HomeXilka oon Allah dartii loo gudan, Hantida umadda oo la xalaashado, Geerida...

Xilka oon Allah dartii loo gudan, Hantida umadda oo la xalaashado, Geerida iyo xisaabta aakhiro oo danbeysa!

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

blankMarka hore waxaan salaan qadarin,sharaf iyo karaamaba leh u dirayaa dhammaan shacabka xariirta ah ee reer Somaliland iyo inta maqaalkan akhrisataba. Waxaan walaalayaal meel aad joogtaanba,idinku salaamaya salaanta islaamka ee qiimaha badan,asalaamu calaykum waraxmatu laaahi wabarakaatu.
Waxaan Allaha awoodda leh weydiisanayaa,inuu idinka yeelo kuwii adduun iyo aakhiraba liibaana,dulmiga ka dheeraada,Qabyaalada iyo urteedana ka fogaada.

Rabbigeen (TWC),isagaa kownkan abuuray,wax ka qarsoonina haba yaraate ma jiraan,maamulidiisana cidna kama tala galiyo,waxaanu soo raaciyey Kitaabka Kariimka ah,oo uu ku cadeeyey dariiqa loo maro liibaanta adduunyo,dariiqa loo maro liibaanta aakhiro,wixii inoo xalaala,wixii innaga xaaraana iyo ciqaabt iisa darran.Waxaa biyo kama dhibcaana,in maanta Xilkii noqday dariiq loo maro in lagu taajiro ,laguna boobo Hantida umada,oo aynu aragnay tiro aad u badan,oo intaan xilka loo dhiibin shaxaad ku noolayd,muddo yar ka dibna, Guryo,Fooqaq,Dhul boob,Hudheelo,Warshado,Baayac mushtar,iwm,ka binaystay. Balse ma moog yihiin,in Rabigeen (TWT),aanay waxba ka qarsoonayn,oo Xilka oo aan Allah dartii loo gudan,Hantida Umadda oo la xalaashado,ay geeri ka danbayso iyo xisaabtii aakhiro !!!.

Bal aan hal qiso idinla wadaago,kuna sahabsan khatarta ku sugan Hantida Umada oo la xalaashado,oo la xado.Waxaa Abu Huraira laga warinayaa inuu yidhi, Nabigeena Maxamed (CSW),ayaan la soconay,Khaybar ayaan furanay,kana helnay xoolo mood iyo noolba leh.Nabigu (CSW),waa ka tagay waxaanu u wareega y meel la yidhaa Waadil Quraa,oo uu duulaan u aaday.Waxaa dadkii Nabiga (CSW),la socday ka mid ahaa,Wiil addoon ah,oo uu Nabiga uu u soo hadyeeyey nin la yidhaa, Rifaacat Binuzayd.

Wiilkaasi, Nabiga (CSW),wuxuu u ahaa gacantiisa midig,waxaanu ahaa saxaabi,muumin ah.Isagoo rarkii Nabiga dejinaya,oo furaya,ayaa waxaa ku dhacay Leeb,aan la garanayn meel uu ka yimid,waanu u geeriyooday.Asxaabtii kale markay arkeen,waxay isku yidhaadeen, Wiilkaasi waa ehlu Janno,maadaama uu ahaa addoon mumina,Nabigana (CSW) u adeegi jiray.

Nabigeenii Maxamed (CSW),markuu maqlay hadalkoodii wuxuu yidhi,sidaad moodeen maaha,ee Ilaahayga Naftaydu gacantiisa ku jirtaan ku dhaartee,
Marradii uu xada maalintii Khaybar la furtay,intaan Qaniimada la qaybin,ayaa korkiisa ku dul hurraysa,oo ku dul gubanaysa !!!!.
Qisada Abu Huraira laga warinayaa,waxay inno cadaynaysaa,in Xaaraantu tahay mid Rabbi inooga digay,cidii u badheedhaana,ciqaabteeda mudan doonto.
Waxaan shacabka xariirta ah ee reer Somaliland u soo jeedinayaa, in cida ay u soo xulayaan doorashada Golaha Wakiilada & Golaha Degaanka,ay aad uga fiirsadaan,kuna qiimeeyaan:

1- Allah ka cabsigiisa
2- Inuu Xalaal miirad yahay
3- Shaqsiyadiisa
4- Aqoontiisa
5- Waayo aragnimadiisa
6- Kartidiisa
7- Daacadnimadiisa
8- Jecel inuu dadkiisa & dalkiisa si daacad ah ugu shaqeeyo
9- Run sheeg inuu yahay,ogna in Beentu xaaraan tahay

Balse ha dooran:

1- Kii horeba xilka ugu fashilmay
2- Kii Hantidii umada ka taajiray
3- Ha ku dooran Qabyaalad,waa tolkay,waa ina dha-dhaar,ogowna aakhiro waxba ku tari maayo.

Hadaadse,kii intaaba ku sifoobay,aad maantana dib u soo doorato,berri ka maalin ha ka caban,ee dulqaad u yeelo…..Eesh qiyaasak,maanagaa waalan ,mise Cadan baa laga heesayaa!!!!. Waxaan ku soo gunaanadayaa qormadaydan kooban,cid kasta oo kursi umadeed u hanqal taagaysaa,waa inay ogaadaan cawaaqibka laga dhaxlo,Xilka oon Allah dartii loo gudan,Hantida umadda oo la xalaashado,Geerida iyo xisaabta aakhiro oo danbeysa !!!

Wa-bilaahi Tawfiiq

,
Qoraa: Eng. Mohamed Ali Muse
Senior Certified Network Specialist

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories