HomeXildhibaannada Iyo masuuliyiinta UDUB ee Gobolka Gabiley oo qaaddacay Shirka Golaha Dhexe...

Xildhibaannada Iyo masuuliyiinta UDUB ee Gobolka Gabiley oo qaaddacay Shirka Golaha Dhexe ee Xisbigaas

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Gabiley, (SLpost)- Mas’uuliyiinta Xafiiska Xisbiga UDUB ee gobolka Gabiley oo ay wehelinayaan xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka ayaa gaashaanka si adag ugu dhuftay in ay ka mid noqdaan golaha dhexe ee xisbiga mucaaridka ah ee Udub,  ka dib markii ay saluug ka muujiyeen saamiga looga qoondeeyey in ay ku yeeshaan xubnaha golaha dhexe ee shirweynuhu uga furmayo 31 bishan aynu ku jirno, taasi oo ay sheegeen in aanay ku qanacsanayn tirada xubnaha laga siiyey oo ay ku sheegeen in aanay u cuntamayn.

blankSida uu ku soo warramayo Weriye Cabdirisaaq Axmed Hayaan, waxa kale oo xubnahaas oo Saxaafadda shalay kula hadlay Gabilay ay xuseen in aanay waafaqsanayn nidaamkan hadda lagu soo xulayo xeer-hoosaadka xisbiga, oo ay ku tilmaameen in golaha dhexe laftiisa lagu soo xulan karo oo keliya shirweyne loo qabto ergooyin ka kala socda gobollada iyo degmooyinka dalka oo dhan. Kuwaasi (ergooyin) oo laga dhex dooranayo xubnaha golaha dhexe, sida ku cad qodobada 12aad iyo 13aad ee xeer-hoosaadka Xisbiga.

Mas’uuliyiintan ayaa sidoo kale sheegay in shirweynihii ugu danbeeyey ee xisbiga ay ku doorteen Guddoomiye, Guddoomiye ku-xigeen, iyo Xoghaye guud, ka dibna Guddoomiyihii waqtigaa la doortay uu ka codsaday ergooyinkii shirka ka qeyb gashay in isaga loo daayo in uu soo sameeyo golihii dhexe, ka bacdina la horkeeno shirweynaha labaad oo ah kan hadda la sugayo si ay u ansixiyaan. Waxaanay hoosta ka xarriiqeen in guddoomiyihii iyo xoghayihiiba aanay joogin, hase yeeshee uu hadda joogo guddoomiye ku xigeenkii oo isagu saami ahaan ay xuseen inuu u sheegay saami ay sheegeen inuu cuntami waayey.

Waxa Shirkaa jaraa’id ugu horreyn ka hadlay Xoghayaha Xisbiga Udub ee gobolka Gabiley, Aadan Maxamed Xaji Aadan, waxaanu yidhi; “Waxa layaab nagu noqotey iyadoo Xeerka Xisbigu iyo nidaamka Udub u yaallay-ba uu ahaa wada-tashi in mar walba laysugu yimaaddo sidii xisbiga hore loogu marin lahaa, ayaannu warbaahinta qaarkood ku aragnay in shirweynihii xisbiga la qabanayo bishan aynu ku jirno, 31keeda. Marka la shaaciyo shirweyne Xisbi waxa sharcigu yahay sida ay sheegayaan qodobbada 12aad iyo13aad ee Xeerhoosaadka Xisbigayagu in ergooyinkii gobollada iyo degmooyinka la xulo. Ergooyinkii Shirweynihii hore u doortay Guddoomiyaha, ku-xegeenka iyo Xoghayaha guud uu guddoomiyihii aanu doorannay naga codsaday in aanu isaga u dayno in uu soo sameeyo golihii dhexe ee xisbiga, xilligana waxaanu filaynay in uu soo hordhigo ergooyinkaa uu soo xulanayay Guddoomiyuhu ergooyinka gobollada iyo degmooyinka si aannu u ansixinno, laakiin may dhicin taasi ka dib markii uu Guddoomiyihii u soo igmaday ku-xigeenkiisii qabanqaabada shirka, iyada oo weliba uu maqan yahay Xoghayihii guud ee Xisbigu, horena aanu jirinba guddi fulineed, sida ku cad qodobka 11aad ee xeerka xisbiga oo sheegaya waajibaadka iyo awoodaha shirweynaha heer qaran ee xisbiga oo kaasi la jabiyey.”

Xildhibaan Ibraahim Axmed Xasan (Sangal) oo ka tirsan Xildhibaannada Golaha deegaanka Gabiley ee UDUB, ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin saamiga golaha dhexe ee UDUB looga qoondeeyey. “Aad baannu uga xunnahay warkaa naga soo gaadhay Xisbigii Udub, annaga oo marka horeba saluugsanayn wada-tashi la’aanta Xisbiga ka muuqata, ayaa gebi ahaanba golihii dhexe ee xisbiga aan qof lagaga soo darin, saamiga loo qoondeeyey gobolkuna aanu ahayn mid u qalma oo u cuntama, maaddaama oo aannu 19 xubnood ku nahay Xisbiga Udub golahayaga deegaanka.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Ibraahin-Sangal.

Waxa kale oo  iyaguna Shir Saxaafadeedkaas ka hadlay Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga UDUB ee gobolka Gabiley Cabdiraxmaan Cumer Ducale, Xildhibaan Maxamed Cumer Warsame (Shiine), Xildhibaan Maxamed Muxumed Nuur (landloper), Xildhibaan Maxamed Xaaji Ibraahim Maxamed, iyo xubno kale oo ka tirsan golaha ee Gabiley, oo dhammaantood sheegay inay qaaddeceen ka qaybgalka Shirweynaha golaha dhexe ee Xisbiga UDUB.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories