HomeXildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada oo sheegay in Xeerka Wareejinta Maxaabiistu sahlayo...

Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada oo sheegay in Xeerka Wareejinta Maxaabiistu sahlayo in la kala Iibsaddo Maxaabiista ku jirta Jeelasha dalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeys, 21 February, 2012 (SLpost)- Saddex Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay ansixintii goluhu ku ansixiyeen xeerka kala wareejinta maxaabiista iyaga oo ku ooday in uu xeerkani yahay mid caqabad ku ah bulshadda Somaliland.
Saddexdan Xildhibaan oo kala ah Xildhibaan Maxamed Saalax Cige, Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble iyo Xildhibaan Saleebaan Cabdi Cali (Bukhaari) oo shir jaraa’id oo ay xarunta Golaha ku qabteen ka dib kulankii goluhu ku ansixiyey laba xeer, waxay ay tilmaameen in uu xeerkani yahay xeer halis ah oo caqab ku noqon doona bulshadda Somaliland, waxana ay si adag u iftiimiyeen in xeerkan ay ka dhalan karto in la kala iibsaddo maxaabiista dalka, waxna ay intaas ku dareen in bulshaddu fiiro gaar ah ka yeelato ansixinta xeerkan.
Xubnahan Xildhibaanadda ah oo ahaa saddexda Xildhibaan ee kaliya ee ka soo horjeestay ansixinta Xeerka Wareejinta Maxaaabiista oo Golaha buuq ka dhex dhaliyey,  waxa ay si cad ugu nuuxnuuxsadeen inaan xeerkan laga doodin, waxana ay dhaliilo iyo eedayn culus u soo jeediyeen shir-gudoonka golaha wakiiladda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, xildhibaanaddan ayaa ku eedeeyay gudoomiyaha inaanuu haba yaraatee golaha horkeenin doodad iyo naaqishaadka xeerkan.
Ugu horeyn waxa shirkan jaraa’id ka hadlay Xildhibaan Siciid Cilmi Rooblle, waxana uu hadalkisii ku bilaabay “Golahani waxa uu noqdey mid afduuban, kaas oo u afduuban Shir gudoonka, xeerar kalle oo baddan oo uu ka mid yahay kan maanta oo kalle ayaa la ansixiyay, kuwaas oo aan laga baaran dagin, dhibaatona ku noqon doonta bulashadda”, waxana uu intaas ku daray “Gudoomiyaha Goluhu WADANI buu galay, waxana meesha lagu fadhiyaa saddex xisbi, Sharciyadda uu kursigan ku fadhiyna ma garanayno.”
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooblle,, waxa uu si adag ugu nuuxnuuxsaday xeerka kala wareejinta Maxaabiista, kaas oo ay maanta cod gacan taag ah ku ansixiyeen Mudanayaasha Golaha Wakiiladda Somaliland “Xeerka lala wareejinta Maxaabiista, sifo sharci ah kagama uu bixin golaha, xeerkaas Wareejinta Maxaabiista wel wel weyn baan ka qabaa, waa xeer keeni kara in lakala gato maxaabiista”.
Sidoo kalle waxa isna madashaasi ka hadlay Xildhibaan Maxamed Saalax Cige, waxana uu sheegay in ansixinta xeerkani ay ahayd mid sharci darro ah, isaga oo intaas ku daray in habka loo maray ansixinta xeerkani uu ahaa mid baal marsan qawaaniinta iyo sharciga golaha, “Runtii waxa aniga layaab igu noqotay xeer aan soo marin golaha, oo aan laga baaraan dagin, oo aan laga doodin, oo aan wax ka badal lagu sameyn oo aan soo marin guddi oo haddana la keenay shalay Golaha in isla maantaba la ansixiyo, waa mid nasiib darro ah, walina lama arag tan oo kalle” Ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Saalax Cige, waxana uu intaasi ku daray “Xeerkani in gacan loo taago oo qudha kuma xalaaloobayo”.
Xildhibaan Maxamed Saalax Cige waxa uu fariin u direy mudanayaasha Golaha Guurtidda Somaliland, waxana uu uga digey in ay ansixiyeen xeerkan, isla markaana waxa uu ka codsaday in ay ka fiirsadaan xeerkan, madaama uu si hawl yar ay u soo ansixiyeen golaha Wakiiladda Somaliland.
Ugu dambeyntii waxa isna madashaasi ka hadlay Xildhibaan Saleebaan Cabdi Cali (Bukhaari),ayaa xeerkan ku tilmaamay mid  dabada lag riixayo oo u socda hab ganacsi“Xeerkan waxbaa dabada ka riixaya oo waxaan labada xeerba aan u arkaa inuu ka maqnayn qaab ganacsi oo ay xeerarkaas ay lacagi ku xidhan tahay oo waxa imman doonta iyada oo maxaabiista la kala iibsado,”ayuu yidhi Xildhibaan Bukhaari

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories