HomeXildhibaannada Mucaaradka Ah Oo Sas Ka Muujiyay Go’aan La Filayo Inay Guurtidu...

Xildhibaannada Mucaaradka Ah Oo Sas Ka Muujiyay Go’aan La Filayo Inay Guurtidu Ka Gaadho Muddo Kordhin

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, (SLP)- Xildhibaannada golaha wakiillada ee taageera xisbiya mucaaradka ah ee waddani ayaa farriin u diray golaha guurtida Somaliland oo la filayo inuu dhawaan muddo kordhin u sameeyo xukuumadda talada haysa, ka dib go’aankii ay soo saareen komishanka doorashooyinku.

Xildhibaannadan oo kala ah Siciid Cilmi Rooble iyo Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa si wada-jir ah u sheegay inaanay guurtidu awood u lahayn inay kordhiyaan muddo ka badan go’aankii uu komishanku ku cayimay inay ku qabanayaan doorasho.

Ugu horeyn Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo maanta ku hadlayay xarunta golaha wakiillada warbaahinta waxa uu yidhi. “Horta hawshan doorashada cidda keliya ee u xil saarani waa komishanka doorashooyinka, cid kale oo hawshaas, maca madaxweyne ama guurti ama wakiillo oo awooddaa leh oo ka hadli kartaa ma jirto. Waxa kale oo jira xeerka lambarkiisu yahay 20 xilliga komishankaa ku shaqo leh inay cayimaan, madaxweynuhu uu digreeto uu kusoo saaro diiwaangelinta iyo doorashadaba. Anigu markaa waxaan qabaa nimankaasi waajibkoodii way kasoo baxeen, guurtiduna iyadoo aanay aafo jirin oo masaa’ib jirin, haddana waynu caadaysanay inay guurtidu muddada kordhiso, waajibka guurtiduna waxa weeye inay raacdo xilligaa uu komishanku cayimay, anigu markaa waxaan leeyahay haloo daayo cidda awoodda leh.”Siciid Cilmi Rooble

Sidoo kale, Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo ah Af-hayeenka xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa ka hadlay awoodda uu dastuurku siiyay inay muddo kordhin ku sameeyaan golaha guurtidu, waxaanu yidhi. “Dastuurka qodobkiisa 83-aad faqradiisa 5-aad waxay odhanaysaa haddii doorashada madaxweynaha iyo ku-xigeenku qabsoomi waydo sababo la xidhiidah amni-darro darteed golaha guurtida ayaa muddo kordhin samaynaya, qodob kale oo golaha guurtidu muddo kordhin ugu samayn karaa ma jiro. Imika arrintan komishanku sameeyay waa arrin farsamo oo ay yidhaahdeen doorashadii madaxtooyada ku qaban kari mayno sannadkan 2015-ka, markaa maadaama oo arrintu sidaa tahay oo ay tahay arrin farsamo golaha guurtida xeerka iyo dastuurka dalku u banyan maayo inay yidhaahdaan waxaanu doonaanu kordhinaynaa.”

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories