HomeXirsow Hadalku wuu kaa Qaloocday - W/Q: Aqoonyahan Sa’da Ali Mohamed

Xirsow Hadalku wuu kaa Qaloocday – W/Q: Aqoonyahan Sa’da Ali Mohamed

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Ex-wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan oo waqtigan ka mid ah hogaanka xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI hadalkii uu ka jeediyey xaflad Hargeisa ka dhacday maalintii Isniintii ee uu kaga hadlay xaaladaha dalka iyo safarka Madaxweynaha ee bariga, waxa uu ahaa hadal gef ah oo ka qaloocday.

Xirsi waxa uu ka hadlay arinta labada diyaradood ee xaniban, horta waxaan kuu sheegayaa Xirsow in markii diyaarahadani dalka yimaadeen aad adigu ahayd wasiirka Madaxtooyada, Maxamuud Xaashina uu ahaa wasiirka Duulista, waxaad diyaaradaha ruqsadooda ku bixisay heshiis ay la soo galeen soomaliya adigoo masuul qaran ah. Hadalkaaga maanta maaha mid aad umada ku mara habaabin karto adigoo waxaa sameeyey, waxase kaa hadlinayaa waa dano dhaqaale oo aad ku qabtay. Maxaa dambi ka dhigay in la yidhaa diyaaradahan heshiis la gala Somaliland oo ogolaada qaranimadayada.

Waxa xusid mudan in diyaarada Ethiopia Airlines ay ruqsada ka qaadatay soomaliland wakhtigii Madaxweyne cigaal, waxana wasiirka Duulista ahaa Cabdilaahi Maxamad Ducaale, dalkana kuma timaado ruqsad ama heshiis ay dal kale la soo gashay.

Safarka Madaxweyne Muuse Biixi cabdi ee galbeedka iyo bariga ee aad ka dhex raadisay isku dhufashada iyo kala qaybinta shacabka Somaliland, waa ayaan daro in adigoo musal xisbi ah sidaa u hadasho. Madaxweyne Muuse waxa uu Borama ka soo furay biriijka camuud kaas oo bulshada Gobolka Awdal ku bogaadisay xukuumadda mana aha mid indhaha laga qarsan karo.

Arinta aad ku sheegtay in Madaxweyne Muuse Gobolka Togdheer siyaasiyan kaga tagay dad gaara, qaar kalena uu ku bedelayo magaalada Oodweyne uu tagayo darteed, waxan ku shegaynaa Xirsow in adigu aad caan ku ahayd qaybinta iyo naxli la kala dhex dhigo umada soomaliland. Madaxweyne Muuse Biixi cabdi waa u sharaf inuu isku wado dadkii u codeeyay iyo kaan u codayn waxay cadaynaysaa midnimada uu ku hogaaminayo qarankan, goormay dambi noqotay in Madaxweynuhu u hoydo Oodweyne ama meel kaloo wadanka ah, miyaanay umadiisii uu xukumayey ahayn. Laakiin adigu waadigaa adoo cidlo jooga ka shaqaynaya kala qaybinta iyo isku dirka walaalaha wada dhashay ee reer Somaliland ee noo sheegay wixii aad samayn lahayd, taaga sidaasaad xil iyo madaxnimo kaga doonaysaa. Allaa kariim.

Barmaamijka shaqo qaran maaha sidaad adigu fahankaaga gaaban u fahantay, balse waa aqoonyahankii dalka oo ku hubaysan aqoon ayaa waxa loo carbinayaa qarankan waxay u qaban lahayeen.

Xirsiyaw maanta shacabka soomaliland waxay kaa sugayeen goorta aad gubayso bugii ay ku dugnayd taariikhda madaw ee aad ka qortay Madaxweyne silaanyo oo dadka ku baray, lagaama sugayn qaybin iyo qoqobkii aad ku so caana maashay.

Xirsiyaw kolay waa la xisaabtami doonaa ee u diyaar garaw xisaabtan dhaba wixii aad dalkan u gaystay, dibna lagaga dhegaysan maayo waxaad ahayd in aad cid kale ku eedayso.

Aqoonyahan Sa’da Ali Mohamed

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories