haatan kaadh-qaadashadu ka socoto iyo kuwa ay dhawaan ka bilaabmi doontaba ugu baaqay inay si habsi leh u qaataan kaadhadhka.

“Dhammaan shacabka reer Somaliland, gaar ahaan taageerayaasha KULMIYE, waxan doonayaa inaan ku guubaabiyo qaadashada kaadhadhka codbixinta, walaalayaal saddexdaa cisho ee ka hadhay qaybinta kaadhadhka ee saddexdii gobol ee hore, si wanaagsan ugu soo baxa oo ka faa’iidaysta. Saddex gobol oo kale oo kala ah Maroodi-jeex, Togdheer iyo Sool, ayaa Bishan 12-keeda bilaabmi doona, waxana shacabka leeyahay dhaqaale badan baa kaadhkaas inagaga baxay, qofkuna xaq buu u leeyahay inuu kaadhka qaato oo uu diyaar garoobo doorashooyinka inagu soo socda,” Sidaas waxa yidhi Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Xisbiga Kulmiye.

Qaadashadashada kaadhadhka cod-bixiyayaasha, ayaa dhawaan ka bilaabmay gobollada Awdal, Saaxil iyo Sanaag, iyadoo 12-ka Bishan June ka bilaabmaysaa saddexda gobol ee Maroodi-jeex, Togdheer iyo Sool.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories