Home“Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadiisu Ma Waxay Sas ka Qaadeen Isbahaysigii Xisbiyada Mucaaridka...

“Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadiisu Ma Waxay Sas ka Qaadeen Isbahaysigii Xisbiyada Mucaaridka iyo Madasha Wadatashiga” – Qalinkii: Mohamed Adan Dube (Gacayte)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Mohamed AdenMarka aynu yar milicsano dhowrkii todobaad ee ugu danbeeyay wax sii xoogaysanayay hirdanka siyaasadeed ee ka dhexeeya Xisbiga Xaakimka Kulmiye iyo Xisbiyada Mucaaridka oo jawigooda laga fahmi karo inay tahay midi midi ku taag qoloba qolada kale ku eedaynayso inay sabab u yihiin dib udhaca doorashooyinka oo dhawaaqii Komishanka Qaranka uun Lagu baraarugay kaasoo nuxurkiisu ahaa in hawlahii diiwaangalinta codbixiyayaasha ay bilaabi doonaan marka ay ay dhamaato mudo xileedka xukuumada oo ku beegan 26june2015. Inkasta oo ay xisbiyada mucaaridka ahi aqbaleen mudada ayay soo saareen kDQ ee ay ku bilaabayaan hawsha diiwaangalinta codbixiyayaasha, hadana maalin kadib dhawaaqaa komishanka waxa war murtiyeed soo wada saaray labada xisbi mucaarid iyo madasha wadatashiga, ujeedadiisuna ahayd inaanay aqoonsanayn xukuumada wixii ka danbeeya 26june, waxaanay go,aansadeen in xukuumada wadaag ah ay kudhawaaqi doonaan kadib marka lakala diro xukuumada iyo baarlamaankaba, iyadoo taasi jirta ayaa xukuumada iyo xisbigeeduba ay meel cad iska taageen inaanu soconayn go,aankaa mucaaridku, dalkana aanu maalin dawlad la,aan ku dhici doonin hadii doorashadu dib udhacdo.

Hadaba markaan yar falan qeeyo arimahaa Xisbiyada Mucaaridka Midbaan usoo jeedin lahaa, Xisbiga Kulmye iyo Xukuumadiisana Midbaan usoo jeedin lahaa.

Xisbiyada Mucaaridka ah:- waxaan leeyahay hadaad kursiga dalkan laga xukumo aad ku socotaan waar kursiga nabad ku doona, wada hadal ku doona, wada tashi ku doona, laakiin hadaad ku doontaan qaab nabadgalyo daro ah oo dawlad la,aan ah dee adeer idinkana idin anfici mayo umadana anfici mayo, umaduna aad codka ka doonaysaana idin ka aqbali maayaan. Laakiin waxaad ogaataan arinta dib udhaca doorashada maanta may iman ee bari hore ayay dib u dhacday, waxaanay ahayd in waqti hore aad indhaha furtaan oo aad ka hawlgashaan, maanatana waxa idin la gudboon in sharcigana la dhawro wixii umadan iyodalkan dan u ahna la raaco wada hadal iyo heshiis lagu dhameeyo sidii layskula meel dhigi lahaa arimaha doorashooyinka waqti cayimana loogu mudayn lahaa maalinta doorshadu qabsoomayso.

Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadiisa: waxaan leeyahay falaadhi gilgilasho kaagama go,do marka laga hadlayo sharciga qabsoomida doorashooyinka wuxuu dhigayaa inay masuul ka tahay arimaha doorashooyinka inay waqtigeedii ku qabato xukuumada waqtigaa talada gacanta ku haysa, kolkaa xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay M/weyne Axmed Siilaanyo horta iyadaa ka masuul ah ilaalinta waqtiga doorashooyinka, hadaba waxa la yidhi caano daatay dabadood la qabay, waxa maanta muuqatada inay doorashadii aanay waqtigeedii ku qabsoomayn oo dib u dhac jiro, xukuumada waxa looga fadhiyaa inay dardar galiso wax kasta oo fududaynaya inay dalkan doorasho ka dhacdo oo aanay iska indho tirin masuuliyada ka saran qabashada doorashada, haday tahay arimaha diiwaangalinta madniga iyo codbixiyayaasha, komishankana ay xukuumadu kala shaqayso inay sida ugu macquulsan umudeeyaan waqtiga doorashada mudada wax la kordhinayaana ay noqoto mudada ay hawlaha farsamo ee diyaargarowga doorashada iyo diiwaangalinta codbixiyaashu ay socoto.

Gabagabo: waxaan shacabka reer Somaliland u soo jeedinayaa inay ilaashadaan nabada iyo xasiloonida, inay ka feejignaadaan hadalada xanafta leh ee siyaasiyiinta kursiga ku loolamayaa ay dhagahooda soo gaadhsiinayaan taas oo aan filayo inay shacabku u bislaadeen arimaha doorashooyinka iyo saamaynta dib udhacyada doorashooyinku ku keenaan wada noolaanshaha iyo wada jirka bulsha waynta reer Somaliland.

Qalinkii: Mohamed Adan Dube “Gacayte”

Falanqeeya arimaha siyaasada Somaliland

Hargeisa/somaliland

 

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories