HomeXildhibaano Ka Hadlay In Abaarta Darteed Dib U Dhac Ku Iman Karo...

Xildhibaano Ka Hadlay In Abaarta Darteed Dib U Dhac Ku Iman Karo Doorashooyinka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

(SL.Post) Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan Dheere), Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane) ayaa ka hadlay aragtidooda ku saabsan in abaarta dalka ka jirtaa keeni karto dib u dhac ku yimaada doorashadii madaxtooyada ee March 2017.

Xildhibaanadan oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar ah siiyey ayaa ugu horeyn Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan Dheere),oo ka tirsan Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye oo ka hadlaya  xaaladda abaareed ee dalka  ka jirta ayaa yidhi “Abaartu dalka oo qudha kama jirto, ee wadamo badan oo Afrika ah ayey ka jirtaa, Deeganada ugu daran ee abaartu dalkeena sida daran uga jirto waxa ka mid ah Sool, Sanaag, Togdheer, Hawd iyo meelo kale oo badan, waxaana dadkii ay abaaruhu hayeen iyo xoolihiiba la geeyey Gobolada Gabiley iyo Awdal, oo aan aad ugaga mahadnaqayo dadka labadaas  Gobol sida wacan ee ay u soo dhaweeyeen dadkoodana dhibaataysan, in dadkan abaaruhu hayaan wax la taro, waxaana Xukuumadda leeyahay dadaalka sii laban-laaba, oo sii kordhi,  waxaana haboon in cid walba oo wax awooda inay dadkooda jilicsan wax taraan, Beesha Caalamkana waxaan leeyahay doorkiina ka qaata, Guddida Abaaraa waxaan kula talinayaa inay dadaalka sii kordhiyaan.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan Dheere),oo aanu wax ka weydiinay sida uu u arko hadalkii ka soo yeedhay Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda iyo Kulmiye oo sheegay in Doorashadu dib u dhac ku iman karo abaaraha darteed, wuxuu yidhi “ILLAAHAY baa wax walba og, isaga ayaa qaybka og, oo wixii soo socda iyo waxa dhacaya cidina lama oga, waxaana dhici karta in ILLAAHAY intaas ka horeeysa wakhtiga Doorashada inuu roob inoo shubo, oo roobku inoo da’o, haddii aynaan intaas roob helin, oo abaartu sii socotana, ALLE kama dhige, arinta Doorashada waa laga wada tashan doonaa, oo meel baa wax la isla dhigi doonaa”.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan Dheere), ayaa mar aanu wax ka weydiinay sida uu u arko hadalkii dhawaan ka soo yeedhay Safiirka Turkiga ayaa yidhi “Waa wax iska cad in aanu marnaba Turkigu dhex ahayn, oo mar walba u jan-jeedho Somaliya, arinta wada hadaladana daacad kama ah, ee midnimo ayuu doonaya, balse marnaba midnimada iyo waxa uu doonayo suurtagal ma noqonayso, Xukuumadduna waxay wakiil ka tahay Shacabka reer Somaliland, waxayna ila tahay in wada hadaladu aanay ku dhamaanayn is afgarad, madaama Dastuurka Somaliland qorayo in madaxbanaanida Somaliland tahay muqadas, distoorkana Somaliya qorayo midnimo, markaas aynu eegno sida ay wax noqdaan”.

Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), oo isna ka hadlay dib u dhac ku yimaada Doorashada ayaa yidhi “La taliyaha Madaxweynaha ee dhinaca Doorashada Cabdilaahi Jawaan waa nin oday ah, hadalka uu ku hadlay waa xaqiiqo, waxaana dhab ah in Xukuumaddani Doorasho diyaar u ahayn, oo aanay Doorasho qaban Karin, Tartankii koobka Gobolada ayeynu ogeyn sida ay ugu fashilantay, ee Doorashana hadalkeedaba daa, muddo kordhintii Doorashada Barlamaanka waxay ahayd marmarsiiyo, Abaartana Xukuumaddu way ku hoos gabanaysaa, oo waxay doonaysa muddo kordhin dambe oo Madaxtooyada ah, balse war jiraaba cakaaru iman, ee aynu aragno waxay la timaado”.

Xildhibaan Siciid Gaane ayaa mar uu ka hadlaayey hadalkii Safiirka Turkiga ayaa yidhi “Wadanka Turkigu mawqifkiisa uu caddeeyey, waxaanu sheegay in ujeedada wada hadaladu uu yahay sidii loo midayn lahaa Somaliland iyo Somaliya, sida cadna Xukuumaddani waxay ugu sii dhegan tahay wada hadalada wax kale maaha ee waa lacag, qadiyadii iyo ictiraaf raadintii dalka ayey ka doorbiday lacag, wadamadii Somaliland qadiyadeeda ogolaa wakhtigii Daahir Rayaale meesha wey ka baxeen, waxaana ka saartay Xukuumaddan Axmed Siillaanyo”.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo isna arintan ka hadlaya ayaa yidhi “Abaar xun ayaa dalka ka jirta, laakiin dadkeenu uu isku gurmaday, inuu sidaas iyo si ka sii wanaagsan iskugu gurmadana ayaa loo baahan yahay, Caalamkuna waa inuu inoo soo gurmada, balse arintan Doorashada wax faalo ah oo aan ka bixinayaa ma jirto”.

 

Somaliland.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories