HomeXisaabiyaha Dawlada Hoose ee Berbera oo beeniyay maqaal lagu qoray magaciisa lagana...

Xisaabiyaha Dawlada Hoose ee Berbera oo beeniyay maqaal lagu qoray magaciisa lagana been abuuray‏

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

CabdikhalaqBerbera (SLpost)- Xisaabiyaha dawlada hoose ee magaalada Berbera Cabdikhaalaq Cabdillahi Aw-Maxamed (Cabdikhalaaq Awal-Bari), ayaa qoraal uu soo gaadhsiiyay warbaahinta kala duwan, waxa uu ku beeniyay maqaal been abuura oo lagu faafiyay qaar kamida shabakadaha Internetka ee wararka laga daalacdo isagana lagu magacaabay in uu qoray, maqaalkaas oo ciwaan looga dhigay (Qasnada Dawlada hoose Berberi ma qaadi karto 54,000$ ee ku baxay xafladdii shalay), maqaalkaas  oo Xisaabiyuhu ku tilmaamay mid meel ka dhac ku ah masuuliyadda uu maamulka dawlada hoose ka hayo iyo shaqsiyadiisaba, ayaa waxa uu Xisaabiye Cabdikhaalaq sheegay in uu yahay masuul katirsan masuuliyiinta Dawlada hoose ee Berbera qoraalkanina aanu ahayn mid isaga kasoo baxay cid  qortayna ay yihiin shaqsiyaad aan badheedhi karin oo magacyada masuuliyiinta iyo dadka kaleba ku adeegta kuna shaqaysta ceebaynta dadka. Waxa kaloo uu xisaabiyaha Dawlada hoose ee Berbera Cabdikhalaaq Cabdillahi Aw Maxamed uu shabakadaha wararka ee Internetka uga digay in aanay dabicin maqaalada been abuurka ah ee lagu soo qorayo magacyada masuuliyiinta iyo dadka kale ee ceeb ka saliimka ah islamarkaana ay fiira gaara u yeeshaan maqaalada loo soo dirayo ee been abuurka ah, waxaanu Xisaabiyuhu sheegay in aanu ka hadhi doonin cid qoraalkaas ku faafisay magaciisa sharcigana uu la tiigsan doono isaga oo xusay in uu ku raad joogo cidii maqaalkaas qortay dhawaana uu haayadaha sharciga hor gayn doono isaga oo sharaxaad ka bixinaya qoraalkaas iyo beenintiisa waxa uu yidhi, “Waxan beeninayaa maqaalkan aan gacanta ku hayo oo magacayga lagu qoray iyada oo sharaftayda meel lagaga dhacay laygana been abuuray waxes aan la yaabanahay  ninkan qoraalkan qoray miyuu xanuunsanayaa maqaalkan waxa uu ku cambaareeyay Xafiiskaygii iyo Xaruntii aan ka shaqaynaayay waxaanu leeyahay Cabdikhalaaq ayaa qoray oo is eedeynaya taasina maaha wax dhici kara Mid kale Anigu waxan ahay masuul katirsan masuuliyiinta dawlada hoose shaqadayduna waa xafiiskaas xafladahan iyo waxan uu ka sheekaynayo maaha shaqadayda, markaa kolay hada waan ku raad joogaa cidii qortay maqaalkaas waanan aqoonsaday mana ka hadhayo haayadaha sharcigana waa la tiigsanayaa, waxes qolyihiin websiteyada idin leeyahay saaxiibyaal qoraalada magacyada dadka lagu been abuurayo iska hubsada oo markiiba ha daabicin. Cida qoraalkan qortayna maaha mid ay aniga sharafkayga wax ku yeelayaan ee waa dad waxaas ku shaqaysta oo la yaqaan horena loo ogaa calaaya xaal waxan kuu gabagabaynayaa qoraalkayga Maqaalkaas Ciwaankiisu ahaa Qasnada dawlada hooose ee beriberi ma qaadi karto 54.000$ ee ku baxay xafladii shalay waa mid been abuura oo layga been abuuray xaqiiqadana ka fog cid kasta oo maqaalkaas akhrisatayna waxan leeyahay horeba rag magacyo beena sheegta oo dad sharafta leh maqaalo ceebayna ka qoraa berbera waa lagu sheegayaye haduun bay galeen qafladii lagu qaban lahaa waananu qabanaynaa sidhakhso ahna haayadaha sharciga ayaanu u hor gayn doonaa.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories