HomeXirsi Oo Mar-kale U Awood Sheegtay, Muuse Biixi, Maxamed Kaahin, Baashe Cawil...

Xirsi Oo Mar-kale U Awood Sheegtay, Muuse Biixi, Maxamed Kaahin, Baashe Cawil iyo Maxamuud Xaashi.

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Xasaaradii Dubai + Xeeladii Madaxtooyadda + Xiinkii Daakhiliga + Xafiltankii Kaantaroolka Iyo Suldaanka Guud

Caynaba(Ramaas/Yool) Jan.09, 2016 – Warar iyo xoggo dheeraad ah oo Wargeyska Yool ka helay ilo u dhuun-daloola qasriga Madaxtooyadda iyo sidoo kale, dhaqdhaqaaqyada la xidhiidha loollanka iyo xafiltanka gudaha Xukuumadda iyo Xisbigeeda, ayaa tibaaxay isku daygii la rabay in shirka Magaalada Caynabo lagaga baajiyo Ex-wasiir Xirsi iyo wafti uu hoggaaminaayey in khidaadiisa ay soo maleegeen shabakad xidhdiidhsan intaa uu dhaxeysaa Magaalada Dubai, dabaqa labaad ee Madaxtooyadda iyo xubno iskaga dab qaaday Hargeysa ilaa Caynabo.

Dhacdadan oo sidoo kale xoggaha laga helaya ay yihiin kuwo is fasiiraaya, waxa ilaha ibbo furka sheekadan uu ah lagu xusay in wajiga hore ee amarkani uu hindisihiisu mid ka yimi dalka dibediisa, isla markaana sida la sheegay ka yimi Safiirka Somaliland Md. Baashe Cawil, oo isagu usoo gudbiyey farriintiisa xubno aan magacyadooda la xusin balse ku sugan qasriga Madaxtooyadda.

Waxa kaloo, Wararku intaa ku dareen, in xubnaha fadhigooda lagu xidhiidhiyey qasriga Madaxtooyadda ay iyaguna geestooda qorshaha arrinka u direen Wasiir ku-xigeenka Amniga si inta qorshaha ka hadhay isna uu dhameystiro. Sidoo kale, ilaha Wargeysku xoggahan ka helay, waxa ay tilmaameen in amarka socdaal xayiraada ah loo gudbiyey Madaxda Gobolka Caynaba. Masuuliyiinta iyo dhinacyada kale ee masuuliyadda arrintan laala xidhiidhiyey oo qaarkood u isku dayey inuu dhinacooda waxka weydiiyo ayaanay suurto gelin sababo la xiddhiidha qabaasho la’aan xagga Tilifoonka ah.

Dhacdadan oo hadal haynteedu si xamaasadi ku jirto ugu dhex wareegeysay Bulshada shalay qiyaastii waqti aan ka foggeyn bilowgii arrinka, ayaa hadal haynta sheekadan waxa ay keliftay inuu si toos ah dhacdada uga hadlo Ex-wasiir Xirsi, oo isagu khadka Tilifoonka kula soo xidhiidhay Telefishanka Madaxabanaan ee Star, waxana hadalka Ex-wasiir Xirsi iyo su’aalihii la weydiiyey u dhaceen sidan: “..Arrintaa wax wey ka jiraan laakiin sida loo buunbuuninaayo maha. Waanu ka xunnahay in dadka muwaadiniinta ah xuquqdooda dhaqdhaqaaq ee dastuuriga ah in lagu xudgudbo. Arrinka waxa markiiba ka jawaabay wasiirka daakhiliga oo ah Ninka masuuliyad ahaan ay hoos tagayeen Ciidamada iyo Badhasaabka Caynabo. Iyo sidoo kale Suldaanka Guud [ee Beelaha Habar-jeclo]. Arrin dhacday bay ahayd, oo runtii aan uu arkaayey inaan si masuuliyad leh loo agaasimiin..”.

Siyaasi Xirsi oo Star Tv weydiiyey inay jirto Cid dhacdadan masuuliyadeeda uu tirinaayo, waxa uu ku gaabsaday “anigu meel kasta haka timaadee waxaan uu arkaayey arrin khaldan, laakiin’se xaal baaba laga bixiyey oo mar hadii masuuliyiintii wasaaradda, kuwii gobolka iyo Odayaashii dhaqan kuba ka hadleen hadda waxba ma daba sido. mana jirto cid aan hadda leeyahay hebel ayaa ka danbeeyey, oo runtii waxan ahay Nin siyaasi ah oo dul u leh khaladaadka dadka qaar ka dhacaaya..”.

Geesta kale, Ex-wasiir Xirsi mar la weydiiyey waxa dhacdadani kaga duwan tahay kuwii dhici jirey xilliyaddii uu xukuumadda ka tirsanaa “.. Arrimaha hore anigu lamaan socon lakiin’se sida dastuurku qoraayo muwaadiniintu waxa ay leeyihiin dhaqdhaqaaq iyo Xoriyaad aasaasi ah, cid u diidi karta muwaadin-na ma jirto..”.

Sida muuqata Ceelka Caynabo, ayaa hadda u eg mid masrax u noqday siyaasiyiin aan neeftoodu is qaban, oo sidoo kale-na hanka siyaasigu ku jiheeyey dariiq aan ka dhicin kolna taagtaa kolna tamartaa. Tolow yaa guuleysta.! Muuse Biixi, Maxamuud Xaashi, mise Xirsi?. Dhacdadan marka la qiimeeyo falka xayiraadda ah ee lagula kacay Ex-wasiir Xirsi, waxay muujinaysaa Gudoomiye Muuse Biixi iyo xubnaha ay siyaasada ka mideysan yihiin in lagaga awood batay haysashada kasbashada taageeradda Beesha Bariga Burco. Arrintaana waxa daliil u ah intaa ay le’eg tahay awooda loo adeegsaday hal shaqsi oo cidkastaba garan karto ama fahmi karto saameynta qof keliyi uu ku yeelan karo shir kumaan kun oo sheekh iyo shariifba leh ay joogan.

Docda kale, marka la isku gee-geeyo raali gelinta Suldaanka Guud ee Beelaha Habar-jeclo ka bixiyey falka kaantaroolka Caynabo ka dhacay, oo ahaa sidan. “..Walaal hadii la iska kaa hor taagay raali ahow, waxaad gudo iyo waxaad gasho ummadda somaliland waa taqaana, waxbadan baad somaliland wanaag uu qabatay, dalkana wanaag u qabatay,raali ahow hadii istabta xooga kaga dhacay. Aniga xaal qabiil ku siiyey, nin laga maarmo ma tihid anagana qiimo weynabaad noogu fadhida, wixii nagala kaa gudboonaadana waanu ku qumineynaa”. Sidoo kale, dareenka Bulshada oo aad dhacdada uga damqaday, waxa maxsuulka arrinkan muujinayaa in Md Xirsi iyo xulufadiisu ay faa’iido u dhashay wixii ay sharka moodayeen, halka shabakadii arrinkan wadayna la caraabeen waji-gabax iyo guuldaro.

Xigasho Yool

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories