HomeXisbiga Kulmiye oo u dabbaal-degay sannad-guuradiisa 20aad (Akhriso+Sawirro)

Xisbiga Kulmiye oo u dabbaal-degay sannad-guuradiisa 20aad (Akhriso+Sawirro)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ayaa ka qaybgalay munaasibad ballaadhan oo loogu dabbaaldegayo 20-guurada kasoo wareegtay Aas-aaskii xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE.

blankMunaasibadda debbaaldegga oo lagu qabtay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay, madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), xubnaha hoggaanka xisbiga, golaha dhexe, guddida fulinta, madaxda laamaha xisbiga ee gobollada iyo degmooyinka, xildhibaannada goleyaasha qaranka ee xisbiga kasoo baxay, xubno kamid ah golaha wasiirrada, siyaasiyiin, haldoor bulshada katirsan iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, iyada oo madasha si qoto dheer loogaga sheekeeyey marxaladihii kala duwanaa ee xisbigu soo maray, guulihii kala dambeeyey ee uu kasoo hooyey doorashooyinkii dalka ka qabsoomay, looguna duceeyey haldoorkii iyo labeentii xisbiga dhidibada u taagay.

blankMarwo Aamina-weris Sheekh Maxamed Jirde oo ah marwada madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Aas-aasihii xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo halkaas ka hadashay, ayaa xisbiga ku bogaadisay munaasibadda 20-guurada kasoo wareegtay Aas-aaskii xisbiga, waxana ay hoosta ka xarriiqay inuu KULMIYE yahay awood jirta oo taageerayaashiisu dalka iyo dibaddaba joogaan, islamarkaana ay ka go’an tahay inay sii ambo qaadaan guulaha xisbiga.

Xoghayaha garabka haweenka ee xisbiga KULMIYE, Marwo Sahra Saleebaan Cawil, ayaa iyaduna taageerayaasha iyo madaxda xisbigaba ku bogaadisay sannad-guurada 20-aad, waxana ay taageerayaasha ugu baaqday inay sii laban laabaan daacadnimada iyo dedaalka ay xisbiga la garab taagan yihiin.

blankSiyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa dhankiisa sharraxay guulihii kala dambeeyey ee xisbigu kusoo tallaabsaday muddadii 20-ka sano ahayd ee uu jirey, sidii Dimuqraaddiga ahayd ee hoggaankiisa la isugu beddelay iyo habka farshaxannimada leh ee uu khilaafyadiisa u xalliyo, isaga oo xusay inuu xisbigu hayo jid caan ku ah guusha.

Guddoomiyaha hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha, Mudane Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif) iyo siyaasi Cabdicasiis Maxamed Samaale oo labadooduba katirsan guddida fulinta ee xisbiga KULMIYE oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa ku dheeraadaay marxaladihii uu xisbigu soo maray, halka uu maanta joogo iyo sida ay uga go’an tahay inuu mar walba dalka ku hoggaamiyo Barnaamij tayo leh oo waxqabadku saldhig u yahay, iyaga oo axsaabta mucaaradkana uga digay fadqalalada iyo durbaanka bulshada lagu kala qaybinayo, amnigana lagu khalkhalgelinayo ee ay tumayaan.

Xildhibaan Maxamed Xuseen Jaamac (Raambo), xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali iyo xildhibaan Cabdilaahi Muuse oo kasoo baxay xisbiga KULMIYE oo halkaas ka hadlay, ayaa xisbiga iyo taageerayaashiisaba ku hambalyeeyey munaasibadda sannad-guurada 20-aad, waxana ay sheegeen in taageerada xisbigu waqti kastaba sii xoogaysanayso oo aanay weligeed wiiqmaynin.

Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere), ayaa isaguna caddeeyey in muddadaa labaatanka sanno ah ee xisbiga KULMIYE jirey uu mulkiyey taariikh mug leh oo ay Aas-aas u tahay horumar iyo midnimo bulsho, muddadii uu dalka hoggaaminayeyna uu jeexay jid barwaaqo ah oo lagu hirto.

blankWasiirka arrimaha gudaha, ahna guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo madasha ka jeediyey hadal dhinacyo kala duwan lahaa, ayaa si qoto dheer u sharraxay taariikhda guusha iyo ilbaxanimada ku sidkan ee xisbiga KULMIYE, waxana uu sheegay in KULMIYE dalka geliyey tacab badan, horseedna ka noqday dedaalo midho dhalay oo dalka iyo dadkaba loogu horseeday horumar iyo guul taariikhi ah.

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo kamid ahaa Aas-aasayaashii xisbiga KULMIYE, ayaa hambalyeeyey madaxda iyo taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxana uu ku dheeraaday marxaladihii uu xisbigu soo maray iyo jidkii dheeraa ee uu usoo maray guusha uu maanta xisbigu bulshada u horseeday.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo bulshada u jeediyey khudbad dhinacyo kala duwan taabanaysa, ayaa bayaamiyey tiirarkii dhidibada u ahaa Aas-aaskii xisbiga KULMIYE, kuwaas oo saldhig u ah hoggaaminta uu xisbigu qaranka horseedka ugu yahay, waxana uu yidhi,“Jiritaanka qarannimada, wada-jirka iyo wax wada lahaanshaha dadka reer Somaliland iyo nabadgelyada iyo horumarinta dhaqan-dhaqaale ee ummadda reer Somaliland, saddexdaas tiir ayaannu xisbi ahaan kaga duulaynaa mustaqbalka fog.”

blankMadaxweynuhu waxa uu si cad u sheegay in xisbiga KULMIYE ay caadadiisa tahay inuu si Dimuqraaddi ah oo khilaaf la’aan ah uu hoggaankiisa ku doorto, isagoo intaas ku daray in doorashada guddoomiyaha xisbiga dhawaan la dooran doono, “Maanta aniga waqtigaygii guddoomiyaha xisbigu waa gebogebo, dhawaanna waxa diyaar loo yahay in guddoomiyihii xisbiga la doorto, waxana aan idiin sheegayaa bahda KULMIYE inaanu KULMIYE arrintaas khilaaf ku geli doonin ee uu wixiisa sii dhammaysan doono, isaga oo midaysanna uu shirka iman doono sidii looga bartay,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu hoosta ka xarriiqay in xisbiga KULMIYE xilliyadii uu mucaaridka ahaa ay caado u ahayd in waxyaabaha qarannimada la xidhiidha aanu dood gelinin oo uu ku garab istaagi jirey xukuumaddii jirtay, balse ay mucaaridka maantu caado taas ka duwan lasoo baxeen, “KULMIYE markuu mucaaridka ahaa weligii dawladdii jirtay kulamuu murmin xafladaha qaranka iyo maalmaha qaranka loo dabbaaldego, waana taariikh uu lahaa KULMIYE,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories