HomeXisbiga Hoggaanka KULMIYE Oo Kormeer Shaqo Ku Tagay Degmada Arabsiyo (SAWIRRO)

Xisbiga Hoggaanka KULMIYE Oo Kormeer Shaqo Ku Tagay Degmada Arabsiyo (SAWIRRO)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Arabsiyo (SL.Post)  Xubno ka mid ah hoggaanka xisbal-xaakimka KULMIYE, ayaa booqasho hawleed ku tagay degmada Arabsiyo ee Gobolka Gabiley maanta, halkaas oo si weyn ay ugu soo dhaweeyeen shacabka ku dhaqan oo muujiyey baaxadda taageerada ay u hayaan.

dsc_0285-jpg002

 

Wefti uu hoggaaminayey Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed oo ay wehelinayeen Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee xisbiga Md. Jaamac Ismaaciil Cige (Shabeel), saraakiil kale oo xisbiga ka tirsan iyo masuuliyiin ka socday xukuumadda, ayaa socdaal la xidhiidha indho-indhayn ay ku samaynayeen xafiisyada uu xisbigu ku leeyahay degmada Arabsiyo ku tagay halkaasi, waxaanna duleedka magaalada kaga horyimi saraakiisha xisbiga u qaabilsan degmada, madaxdhaqameed iyo taageerayaal ka tirsan xisbiga, iyagoo intaa kadibna ka qaybgalay munaasibad ay taageerayaasha xisbigu ugu qabteen barxadda hore ee xarunta guud ee xisbigu ku leeyahay magaalada.

dsc_0285-jpg003

Taageerayaasha oo sacab, heeso, mashxarad iyo caleemo qoyan ku qaabilay masuuliyiinta xisbiga ee booqday, isla markaana lulaya calanka astaanta uu caanka ku yahay xisbiga KULMIYE waxay muujiyeen sida mugga leh ee ay u taageersan yihiin xisbiga, sidoo kalena ay hiil iyo hooba ula garab taagan yihiin xukuumadda ka dhalatay KULMIYE ee uu hoggaamiye Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo.

dsc_0285-jpg001

 

Cuqaal iyo waxgarad ka soo jeeda degmada Arabsiyo oo hadallo ka jeediyey xafladda, ayaa si weyn u soo dhaweeyey weftiga ka socda xisbul-xaakimka KULMIYE ee booqashada hawleed ugu tagay, waxaanay si isku mid ah u sheegeen inay la dhacsan yihiin hoggaaminta xisbiga KULMIYE, isla markaana ay markale diyaar u yihiin inay qaybtooda ka qaataan sidii uu xisbiga u sii wadi lahaa talada wadddanka ee uu mar kale ugu guulaysan lahaa doorashooyinka soo socda.

 

dsc_0285-jpg025

Guddoomiyeyayaasha Gobolka Gabiley u kala qaabilsan xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE, guddoomiyaha degmada Arabsiyo, xubno haween ah iyo weliba siyaasiyiin halkaas ka hadlay, ayaa si cad u sheegay in demgada Arabsiyo ka midaysan tahay taageerada xisbul-xaakimka KULLMIYE, waxaanay sharraxaad dheer ka bixiyeen waxqabadyo badan oo xukuumaddu u hirgelisay oo ay intifaacsadeen.

dsc_0285-jpg026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boosaha iyo Is-gaadhsiinta Md. Faysal Cali Sheekh oo ka mid ah masuuliyiinta ka soo jeeda deegaankaasi, ayaa hadal u ka jeediyey xafladda ku dheeraaday maamuuska iyo taageerada waxqabadka ku dhisan ee bulshada reer Arabsiyo u hayaan xisbiga KULMIYE, isagoo meesha ka saaray warar dhawaanahan soo baxayey oo sheegay qaar ka mid ah axsaabta mucaaridku quud-darreeyeen inay cudud taageero halkaas ku yeeshaan.

dsc_0285-jpg018

 

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cige (Shabeel) oo isaguna ka hadlay halkaasi, ayaa ku ammaanay bulshada reer Arabsiyo soo dhaweynta ay u sameeyeen iyo sida ay u muujiyeen taageerada xisbiga KULMIYE, waxana hoosta ka xarriiqay in musharraxa xisbiga ee xilligan uu marti u yahay codka guud ahaan bulshoweynta ku dhaqan Somaliland, waxaannu yidhi, “Waad ka gilgilateen in wax kale ay cid dan gaar ah lihi idinku shaambadayso shacabka reer Arabsiyow. Reer Arabsiyo diiwaankay ku qoran tahay codadkii ay siin jireen xisbiga KULMIYE, murrashaxa xisbiga oo Muuse Biixi ahna Ilaahay qabyaalad ma badin, waxa uu guranayaa midhaha geedkii uu Axmed Siilaanyo beeray oo bislaaday, maalinta doorashadana waa la ogaan doonaa, qabiil wax ku dooni maayee qaranimuu ku doonayaa waana uu ku heli doonaa.”

dsc_0285-jpg027

 

Ugu dambayntii, Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed, ayaa mahadnaq kadib xusay in degmada Arabsiyo ay bud-dhig u tahay guulaha xisbiga KULMIYE, isla markaana halgankii dalka loo soo maray meel sare kaga jirto, waxaannu yidhi, “KULMIYE meelaha uu ka soo jeedo ee aasaaska u ah ayey magaalada Arabsiyo ka mid tahay, waana magaalo muddo dheer soo jirtay halganka ku suntan, waa magaalo midaysan, wax isku duubnaan lagu waayona tafaraaruq laguma helo.”

dsc_0285-jpg016

Guddoomiye Maxamed Kaahin, waxa uu bulshada xasuusiyey guulaha ay ku tallaabsaday xukuumadda ka dhalatay xisbiga KULMIYE, isagoo tilmaamay in dhawaan daaha laga rogi doono barnaamij-siyaasadeedka uu xisbigu ku geli doono doorashooyinka soo socda, “Waxaynu nahay dalka qudha ee aan dunida cidi aqoonsan ee shirkadihii caalamka ee shidaalka sahamintiisu ay heshiis la galeen, waxaanay taasi ku timi oo lagu aaminay barnaamijka iyo siyaasadda hoggaaminta KULMIYE uu dalka ku hago, dhawaanna waxa uu xisbigu diyaariyey oo aqoonyahanka xisbiga ku abtirsadaa soo bandhigi doonaan barnaamijkii siyaasadeed ee  dawladda dambe ee Muuse Biixi Cabdi ku shaqayn doonto oo kan iminka oo la sii ambo-qaaday ah,” ayuu yidhi Guddoomiye-ku-xigeenku.

dsc_0285-jpg009

Md. Maxamed Kaahin Axmed waxa uu meesha ka saaray tashuush siyaasadaysan oo dhawaan kooxo dan leh oo ka soo jeeda xisbiga KULMIYE kula galgasheen Mujaahid Marxuum Xasan Yoonis Habane, waxana uu cod dheer ku sheegay inuu Marxuumku ahaa halyey qaran oo umadda si guud wax badan ugu soo qabtay, waxaannu yidhi, “Xasan Yoonis Habane waa halyey taariikhdii SNM ragga ugu mudan ahaa, dugisigii sare iyo jaamacaddiiba isku arday baanu ahayn, taariikhna wuu leeyahay oo waa taariikh qarane mid qabiil maaha, wixii cabasho ah ee jirtana waa mid aynu wada qabnee waanu ka wada shaqayn doonaa guddoomiyaha gobolka.”

 

 

 

Somalilandpost.Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories