HomeXirsi Jidkii Aadan Galaydh Ayuu Hayaa

Xirsi Jidkii Aadan Galaydh Ayuu Hayaa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Aadan waxa uu ahaa nin dad iyo duunyo labada ba Alle siiyey, taas oo u siyaadisay ina rag oo dhan  in uu quudhsado oo wax ba u arag.


hadda garo oo ninka dilka gaystay waa wiilkiisa, wixii tallo la siiyey na waxa hal bacaad lagu lisay ka dhigay xoolihiisa iyo innamadiisa. tallo-xumadaa uu Aadan sameeyey, waxa ay galaafatay dad wada dhashay oo wada yiillay, waxa ay qoorta u dheeraysay 8 wiil oo uu dhalay, xoolihii uu haystay na wax la dhacay iyo wax la cunay ama la isla dul-maray ayey noqotay. wax kasta oo dhacay isagii ayey aakhirkii soo gaadhay, isagiina naftiisa ayey galaafatay oo eegmo eegmo ku ilow ayaa haleeshay.
Aadan waxa lagu sheegi jiray in uu ahaa nin aad u kibir badan, sida oo kale na aftahan ahaa, se waxa ninkaa ku yaraa garashada iyo tallada toosan. Wiilkiisa oo dil gaystay ayaa tolkii ka heshiiyey, markii magta la qaybsaday ayaa geeliisa oo kadimo ahaa ku soo hagaagtay qaalin geel ah, markii la yidhi waar qaalin ayaa kugu soo hagaagtay ee geela ka soo saar, ayuu cirkaa maray ku ye “Geellayga hal lagu daro mooyee hal kama soo baxdo”

Sidaa waxa ka dhigan Xirsi, nin Siilanyo awood siiyey ayuu ahaa, wasiirka wasiirrada ayuu ahaa, wasiir kastaa na isaga ayuu daba joogay, wax wal ba waa lagu aaminay, ammaantiisa iyo caydiisa ayaa suuqyada ugu dhaqdhaqaaq badnayd. talladii odeygiisa waa diiday oo xirsi halkaa waxa uu ka shabbahaa Aadan Galaydh, dad badan ayuu sadqeeyey oo kuraastoodii ka saaray isaga oo calanka u sida, halkaa na waa Aadan wali, raayadda waxa uu u sidaa sidii xisbiga dhulka loogu dhufan lahaa oo dadka loo kala kaxayn lahaa oo halkaa na waa ka shabbahaa wallow ayna suurogalin, waa hor-gale oo dhammaan wixii is casilay isaga ayaa u amiir ah oo waa isla Aadan. Xaqiiqda in uu iska dhego-tiro oo hadal wax ba ka hoosayn, tookh badanina ku jiro ayuu fagaaraha la soo fuulaa, isaga oo leh waxa aannu haysannaa badiba gollihii dhexe oo halkan fadhiya, hadday sidaasi run tahay oo aqlabiyadda haystaan may bedka is geeyaan oo tartanka ogalaadaan, maxay dabada la giijinayaan una leeyihiin nin aan loogu gali Karin ayaa meesha fadhiya. jidka uu hayaa na waa kii Aadan galaaftay oo goor uu gaadhayo ayeynaan ogeyn se socodkeedii waa leeyahay.

 

Waxa kaliya ee loo joogaa, tallow eray ma ka guntami doonaa Xirsi, eraygaas oo ka hadha sidii Aadan markii naftu ka sii gurmaysay la wayddiiyey in uu wax yidhaa, isna yidhi “Adduun I Khatal! Maalintii aan taag hayeyna tallo ma hayn, maanta oo aan tallo hayana taag ma hayo”! Mise imika ayuu tallada odeyga iyo xidhayaashiisa qaadan oo waa is badhqaban? waa wax loo wada joogaa……..

 

 

Xuseen-Mahdi Xasan Xuseen

Hargeysa-Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories