Home“Xildhibaannada Wasiir Xaglo-toosiye Aflagaadeynayaa Waxay Ka Soo Horjeedaan In Gobollada Sool Iyo...

“Xildhibaannada Wasiir Xaglo-toosiye Aflagaadeynayaa Waxay Ka Soo Horjeedaan In Gobollada Sool Iyo Buuhoodle Doorasho Ka Qabsoonto”

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Waxgarad Reer Buuhoodle ah oo isugu jira Cuqaal, Siyaasiyiin, Aqoonyahano ayaa shir Jaraa’id oo ay ku qabteen Huteelka Ambassador ee Magaalada Hargaysa shalay, waxay naqdiyeen xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiilada oo warbaahinta ku faafiyay hadallo wax kaga sheegeen Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo toosiye) oo dhowaan naqdiyey qaabka ay ku soo baxaan mudaneyaasha Golaha Wakiillada ugu jira gobollada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle.

Waxgaradka-reer-BuuhoodleDr Xagla-toosiye oo dhowaan la hadlay warbaahinta dowladda, ayaa ku baaqay in diiwaan-gelinta iyo doorashadaba diyaar looga yahay Gobollada Buuhoodle, Sool iyo Sanaag-barri, isla markaana aanay dib u qaadanayn xildhibaanno ku yimaadda hanaanka is-xambaarka oo ah qaabkii ay Golaha wakiilada ku soo galeen Xildhibaannada Goboladaasi kaga jira Aqalka Wakiiladda. Waxaanay taasi sababtay in xildhibaano ka tirsan Wakiillada ee ka soo jeeda gobolladaasi ka jawaabaan hadalka wasiirka.

Haddaba, shirka jaraa’id ee wax-qabadkani ku qabteen Hotel Ambassador, waxa ugu horeyn ka hadlay, Cabdicasiis Ducaale Qambi oo ka mid ah aqoonyahanada Gobolka Buuhoodle, waxaanu sheegay in ay wax laga xumaado tahay in xildhibaanno ay ku aflagaadoodaan gudaha Aqalka madaxtooyada, waxana uu ku bogaadiyey Wasiirka Caafimaadka sida uu u ixtiraamay maamuuska ay leedahay xarunta Madaxtooyadu oo uu afkiisa uga xidhay Xildhibaanadaas oo ku aflagaadoonaya.

Md Cabdicasiis Qambi waxa uu si gaar ah farta ugu fiiqay Xildhibaan Dhakool oo hadallo aflagaado ah saxaafadda u mariyey Wasiirka caafimaadka, waxaanu yidhi “Annaga oo ka kooban madax dhaqameedkii, waayo araggii iyo aqoon-yahankii Buuhoodle waxaanu ka fursan weynay inaanu wax ka dhinaahno waxii ay xildhibaanadu ka dhex sameeyeen qasriga Madaxtooyada, Waxaa ilaahay mahadii ah in Mas’uulkii Qaran (Xaglo Toosiye) ee dhankayaga ahaa, dhiigayaga ahaa uu u ciseeyey maamuuska qaranimada JSL oo aanu lug ugu yeelan aflagaadadaa xildhibaanadu ka dhex sameeyeen Gudaha Madaxtooyada.”

“Xildhibaan Baashe Maxamed Cadde ma markii horuu khaldanaa mise hadduu khaldan yahay , haddii uu diidan yahay oo ka dagaalamayo in diiwaan-gelinta la geeyo Sool iyo Buuhoodle, muxuu u sheegayey Axsaabta Mucaaridka ee uu dhaliilayay in diiwaan-gelinta deegaankiisa ay ka soo hor-jeedaan,”ayuu yidhi Mr. Qambi, waxaanu sheegay in   Reer Buuhoodle diyaar u yihiin Doorashadda iyo Diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha iyo kaadhka jinsiyaddaba, Somaliland-na ay dhiigooda iyo Dheecaankooda ku samaysan tahay, dhulkooduna yahay Somaliland, isla markaana aanu is xambaar dambe jiri doonin arrintuna ay tahay ‘One man One Vote.”

Caaqil Ciise Maxamed Aadan (Ciise Rawe) oo ka mid ah waxgaradkii shirka jaraa’id ka hadlay ayaa sharaxaad ka bixiyey ujeedada shirkooda oo uu ku tilmaamay inuu yahay mid ku saabsan dhacdadii aflagaadada ahayd ee ay Rag xildhibaanno ahi ku aflagaadeeyeen Wasiir Xaglo-toosiye.

“Ninkii ugu derejada sareeyey Madaxda Goboladaa Ka timid ee aanu is lahayn ha noqdo oday dadka isku wada oo tuullooyinka isku wada, oo diiwaangelinta qaybtiisa qaata oo kuraas intan ka badan soo xero gelaya ayaa nasiib darro waxa uu Salaasadii sameeyey waxay ka dhigtay kurtinkii bahalka la mooday, waxaanan leeyahay wuu ka soke dhacay halkii ay ahayd inuu hiigsado, aad baan uga xumahay waana u tacsiyadaynayaa Baashe laftiisa,”ayuu yidhi Caaqil Ciise Maxamed.

Caaqil Ciise Maxamed Aadan waxa uu sheegay in la iskugu tagay Wasiirka Caafimaadka, waxaanu yidhi “Haddii ay wada hadleen Gudoomiye ku xigeenka iyo Wasiirku ma ahayn in Xildhibaanka kale soo galo oo la soo safto ka halka habeen xiga, arrintasina waa mid dadka dareenkiisa kicisay, haddii ay dib u dhacdana meel fog tegi doonta. Iminkana taa hore lafteeda kama hadhayno, waana la wada ogyahay la safashadu xeer bay leedahay oo xukun bay leedahay.”

“Annaguna haddii aanu nahay wax-garadkii iyo bulshadii Buuhoodle waxaanu ka war sugaynaa Xukuumadda, Midda kale maxaa looga xanaaqayaa is xambaarka, Baashe iyo Dhakool iyo kuwa kale ee la mabda’ ahi waa is xambaar cid soo dooratayna ma jirto, haddii ay dadweynaha Gobolladaasi maanta is diiwaangelin waayaan oo doorashadda u tartami waayaan lama siin doono is xambaar dambe, Wasiirka caafimaadkuna wax-qabad buu muujiyey ummadda Reer Somaliland baana markhaati ka ah, qaban-qaabo ayuu gelayaa, hawshiisa ayuu qabsanayaa, dawladda iyo dadweynahaa ka raalli ah, doorasho iyo tartan buu diyaar u yahay, anaguna taageeraanu la dhinac taagan nahay,”ayuu ku dooday Caaqil Ciise Maxamed.

Shirkaas jaraa’id waxaa kale oo ka hadlay Duuliye sare Kornayl Maxamed Jaamac Dhul-qas oo ka mid ah Waxgaradka reer Somaliland ee gobolka buuhoodle waxana uu sheegay in beelihii Buuhoodle ee Colaaduhu dhexmareen sannadihii tegay la heshiisiiyey xiligana ay lama huraan tahay in looga gudbo marxaladii siyaasadda iyo maamulka si hore loogu socdo waxaanu yidhi “Waa nasiib wanaag in waxgaradkii Reer Buuhoodle maAnta hortiina ka caddaynayaan in ay diyaar u yihiin diiwaan-gelinta iyo doorashadaba, is xambaarkuna waa mid aan dadkiisa waxba u qaban, dawladana waxaa looga baahan yahay inay dadka hawshaa hirgelinteeda diyaarka u ah ay wax la qabato oo taageero siiso.”

Aqoonyahan Cabdirisaaq Faarax Muuse Cawed oo ka mid ah macalimiinta wax ka dhiga jaamacadaha Dalka oo qayb ka ahaa waxgaradkii reer Buuhoodle ee shirkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in bulshada Somaliland kala fahamsan tahay ninka hogaamiyaha ah ee ummadiisa iyo qaranimadiisa u shaqaynaya iyo ninka doonaya inuu is xambaar ahaado oo ka horjeeda in dalku isu furmo oo dawladnimadu wada gaadho.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories