HomeXirsiyow Waxba Haysku Qaadin Wadooyinka - W/Q: Xuseen X. Badmaax

Xirsiyow Waxba Haysku Qaadin Wadooyinka – W/Q: Xuseen X. Badmaax

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Xirsiyow waxba haysku qaadin wadooyinka shacabka jeebkood iyo xoogooda ku hagaajisanayaane hoos u dhaadhac oo ka hadal afduubka aad ku samaysay go’aankii shacabku ku dhawaaqay 18 May 1991.Xageed ku tuurtay gooni isu taagii iyo madaxbanaanidii Jamuuriyada Somaliland.

Codkii dheeraa ee aad ku hiiraabaysay intaad tv-yada soo fadhiisatay maxaa hoos u dhigay,sawtaad si taxane ah ugu celcelinayseen guul ayaanu ka soo hoynay shirkii Turkiga,sawtaad ku hadaaqaysay hawada labada dal ee Jamhuuriyada Somaliland waxa laga wada maamuli doonaa xafiis laga furi doono Hargeysa.Taasi saw may ahayn( waxa aanu aqbalay inaynu nahay gobol ka mid ah Somaliya.)Ogow arrinkaasi inuu ka mid yahay dhawr jeer oo aad ku fashilantay ka mid noqoshada midnimada Somaliya.Ogow haduu soo dhacayo inaanu shacabkani ka laabanayn go’aankooda,jiritaanka madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland-na tahay lama taabtaan.

Haa oo waa kaa cadeeyay wasiirka hawada ee Somaliya,isagaa toos u cadeeyay Federaalkaad aas-aasayseen sidii saalo sakaaro,ilayn dadka waxaad u haysataan inay sida dawlada aad ka tirsantahay dhukkan-yihiine.Xirsiyow waxba haku meeraysan siyaasiyiin ruug cadaaya caydooda ee ka hadal dhibaatooyinkan ay gadh-wadeenka ka tahay dawlada aad ka tirsantahay ee uu hogaanka ka yahay adeerkaa madaxweyne Axmed-siiraanyo ee dalka ku habsaday.Waa maxay geed ismarisku,maxaad uga hadli wayday 16ka qodob ee ay soo jeediyeen siyaasiyiintii dalka ugu cuslayd.Ma waxay kugu noqdeen sun aad liqi kari wayday,arrin ma waxa aad ka taqaanaa gacanta wax halagaga qabto.Waar hooy joog dalkani ma qaadi karo banaanbaxyo ooda goosta eh,ma qaadi karo shacabkani jaran-jarooyin waa hore laga soo gudbaye.Xirsiyow wanka wayni wax ma arko ilaa la gawraco.

Umaan haysan beel dhami inay cayda isku raacdo,waxan se bartay Xirsiyow degaanka aad ka soo jeedaa inay ka siman-yihiin.Ka darane inta cayda tv-yada la soo fadhiisatay waa wada masuul qaran! Uff baa lagu yidhi waxa laga hayaa madaxweyne Axmed-siiraanyo,Khaainul wadan ayaad tahay adigaa lagaa hayaa,waa basaas faarax(MP) ayaa laga hayaa.Waxaad se marti u tahay geedka ugu da’da weyn dalkan Jamhuuriyada Somaliland oo caydiinu waa hal bacaad lagu lisay.

Hal ma ku idhaa Xirsiyow hadaad dhego leedahay,waa la waayay nin rag ahi walaal wax uu ku dhaamo ee cagta maad u dhigi.Hayskuna toosin shacabkan harraadan 22ka sanno e.

Waxa aan ku soo afjarayaa:

allahayow yaa yidhaa nalama daaree dooji reera
dulmi iyo wiil nagu durduriya horaanu u diidnee jooji daan-daansiga
dagaal mooyee ma naqaan darajooyinka nololeede
ma doonyaad ku rari daarahan dhaadheer.

Yarkan intuu dihday yidhi anigaa dalka xukuma
Yarkan doobyay ee yidhi duco anigay dabar iigu xidhantay
ma dooxii burcuu u haystaa dawladnimada

Xuseen Xasan Badmaax
Hargaysa/JSL

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories