HomeXildhibaano Congress-ka ka tirsan oo ka digay Ammaan-darro ka dhalata Joojinta Xawilaadda...

Xildhibaano Congress-ka ka tirsan oo ka digay Ammaan-darro ka dhalata Joojinta Xawilaadda Lacagaha, baaqna u jeediyey Dawladda Maraykanka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

xildhibanoWashington (SLpost)- Xildhibaano ka tirsan labada Aqal baarlamaan ee dalka Maraykanka, ayaa sheegay in joojinta lacagaha loo diri jiray Somaliland iyo Soomaaliya ay halis ammaan ku keenayso Maraykanka, isla markaana dhibaatooyin bani’aadminimo keenayso haddaan xal deg-deg ah.

Xildhibaanadan oo tiradoodu gaadhsyo 12, ayaa qoraal ay soo saareen shalay kuna socodsiiyeen laamaha dawladda Maraykanka, waxa ay ku baaqeen in arrintan laga wada-hadlo, muddo laba todobaad gudahoodna xal kama dambays ah laga saaro, iyaga oo ka digay halis ka dhalan karta joojinta lacagaha ay diraan dadka Maraykanka ku nool ee qoysaskoodu deggen yihiin Soomaaliya Somaliland iyo Soomaaliya.

Merchants Bank California oo ah bangiga keliya ee Xawaaladaha Soomaalida wada-shaqaynta la leh isla markaana 80% ay xawaaladuhu lacagaha soo mariyaan, ayaa sheegay in baqdin uu qabo in lacagaha xawaaladaha sii mara ay gacanta u galaan kooxo argagaxiso ah awgeed uu go’aansaday inuu joojiyo xidhiidhka wada-shaqayneed ee ka dhexeeya xawaaladaha Soomaalida, iyada oo wakhtiga uu baarlamaanku u muddeeyey joojinta wada-shaqaynta Xawaaladuhu ku beegnayd 6-dii bishan.

Qoraalka xildhibanaadu kaga digeen halista tallaabadan ka dhalan karta, ayaa in loo baahan yahay xal degdeg ah oo la gaadho, waxaanay ugu baaqeen dhinacyada ay khusayso inay la yimaadaan xal dhow oo diritaankii lacagaha ku sii socon karaan, isla markaana wasaaradda Arrimaha Dibeda Maraykanku abuurto dariiq diritaanka lacagahaasi loo sii marin karo barnaamijyada mucaawinooyinka.

Qoraalka xildhibaanadan ayaa ku soo beegmaya ka dib markii Jimcahii bangi Maraykanka ah oo xisaabaad uga furnaayeen xawaaladaha Soomaalida ee lacagaha soo dira ku wargeliyey inuu xidhay xisaabaadkii xawaaladahu ku lahaayeen, taasoo gebi ahaanba joojinaysa in biilal dambe looga soo diro Maraykanka qoysaska ku nool Somaliland iyo Soomaaliya ee ehelladoodu ku nool yihiin Maraykanka.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories