HomeXildhibaanno Qaadacay Cafis Ay Xukuumadda Nairobi U Fidisay Xubno Kenya Hore Al-shabaab...

Xildhibaanno Qaadacay Cafis Ay Xukuumadda Nairobi U Fidisay Xubno Kenya Hore Al-shabaab Ugu Eedaysay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Nairobi, (SLP)- Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka dalka Kenya oo ay tiradoodu dhamayd 20, kana tirsan xisbiga talada haya ee Jubilee ayaa ka hor-yimi cafis ay dawladda Kenya u fidisay xubno ay Al-shabaab tabobartay, iyagoo sheegay in loo baahan yahay in xubnahaas la ciqaabo.Xildhibaan_Aadan_Barre_Ducaale

Mudanayaashan oo uu ka mid ahaa hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Kenya, Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay in xubnaha cafiska loo fidiyay ay ka mid yihiin xubno magacyadooda hore loo sheegay oo laga shakisan yahay.

Sidoo kale, xildhibaannadu waxay sheegeen in loo baahan yahay in sidoo kale cafis loo fidiyo dhammaan kuwa tuhunnada u xidhan ama kuwa la sii daayay dib loogu soo celiyo xabsiyada si ciqaab loo mariyo.

Xildhibaannadan ayaa hadalkan ku sheegay shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen dhismaha baarlamaanka dalka Kenya ee Nairobi, waxaana xildhibaannadan ka mid ahaa, Kabando wa Kabando, Johnson Sakaja iyo Maison Leshoomo.

Hoggaaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Kenya, Aadan Barre Ducaale ayaa ku gacan-saydhay hadallo sheegayay inuu xidhiidh la leeyahay Al-shabaab, isagoo sheegay inuu yahay guddoomiyaha 34 xildhibaan oo kasoo jeeda gobolka Waqooyi-bari Kenya, oo ay hadalladaasi yihiin kuwo been-abuur ah.

“Go’aankaygu waa mid cad. Anigu kama mid ihi argagaxisada,” ayuu hadalkiisa ku daray xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo ka hadlayay shirka jaraa’id ee maanta ay ku qabteen xarunta baarlamaanka Kenya.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli dawladda Kenya ay sheegtay inay xabsiyada dalkeeda kasii daysay xubno hore loo qabtay oo lagu tuhunsanaa inay Xarakada Al-shabaab ee dalka Kenya ka tirsanaayeen, kuwaasoo aan la horkeenin wax maxkamad ah.

 

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories