HomeXildhibaanno Warqad ay ku taageereen Qadiyadda Somaliland u diray Madaxweynaha Maraykanka

Xildhibaanno Warqad ay ku taageereen Qadiyadda Somaliland u diray Madaxweynaha Maraykanka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Washington (SLpost)- Xildhibaanno ka tirsan Aqalka Sare ee Maraykanka (Senate), ayaa maamulka xukuumadda madaxweyne Biden u gudbiyey warqad  ay ku codsanayaan in dowladdoodu xidhiidh diblomasiyeed la yeelato Somaliland.

blankSagaal Xildhibaan oo ka kala tirsan Guddi-hoosaadka Aqalka Senate-ka u qaabilsan Arrimaha Dibadda, Afrika, Caafimaadka dunida iyo Xuquuqal-iinsaanka, ayaa waraaq ay wada-jir ugu saxeexan yihiin u diray Wasiirka Arrimaha Dibadda Maraykanka Antony Blinken oo ay ugu baaqeen in kor loo qaado xidhiidhka Somaliland.

Mudaneyaasha oo dhammaantood ka soo jeeda Xisbiga Jamhuuriga marka laga reebo hal xildhibaan, waxay ugu baaqeen xukuuumadda madaxweyne Biden in dowladda Maraykanku kor u qaaddo cilaaqaadka Somaliland iyadoo la tixgelinayo bogcadda istaraatajiga ah ee ay ku taallo, hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda iyo dedaallada ay iskeed ugu guulaystay la-dagaalanka argagixisada, budhcad-badeedda iyo sidoo kale la eegayo xidhiidhka ka dhexeeya Taiwan.

“Waxaanu warqadda u qornay inaan ku baraarujinno Maamulka Biden inay tixgelin siiyaan sidii ay u kordhin lahaayeen hirgelinta  xidhiidh qototo dheer oo dhexmara Somaliland ee khuseeya dhinacyada diblomaasiyadda, dhaqaalaha iyo amniga,” sidaas ayay qoreen xildhibaannadu, waxaanay iyagoo faahfaahinaya muhiimadda ay tani leedahay, “Marka la eego Bogcadda juquraafeed ee Somaliland kaga taallo Gacanka Cadmeed, taageerada joogtada ah ee dimuqraadiyadda u hayso, iskaashiga ka hortagga argagixisada, budhcad-badeedda iyo khataraha kale ee amniga ee gobolka, xidhiidhka ka dhexeeya Taiwan, iyo awoodaha dhaqaale ee sii kordhaya waxay Maraykanka u damaanad-qaadayaan inuu ka raadiyo fursado dheeraad ah oo ay iska kaashan karaan Somaliland.”

Mudaneyaashu waxa ay warqaddooda ku xuseen in Somaliland mudan tahay in lagu tixgeliyo guulaha ay ka gaadhay dhinacyada dimuqraadiyadda, ammaanka iyo horumarka, waxaanay si gaar ah u ammaaneen hannaanka doorashooyinka Somaliland.

“Anagoo ka duulayna arrimahan siyaasadeed, dhaqaale iyo amni ee Somaliland leedahay, waxaanu maamulka u soo jeedinaynaa inay kordhiyaan xidhiidhka dublamaasiyadeed ee ay la leeyihiin Somaliland, isla markaana ay tixgelin siiyaan inay xafiis diblomaasi ka furan Hargeysa,” sidaas ayaa lagu yidhi warqadda ay xildhibaannadu qoreen oo intaas ku daray, “Kordhinta iskaashiga Somaliland waa in ay noqotaa mudnaanta koowaad oo ay ka wada faa’iidaysan doonaan danaha Maraykanka iyo Somaliland.”

Xildhibaannada baaqan u diray maamulka Biden oo ay hoggaaminayaan guddoomiyaha guddi-hoosaadka arrimaha Dibadda Aqalka Senate-ka, xildhibaan Michael McCaul iyo Gudddoomiyaha guddi-hoosaadka Arrimaha Afrika, Caafimaadka iyo Xuquuqda bani’aadamka Chris Smith, waxa ka mid ah Brian Fitzpatrick, Tom Malinowski, Peter Meijer, Guy Reschenthaler, Kay Granger, Young Kim iyo Steve Chabot.

Baaqa Xildhibaannada Aqalka Odayaasha ee Maraykanka, ayaa ku soo beegmay xilli uu madaxweynaha Somaliland booqasho rasmi ah ku jooga caasimadda dalkaas ee Washington, kaddib markii uu marti-qaad ka helay dowladda dalkaas.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories