HomeXildhibaannada Mucaaradka ee Golaha Wakiillada Somaliland oo Gurmad iyo Faro-gelin dibadeed ka...

Xildhibaannada Mucaaradka ee Golaha Wakiillada Somaliland oo Gurmad iyo Faro-gelin dibadeed ka dalbaday Beesha Caalamka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Mudaneyaasha Mucaaradka ah ee Golaha Wakiillada, ayaa beesha Caalamka gaar ahaan daneeyayaasha nidaamka dimuqaaradiyadda ee Somaliland ka dalbaday faro-gelin cadaadis lagu saaro xukumadda madaxweyne Siilaanyo oo ay ku eedeeyeen inay ka war-wareegayso hirgelinta doorashooyinka la filayo sannadka dambe badhtamihiisa, ka dib markii uu shalay Axaddii kooram la’aan u baaqday fadhi aan caadi ahayn oo Golaha Wakiillada ku ansixinayey xubnaha Cusub ee Guddiga Doorashooyinka.

Siciid Cilmi_Cabdiraxmaan XoogFadhiga Golaha Wakiillada ee baaqday waxa ku keliyeystay dhawr iyo toban mudane oo ku abtirsada xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, iyada oo mudanayaasha muxaafidka ah oo haysta aqlabiyada goluhu aanay ka xaadirin fadhiga isla markaana ay gaaf-wareegayeen xarunta baarlamaanka.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog oo labadooduba ku abtirsada Xisbiga WADDANI oo guddoomiye Cirro Oday u yahay, ayaa fadhiga shalay ee baaqday ka hadlay, waxaanay xukuumadda ku eedeeyeen awood-maroorsi iyo faro-gelin ay ku hayso goleyaasha sharci-dejinta, waxaanay beesha Caalamka ugu baaqeen inay si deg-deg ah faro-gelin cadaadis lagu saarayo xukuumadda ku sameeyaan Somaliland.

HALKAN KA DAAWO

Ubucda Khilaafka Mudneyaasha kala-Irdheeyey

Golaha Wakiillada oo wakhtigan fasax ku jira, ayaa kal-fadhigooda caadiga ahi u furmayaa bisha November 8-deeda, waxaana fadhiga baaqday oo guddoomiyuhu isugu yeedhay mudaneyaasha ajandihiisu ahaa ansixinta Guddiga cusub ee Doorashooyinka, kuwaas oo beddeli lahaa Xubnihii hore ee Komishanka oo muddo-xileedkoodu ku eg yahay 29-ka bishan October oo ku beegan maalinta Arbaca ee todobaadkan.

Xildhibaannada Muxaafidka ah ee Golaha Wakiillada, ayaa hore u sheegay inaanay ka qayb-gali doonin fadhiga Axaddii shalay loo ballansanaa, waxaanay go’aankooda ku sababeeyeen sharci-darro iyo dastuur-jabin ay ku eedeeyeen guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md Cabdiraxmaan Cirro, ka dib markii Golaha Guurtidu dib u soo celiyey Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo mudaneyaasha Wakiilladu cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen ka hor intii aanay u gudbin Golaha Guurtida , arrintaas oo muran hore leh ka dhex-abuurtay mudaneyaasha taabacsan Guddoomiyaha Wakiillada Md Cirro iyo Mudaneyaasha Muxaafadka ah ee siyaasadda Xukuumadda taageera.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida oo dhowaan ka hadlay go’aanka golihiisa ku soo celiyey Xeerka Diiwaangelinta, ayaa sheegay inay kala-duwan yihiin Xeerkii Wakiilladu ansixiyeen iyo Xeerka golihiisa loo gudbiyey, waxaanu shir-guddoonka Wakiillada u soo jeediyey inay is-waajiyaan labada xeerk.

Dalabkii Xildhibaannada iyo Go’aankii Cirro

Xildhibaannada Muxaafidka ah oo todobaadkii hore warbaahinta kula hadlay Hargeysa, ayaa ku hanjabay inaanay ka qayb-geli doonin fadhiga lagu ansixinayo xubnaha Komishanka ilaa guddoomiyaha Wakiilladu wax ka beddelayo wax ay ugu yeedheen Khalad sharci iyo khiyaamo guddoomiye Cirro ku sameeyey Xeerka Diiwaangelinta ee loo gudbiyey Guurtida.

Haseyeeshee dhowr maalmood ka dib, waxa ay xildhibaannada muxaafadka ahi guddoomiye Cirro ka dalbadeen in la hakiyo fadhiga aan caadiga ahayn ee shalay baaqday, waxaana 23-kii bishan guddoomiye Cirro loo gudbiyey qoraalka lagu dalbaday Hakinta fadhiga oo ay ku saxeexan yihiin 13 Mudane.

Haseyeeshee Guddomiye Cirro ayaa ayaa diiday soo jeedinta mudanayaashaasi ku dalbeen in fadhiga la hakiyo, isagoo guddoomiye Cirro ku adkaystay fadhigii shalay u furmi waayey kooram la’aanta.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa xidhay fadhi aan caadiga ahayn ee goluhu yeelan lahaa muddo laba maalmood ah oo ku eg maalinta Arbacada ee todobaadkan oo ku beegan taariikhda ay ku eegtahay muddo-xileedka Komishanka Doorashooyinka ee hore.

Lama oga go’aanka qaadhaan-bixiyeyaasha Somaliland ka taageera hawlaha dimoqraadiyadayntu ka qaadaan doonaan khilaafka sababay in Golaha Wakiilladu furmi waayo, kaasoo la doonayey in lagu ansixiyo xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Xeerka Diiwaangelinta Muwaaddiniinta iyo Codbixiyeyaasha, arrintaasoo ahayd shardi caalamku ku xidheen bixinta faahfaahin la xidhiidha taageeradooda doorashooyinka.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories