Home"Xilku Waa Meerto, Wanaag Baanan U Arkaa In La Ii Magacaabo...

“Xilku Waa Meerto, Wanaag Baanan U Arkaa In La Ii Magacaabo Gobalka Sool” Ramaax

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SL.Post) Badhasaabkii hore ee Gobalkii Awdal Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax, oo hadda Madaxweynuhu u magacaabay Badhasaabka Gobalka Sool, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in loo magacaabo oo Guddoomiye looga dhigo Gobalka Sool, waxaanu tilmaamay inuu soo dhaweeynayo in Lixda Gobol ee Somaliland afar Gobol oo ka mid ah uu Badhasaab ka noqdo marka laga reebo Gobolada Maroodi-jeex iyo Togdheer.

 

IMG_C9A5E7-7F2CCC-E77F2F-B3ED9B-9F605C-2810641

 

 

 

 

 

 

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Sool Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax, oo khadka Telefoonka ugu waramaya Wargeyska Geeska Afrika isaga oo ku sugan dalka Hindiya ayaa isaga oo ka hadlaya dareenkiisa waxa uu yidhi “Xilku waa meerto, wanaag baanan u arkaa in la ii magacaabo Gobalka Sool, Madaxweynuhuna hadba halkii uu u arko in aan ku haboonahay oo uu ii gartana aad baan ugu faraxsan nahay, waxaana rajanayaa haddii ILLAAHAY yidhaahdo hawlahaas la ii magacaabay inuu ILLAAHAY igu guuleeyo, dalkuna waa isku mid, Goballadii hore ee aan joogay si fiican baan uga soo shaqeeyey, markii la’ iga bedelayna dadka ceeb la’aan baanu ku kala tagnay, Gobolkan Sool ee aan tagayaana waxaan rajaynayaa in dadkiisa wanaag wax aan ahayni noo dhaxayn oo wanaag iyo khayr badan kala kulmo, oo si wanaagsan u guto xilkii la ii igmaday”.

 

 

 

Ramaax ayaa mar uu ka hadlaayey Goballadii uu Badhasaabka ka soo noqday yidhi “Lixda Gobol ee waaweyn waxa ii dhiman oo qudha Burco oo ah magaaladaydii iyo Hargeysa oo ah Caasimaddii Somaliland, waxaana ILLAAHAY ka baryayaa inuu xilkaas ii fududeeyo, dadweynaha halkaas degana waxaan ka rajaynayaa in aan wanaag badan kala kulmo”

 

 

 

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Sool Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax ayaa ka mid ahaa Xukuumaddii ugu horeeysay ee Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), waxa aana xilligaas uu u magacaabay Badhasaabka Gobalka Saaxil, laakiin dabayaaqadii bishii 12aad ee 2012kii ayaa xilkaas laga qaaday, iyadoo la sheegay in xil ka qaadistiisu sabab u ahayd muran ka dhashay doorashada duqa magaalada Berbera iyo guddoomiyaha golaha Deegaanka ee Magaalada Berbera  oo la doortay dabayaaqadii Sannadkii 2012. Mar kale ayaa horraantii bishii Shanaad ee 2014, ugu dambayntiina waxaa Mudane Ramaax loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Awdal, waxaana hadda loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Sool.

 

 

 

 

Somalilandpost.Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories