HomeXildhibaano Ka Tirsan Golaha Deegaanka Gabiley Oo Waxba Kama Jiraan Ku Tilmaamay...

Xildhibaano Ka Tirsan Golaha Deegaanka Gabiley Oo Waxba Kama Jiraan Ku Tilmaamay War Lagu Baahiyey Wargaysyada Qaarkood

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Gabiley, (SLpost)-Xubno ka tirsan Xildhibaanada Golaha Deegaanka Gabiley ayaa si adag gaashaanka ugu dhuftay jiritaanka War Warbaahinta qaarkood daabaceen. Kaasi oo sheegayey in Toban Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Deegaanka Gabiley u gudbinayaan Maxkamada sare Dacwad ka dhan ah Wasaarada Arrimaha Gudaha, taasi(Dacwada) oo salka ku haysay in Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland ay Xayiraad hore u saartay fadhiyadii Golaha Deegaanka Gabiley.

Warkan oo uu daabacay Wargayska Haatuf Cadadkiisii soo baxay Saalisadii Dorraad, tirsigiisii 2780, oo Xildhibaan lagu magacaabo Ibraahim Xasan Sangal Xog-waran ka siiyey Wargayskaasi Arrinta Dacwada ay u gudbinayaan Maxakamada. Taasi oo uu ku sheegay in Xildhibaano ka tirsan Golahooda Gabiley oo uu ka mid yahay Isagu(Xildhibaan Sangal) ay Dacwad u gudbin doonaan Maxkamada sare, Dacwadaasi oo ka dhan ah Wasaarada Arrimaha Gudaha, nuxurkeedana uu ku sheegay Xayiraad Wasaaradu ku soo rogtay Fadhiyadii Golaha Deegaanka Gabiley.

Haseyeeshee, qaar ka mid ah Xubnaha uu carrabaabay Xildhibaanku ee uu sheegay in ay ku wehelinayaan Dacwada ayaa si adag ganafka ugu dhuftay jiritaanka arrintaasi, oo ay xuseen in aanay ogayn meel ay ku wada tashadeen iyo meel ay go’aankaa kuwada gaadheen Iyaga(Xildhibaanada) iyo Xildhibaanka warkaa baahiyey, waxaanay xuseen in ay kali ku tahay arrintaasi. Waxaanay Xubnahani ay arrintaa kaga hadleen Shir-jaraa’id oo ay ku qabteen Dawlada/hoose ee Gabiley.

Xildhibaan Maxamed Muxumed Nuur (Laanloobar) oo ugu horreyn Shirkaa Jaraa’id ka hadlay ayaa gaashaanka ku dhuftay jiritaanka Warkaasi, waxaanu sheegay in arrintaa aanay waxba ka ogayn. Isaga oo arrintaa ka hadlaya waxa uu yidhi;-“waxa la yaab igu noqotay Warkan aan ku arkay Wargayska Haatuf ee sheegaya in Toban Xildhibaan oo aan ka mid ahay aanu Dacwad u gudbinayno Maxkamada Sare, oo aanu ku dacwaynayno Wasaarada Arrimaha Gudaha. Warkaasi oo Wargaysku kaga Xog-waraystay Xildhibaan Sangal. Xildhibaankuna uu tiriyey Xildhibaanada ku wehelinaya Dacwada. Aniga oo ah Xildhibaan Laanloobar waxaan cadaynayaa in aanay jirin meel aanu go’aan ku wada gaadhnay, meel aanu ku wada tashanay, iyo meel aanu iskula qaadanay in aanu Wasaarad dacwayno”. Ayuu yidhi Xildhibaan Laanloobar. Waxaanu hadalkiisa ku sii daray:-“Xildhibaanka warkaa baahiyey kali ayay ku tahay, lamana Ogin, mana wacna in Xildhibaanada Golaha laga been abuuro, oo fikirkooda iyo aragtidooda la qaloociyo. Kumana haysano Saaxiibkayo fikirkiisa iyo dacwadiisa, xorna waxa uu u yahay in uu u dacwad tago Maxkamad ama Wasaarad tuu doono, xorna u yahay Ra’yigiisa”.

Xildhibaan Maxamuud Sheekh Xuseen Nuuriye oo ka tirsan Xubnaha Golaha Deegaanka Gabiley oo Isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in aan la joogin wakhti Kaambayno la galo iyo Is-eryad, balse ay haboon tahay in Horumar uun laga shaqeeyo isaga oo arrintaa ka hadlaya waxa uu yidhi:-“Lama joogo wakhti Olole iyo Kaambayn la galo iyo is-eryad. Laakiin waxa la joogaa wakhtigii laga wada shaqayn lahaa Horumar iyo wada shaqayn. Inanta(Maayarka) Meesha joogtaana wixii aanu hore u soo dooranay oo dhan way isku dhaantaa oo Muddadaa kooban ayaanu aragnay wax la qabanayo. Cidna Dacwad uguma maqnin Maxkamad aanu tagaynaana ma jirto, Wasaarad aanu dacweeya is leenahayna ma jirto. Mana garanayo meel uu Xildhibaanku arrintaa(dacwada) ka keenay. Lama Ogi warna uma hayo”. Ayuu yidhi Xildhibaan Nuuriye.

Xildhibaan Ibraahim Aw Aadan Cabdalle Fanax ayaa Isna sidoo kale gaashaanka ku dhuftay Warkaa ku soo baxay Wargayska Haatuf ee Xildhibaanku siiyey. Waxaanu Isna si kooban u yidhi:-“Adeer Warna uma hayo Warkaa, Meel Xildhibaanka aanu isku aragnay oo aanu go’aan ku wada gaadhnayna ma jirto”. Ayuu yidhi Xildhibaan Ibraahim Fanax.

Somalilandpost.net

C/risaaq Axmed Hayaan (Ilka-case)   

Gabiley, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories