HomeXildhibaanno kala taabacsan Daruurta Siyaasadeed ee Dul-hoganaysa Golaha Wakiillada oo Maanta Isku...

Xildhibaanno kala taabacsan Daruurta Siyaasadeed ee Dul-hoganaysa Golaha Wakiillada oo Maanta Isku Fara-saaray Xarunta Golahaas

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Xildhibaan Ibraahim Rayte iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (C/raxmaan Dheere) ayaa manta xarunta Golaha wakiiladda dhexdiisa Feedh iskala daalay, iyagoo isku haysta xurgufta siyaasadeed ee ka dhalatay isku shaandhayntii guddiyada golahaas oo aan wali loo maaro helin.

Dagaalka labada Xildhibaan ayaa salka ku haya Loolan adag oo golahaas ka taagan kaasoo saameeyey shirguddoonka Golahaasi iyo Xildhibaanada, waxaanay u egtahay in dagaalkoodu salka ku hayo kala jiidashada xilalka gudiyadda Golahaas oo midkoodna ka mid ahaa guddoomiyayaasha guddiyadii hore, halka ka kalena ka mid yahay guddoomiyayaasha cusub ee Cirro abuuray.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Caalin ayaa ahaa Guddoomiyihii hore ee guddidii Cadaaladda, halka Xildhibaan Rayte imika loo doortay guddoomiyaha Guddida Arrimaha gudaha, Nabadgelyada iyo Difaaca, waxaanay labadoodu la kala safan yihiin Guddoomiye Cirro oo Mucaarad ah iyo labada ku-xigeen oo Muxaafid ah.

LABADA XILDHIBAANIlo wareedyo u dhuun daloola Golaha Wakiiladda ayaa sheegaya labada Xildhibaan in ay isku af-dhaafeen khilaafka Golaha ka dhex taagan, waxaana la sheegayaa markii af-ku ka xumaaday in ay Feedh isku dal-daleen, kadibna ay kala dhex galeen Xildhibaano ay ka md ahaayeen Siciid Cilmi Rooble oo xiligan u muuqda inuu u sii jan-jeedho dhinaca Guddoomiye Cirro iyo Xisbigiisa Wadani, isagoo ku qanacsan guddiyadda cusub ee la doortay oo uu isagu ku waayey Guddoomiyanimada Xildhibaan Rayte hada haysto.

Xaalada ka dhex aloosan golahaasi ayaa maalinba maalinta ka danbaysa sii cakirmaysa, waxaana imika dabka ku sii shiday safarkii uu Guddoomiye Cirro iyo Madaxweyne Siilaanyo ugu baxeen xuska Maalinta Qawmiyadaha Itoobiya oo uu safarka siilaanyo ku wehelinayey Baashe Maxamed Faarax Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Wakiiladda, kaasoo Cirro ku diiday in uu u sii raaco Jigjiga maadaama Marti-qaadka iyaga gaar loogu soo diray oo loo casuumay Baarlamaan ahaan.

Guddoomiye Cirro ayaa markii uu dalka ku soo laabtay sheegay in khilaafkooda laga hurinayo Madaxtooyadda, isagoo Nidar ku maray inay farta dhexda ka qaniini doonaan kooxda ka soo shiidaal qaadanaysa ee Golihiisa qasaysaa.

Dooda Cirro ayaa dhalisay in ay Madaxtooyaddu ka xanaaqdo weedhihiisa waxaana muuqata xiisadii golahaas oo la filayey in ay hoos u degtay in ay imika sii cakirmayso, isla markaana waxa laga dhur sugayaa soo guryo noqoshada Madaxweyne Siilaanyo iyo Cirro iyo waliba mudada ay xildhibaanadu ka soo noqonayaan fasaxa Kal-fadhigooda oo xaaladda wali xakamaynaya balse wax badan ay isla qarxi doonaan.

COURTESY: Waaheen.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories