HomeXIldhibaanno ka tirsan Mucaaradka Golaha Wakiillada oo la xidh-xidhay, Madaxweyne Siilaanyo iyo...

XIldhibaanno ka tirsan Mucaaradka Golaha Wakiillada oo la xidh-xidhay, Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiye Cirro oo ka hadlay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xildibaano ka tirsan Mudanayaasha Mucaaridka ah ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Xabsiga loo taxaabay maanta, waxaana Xildhibaannadaas lagu xidhay xarunta Laanta Dembi-baadhista Ciidammada Booliska ee CID-da.

x

Xildhibaanadan oo tiradoodu tahay Shan, ayaa kala ah Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, Xildhibaan Jaamac Xasan Aadan, Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa, Xildhibaan Maxamed Saalax iyo Xildhibaan Xuseen Cige, kuwaasoo lagu eedeeyey inay abaabulayeen Muddaharaad sharci-darro ah.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ahna guddoomiyaha xisbiga Waddani, oo aan ka tegin Golaha Wakiillada oo uu sheegay in Xukuumaddu xoog ciidan kula wareegtay, ayaa cambaareeyey xadhigga mudaneyaasha oo dhammaantood ka tirsan Xisbiga Waddani.

“Golihii waxa laga qaaday sharaftisii, waxaa la wareegay oo ilaa Arbacadii haysto Ciidamo la wareegay, saaka waddooyinkoo dhan waa la xidhay oo golihii waa la afduubay,” ayuu yidhi Md Cabdiraxmaan Cirro.

Waxa uu guddoomiye Cirro xusay inay jiraan Siyaasiyiin Xisbigiisa ka tirsan iyo Wariyeyaal la xidh-xidhay, kaas oo uu ku tilmaamay inuu yahay sharci-darro.

Guddoomiye Cirro oo la weydiiyey in Mooshinka xilka lagaga qaadayo ee Mudaneyaasha muxaafidku soo dhigeen golaha uu sharci yahay iyo In kale, waxa uu qiray inuu sharci yahay balse uu ka soo horjeedo go’aan golaha guurtidu hore ugu gaadhay inaan golaha wakiillada la keeni karin mooshin ka dhan Shir-guddoonka.

Madaxweynaha Somaliland oo goor-dhawayd shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa, ayaa wax laga weydiiyey xadhigga mudaneyaasha iyo meel ka dhaca xasaanadda ay yihiin.

“Xildhibaannada Sharciga kama weyna, xildhibaannada in layska raadsado maaha, ixtiraam bay mudan yihiin, laakiin wixii sharciga ku xad-gudba, sharciga kama weyna,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories