HomeXilka Ka Qaadista Eng. Maxamed Xashi: (La dagaalan ka Maamul wanaaga iyo...

Xilka Ka Qaadista Eng. Maxamed Xashi: (La dagaalan ka Maamul wanaaga iyo Kobcinta Musuqmaasuqa)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Waxaa mar keliya magaaladu ku oogsatay, Xil ka qaadista wasiirkii wasaarada maaliyada Eng. Mohamed Hashi Elmi, oo ahaa wasiirkii loogu jeclaa wasiirada dawlada madaxweyne Silaanyo.

Maxamed Xashi Elmi, waxaa uu ahaa wasiir looga bartay, daacadnimo, hawlkar iyo la dagaalanka musuqmaasuqa. Eng. Maxamed Xaashi, oo ahaa wasiirka soo hooyay guulo la badan ahna guulaha ugu waaweyn ee dawlada Kulmiye kaga faanto fagaarayaasha, Guulaha uu wasiirku gaadhay mudada uu xilka hayay waa’ay fara badan yihiin waxaase laga xusi karaa:

1.      In uu ku guulaystay sare u qaadista miisaaniyada qaranka iyo mushaharooyinka shaqaalaha dawlada in ka badan labanlaab (130%), Shaqaalaha Dawlada oo ahaa kuwa ugu badan ugana mushahar hooseya dalka, ayaa kordhinta mushaharkoodu saamayn weyn ku yeelatay heerka iyo xaalada nolosha ee umada, sarena u qaaday  sharaf iyo maamuus u shaqaynta dawlada.

2.      Eng. Maxamed Xaashi waxaa uu ku guulaystay la dagaalanka iyo baabinta musuqmaasuq hadheeyay hayada uruurinta cashuurta, sarena u qaaday soo xeraynta dhakhliga dawlada.

3.      Waxaa kale oo Wasiirku ku mudadii uu xilka hayay sare u qaaday kartida shaqo, aqoonta iyo tayada iyo tirada shaqaaalaha wasaarada maaliyada taasina ay ka caawisay sare u qadida dakhliga wasaarada. Isagoo ku kordhiyay wasaarada in ku dhaw 50 shaqaale oo kasoo qalin qabiyay jaamacdaha dalka, kuwaas oo lagu qaatay aqoontooda laguna kala saaray imtixaan ay ka qaaday hayada shaqqalahu, waxaanay door laxaad leh ka ciyaareen habsami u isticmaalka dakhliga iyo la dagaalanka lunsiga dakhliga dawlada.

4.      Maxamed Xaashi waxaa uu noqday wasiirkii koowaad ee maaliyada ee dalka soo mara iyada oo dalka oo dhan ay ka taliso lacag keliyaati, waxaa uu bangiga dhexe iyo dawlada dhexe ku caawiyay dakhliga lacagta lagaga bedelay Gobolka Togdheer.

5.      Wasiir Mamxamed xaashi waa wasiirkii ugu horeeyay ee soo roga cashuurta tooska ah iyo macaash cashuurta “Direct/Sales and Profit tax” taas oo la rajaynayo in ay dakhliga dawladana sare u qaado yaraysana kala saraynta umada.

6.      Eng. Maxamed xaashi waxaa uu guulahaas oo dhan isagoo cashuurta hoos u dhigay boqolkiiba konton (50%).

Kasokow guulaha uu Maxamed xaashi ka gaadhay waajibaadkii umada loogu igmay, waxaa uu ahaa nin weyn oo mujaahid ah, Madaxweyne Silaanyona ay soo wada mareen taariikh halgan oo dheer, tii SNM-ta iyo Kulmiye ba, markaa sida ay aniga iila muuqato ka muu mudnayn in uu xil ka qaadis weliba uu shaki gelinayo kartidiisa uu kaga qaado xilka.

Dhanka kale waxaa iswaydiin mudan laba su’aalood, Maxamed Xaashi xil ka qaadistiisu  ma u muuqan kartaa, bilawgii musuqmaasuqa, boobka iyo dhaca hantida umada? Saamayn mucaarid oo intee leeg baany ku yeelan kartaa dawlada Siilanyo maqaalada uu qori doono Maxamed Xaashi hadii wax la lunsado, isagoo weliba imika xogo badan ka haya dawlada, inaga oo xusuusan maqaladii hanta lunsi ee uu Maxamed xaashi ka qoray dawladii Madaxweune Riyaale ee tan ka horaysay.

Kama wado in Hadii Maxamed xaashi laga qaaday xilkii, uu baaba’ayo hanaan socodkii iyo hormarkii la hiigsanayan iyo in aan cid kale oo daacada laga helayn umada lakiin abaalka qofka shaqo fiican qabtaa hadii uu noqdo xilka qaadis maanay u muuqanayn in lagu nabad gelayo arimo kale. Taariikhda ayaa marag iyo markhaati ugu filan Maxamed xaashi, Mudane cabdicasiis Maxamed Samaalena waa loo faadhiyaa.

Taariikhdu waa Mudan

Waa jire markhaati leh

Rooble Cabdi Muuse

berisamaad@ymail.com / rooble_ac@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories