HomeXildhibaanno ka tirsan Golaha Deegaanka Gabiley oo Xabsiga loo taxaabay iyo Sababta...

Xildhibaanno ka tirsan Golaha Deegaanka Gabiley oo Xabsiga loo taxaabay iyo Sababta ka dambaysa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Gabiley (SLpost)- Ciidamada Ammaanka, ayaa maanta Xabsiga u taxaabay Afar Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Deegaanka Degmada Gabiley, kuwaas oo loo dhaadhiciyey Xarunta Ciidanka CID-ka ee Hargeysa.

 

Lama oga sababta Xadhigga xildhibaannada oo huwan Xasaanad ay leeyihiin, haseyeeshee waxa lagu lala xidhiidhinayaa laguna inay ka dambeeyeen been-abuur ay ka sameeyey Maayarka Magaaladaas oo mid ka mid ahi magaciisa u isticmaalay Waraysi uu siiyey Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da.

 

blank

 

Baahinta Subaxnimo ee BBCSomali, ayaa saaka lagu waraystay Laba Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Deegaanka Gabiley, kuwaas oo mid ka mid ahi sheegtay inuu yahay Maayarka magaalada Gabiley, iyadoo markii dambe uu hadlay maayarka Maxamed-Amiin oo beeniyey inuu wax waraysi ah siiyey Idaacadda BBC-da, qofka magaciisa sheegtayna been-abuur ka sameeyey.

 

Xildhibaannada la xidh-xidhay ee dhacdadan lagu tuhmay, ayaa ah mudaneyaal mucaarad ku ah maayarka Gabiley, kuwaas oo dhawaan dalbaday fadhi aan caadi ahayn oo ay soo dhigeen mooshiin xilka lagaga xayuuribinayo maayarka, haseyeeshee waxa codsigooda ka diidday Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo go’aanka ay qaateen ku tilmaantay sharci-jebin iyo mid baalmarsan xeerarka dalka.

 

Mudaneyaasha la xidh-xidhay, ayaa magacyadoodu kala yihiin Xildhibaan Mahdi Maxamed (Jiijaa), Xildhibaan Iid Xasan Cabdi, Xildhibaan Buraale Mowliid, Xil. Xasan Maxamed Axmed, kuwaas oo dhammaantood laga qab-qabtay magaalada Gabiley, markii dambe loo gudbiyey Xarunta Ciidanka Dambi-baadhista ee Caasimadda Hargeysa, halkaas oo baadhitaanka Kiiska loo haystaa ka socdo.

 

Waraysi Idaacadda BBC-du la yeelatay Laba ka mid xildhibaannada oo midkood la tuhunsan yahay inuu isticmaalay magaca Maayarka, ayaa ka dambeeyey kaddib markii Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland shalay soo saartay wareegto uu ku mamnuucay kalfadhiyada aan caadiga ahayn ee goleyaasha deegaanka dalka iyo mooshinno xilalka lagaga qaado maayarrada maadaama muddo-xileedka goleyaasha deegaanku dhammaad ku dhow yahay, xilligii doorashooyinkana wakhti koobani ka hadhsan yahay.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories