HomeXildhibaannada muxaafadka ah oo Dabada ka riixaya Xeer Saxaafadda ka dhan ah...

Xildhibaannada muxaafadka ah oo Dabada ka riixaya Xeer Saxaafadda ka dhan ah oo ay Hore ugu Gacan-saydheen Wakhtigii Rayaale iyo Jawaabta Gudida Xeerkan Soo dejisay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xildhibaannada muxaafadka Kulmiye, ayaa dabada ka riixaya in Golaha Wakiillada Somaliland Xeer Saxaafaddu leedahay oo ay hirgelintiisa ku gacan-saydheen wakhtigii Dawladdii Madaxweyne Daahir Rayaale, xilligaas oo Goleyaasha sharci-dejinta badankoodu mucaarad u badnaayeen.

KIJAANDHEXilligan oo Golelayaasha Sharci-dejintu u badan yihiin qaar taageeran mabda’a iyo siyaasadda Xukuumadda, ayaa waxa golaha Wakiillada la horgeynayaa Xeerka Saxaafadda oo haddii la ansixiyo, caqabad ku noqon kara xorriyadda iyo Madax-bannaanida saxaafadda xorta ah.

Guddoomiyaha Gudd-hoosaadka Arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiilada Somaliland Xildhibaan Axmed Kijandhe oo Shalay Shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskooda Xarunta Golaha, ayaa faahfahin ka bixiyey Xeerka Saxaafada oo  ay doonayaan inay hor-geyaan Golaha Wakiilada.

Xildhibaan Axmed Kijandhe, waxa uu ku dooday in Guddiga ahaan aanay wadin Xeer Cabudhinaya xoriyadda saxaafadda, balse waxa uu xaqiijiyey in ay ku dareen qodobbo aan hore ugu jirin.

Xildhibaan Kijaandhe oo arrimahan ka hadlaya, waxa uu yidhi, “Xeer saxaafada lidi ku ah oo saxaafada cabudhinaya Guddiga arrimaha bulshadu marnaba ma wado. Wax mooshin lagu keenayo oo socda majiro, waxaas oo dhan waa ku tiri kuteen. Guddiga arrimaha Bulshadu maaha Guddi suuq madow Xeerka ay wadaan ku keena, markaa waxa weeye Xeer ayaanu gacanta ku haynaa. Xeerkaasi maaha mid aanu kontarabaninayno, mid aanu saxaafadana ku cabudhinayno maaha.”

Waxa uu xildhibaanku sheegay inay isugu yeedhi doonaan dhammaan warbaahinta dalka ka hor inta aanay horgeyn golaha, waxaanu yidhi, “inta Golaha lagayn ayaa saxaafada loo keenayaa oo shir ayaa laydin qabanayaa, waxaana la odhan doonaa halka idin cabudhinaysa iyo halka dhibta ku ah Saxaafada ka soo qabta ayaa la odhan doonaa. Markaa Xeerkaasi waxa uu noqonayaa mid Saxaafada iyo siyaasiyiintaba xaq siinaaya, saxaafaddama xoriyad badan siinaaya.”

Xildhibaaanku waxa uu faahfaahin ka bixiyey qaabka curiska xeerkani ku yimi, “Muddo immika laga joogo afar sanno ilaa shan sanno ayaa Xeerkan ka shaqayntiisu socotay, waxaanu ku yimi Xeer wakhtigii Riyaale ay keentay Wasaaradda Warfaafinta, taas shir ayaanu u qabanay saxaafada oo aanu nidhi waar ba; ka warama Dawladii Xeerkan ayay keentay. Dabadeed waxay yidhaahdeen oo aanu isla garanay in Xeerkani yahay Xeer Saxaafada cabudhinaaya, waxa kale oo aanu isla garanay kii hore ee jiray inaanu dhamays tirnay oo dhawr qodob oo yar-yar aad loo balaadhiyo oo baahiyaha saxaafadeed jira aad loo horumariyo,” ayuu yidhi Xildhibaan Kijaandhe.

Xildhibaanku waxa kale oo uu sheegay in markii hore Saxaafada la is ka xidhijiray iyada oo wax waaran ah loo soo jarin, taasna lagaga badbaadi karo Xeerkan waxaanu yidhi, “Sidaad ogtihiin Saxaafada waa la is ka xidhijiray. Waxa kale oo la samayn jiray inta xafiiska la tago ayaa albaabada laga xidhijiray, markaa kaasi waxaas oo dhan ayuu lahaa. laakiin kani waxa uu leeyahay lagama qaadikaro oo Ninka Suxufiga ah lama soo xidhikaro isaga oo aan Maxkamad la gayn, markaa waxaas oo dhan ayaa ku jira oo markii hore aan ku jirin, xoriyadda uu saxaafada siinaayaana waa mid faahfaahsan.”

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories