HomeXisbiga Kulmiye Oo Beeniyay In Muuse Biixi uu Cirro Ku Duray Inuu...

Xisbiga Kulmiye Oo Beeniyay In Muuse Biixi uu Cirro Ku Duray Inuu Xeerarkii Doorashada Ku Fadhiyo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa(SLpost)-Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye ayaa beeniyay hadal dhawaan uu afhayeenka xisbiga Waddni Ibraahin Mahdi Buubaa ka jeediyay magaalada Burco oo uu ku durayay in musharax Muuse Biixi uu ku eedeeyay guddoomiye Cirro in uu xeerarkii doorashada ku fadhiyo.

Waxa sidan lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xisbiga Kulmiye oo uu ku saxeexnaa xoghayaha guud ee xisbiga kulmiyeXasan Sisciid Yuusuf, waxaanu u dhignaa sidan warsaxaafadeedku

WARSAXAAFADEED

“Ujeeddo: Beenin Hadal Been-abuur ah oo Afhayeenka WADDANI ka sameeyey guddoomiyha xisbiga KULMIYE

Been-abuurka iyo hubsiimo la’aantu waxay caado u noqdeen xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI oo mar walba ay ka soo baxaan hadallo aan xaqiiqda ku salaysnayn iyo eedaymo cunfi been ah ku fadhiya.

Waxa la yaab iyo u qaadanwaa ku noqday xisbiga KULMIYE iyo dadweynaha inta maqashay hadal been ah oo Afhayeenka xisbiga WADDANI Ibraahim Mahdi Buubaa ka jeediyey Burco oo uu ku sheegay in Guddoomiyaha KULMIYE Mudane, Muuse Biixi Cabdi uu dhawaan ku eedeeyey Guddoomiyaha WADDANI inuu isagu haysto xeerarkii doorashada oo horyaal aqalka Golaha Wakiillada ee uu guddoomiyaha ka yahay.

Haddaba, xisbiga KULMIYE waxa uu caddaynayaa in hadalkaasi ka soo yeedhay Afhayeenka WADDANI yahay been-abuur cad oo aanay waxba ka jirin, sababta oo ah ma jirto meel Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Xisbiga Mudane, Muuse Biixi Cabdi ku yidhi ama ka sheegay eedaynta noocaas ah iyo warbaahin uu kaga hadlay arrimaha siyaasadda iyo xisbiyada toona.

Sidaasi darteed, waxaannu xisbiga WADDANI kula talinaynaa in hadallada ka soo baxaya iyo maagista masuuliyiinta kale noqdaan qaar run iyo xaqiiq jirta ka turjumaysa, isla markaana waafaqsan shuruucda iyo xeerarka dalka Jamhuuriyadda Somaliland, kana waantoobaan hadallada been-abuurka ah ee ay u sheegayaan shacbiga Somaliland.

Alla Mahad Leh”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories