HomeXildhibaanimooy xaal qaado

Xildhibaanimooy xaal qaado

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 Xilka ninka sugaayaw xaalkagu waa halis !!!!

Maanta waxaan isku dayayaa in aan wax ka taabto kolay wada dhamaynmaayo goldaloolooyin fara badan ayaa jiree  xildhibaanimadan dhulka gashay ee xaqeedii iyo xeerkeediba loo diiday  in la mariyo  maanta waxaad ku arkaysa meelaha boodhadh waayn oo ay ku sawiran yihiin muuqaalo ama sawiro aad loo qurxiyay kaagasii daranka markaad u fiirsato waxabad ku arkaysa hebel iyo habel oo aad taqaanay oo aan iska daa in dad iyo bulsho lagu aaminee aan xitaa naftiisa lagu aamini jirin oo ku sawiran boodhaka waawayn ee wadooyinka magaalda hargeysa ku yaala

Aqoon loo eegi maayo cidkastaa  way is sharaxayaan   waxaan maalin dhawayd ka agdhawaaday  odayaal meel ku tashanaaya oo leh   ‘’waar hebel ayaa wax inoo dhicin kara oo cadkeena ina dooni karaaya ee inaga daaya hebel hebel waa daacad  oo maantoo kale nin daacada iyo nin aqoon lehba waxba ma taraan marka hebel ayaa balaayo ah oo dawlada iyo cidkastaba sanka ka galaayo ‘’

 Cajiib waan amakaagay oo aan hadana yaab dhamaystay waxay inaasi sii raaciyen ‘’adeer maanta ninka daacada ah iyo nin aqoon lehba waa laga fogaadaa waayo aqoonta ayaa hagaysa oo wax odayaal ah ama cid soo kaamabayn garaysay oo uu dhagaysanayaa ma jirto marka inaga daayo ka maanta ‘’’

Waxaan dib u eegay   25 ka  xildhibaan ee hada fadhiya golaha deegaanka ee magaaladan hargeysa hadaad u fiirsato in ka yar 4 xildhibaan ayaa aqoon leh inta kale waa suuq jooge iyo nin suuqu ka ashkatooday ayaa meel lagu xareeyay oo la yidhi umad aayaheeda iyo mustaqbalkeeda ka tali  ‘’waa duni madaxeedii mijo loo rogay’’

Ku darsoo Waxaynu wada ogsoonahay in xildhibaanimada maanta ay noqotay mid dadku u galaan in ay lacag iyo hanti ku urusadaan oo hooyooyinka suuqa fadhiya ee tamaandhada cariirtooda ka masruufaysa inta la dul tago laqa qaado lacago aanay qaadi Karin ,

Maalin dhawayd ayaan  soo dhex maray sariibada suuqa waaheen waxaa dhagahayga kusoo dhacay  laba islaamood oo isku leh ‘’ inkaarmooyinkii maantana ma waxay yidhaahdeen  cagaftii ayaan soo wadnaa ‘‘  inaan talaabadii joojiyay oo aan ku dhawaday ayaan ku idhi hooyo cagaftu maxay ahayd halkan cidhiidhiga ah ee dadkiiba isku dhaafi kari la yihiin la soo galinaya

Waxay iigu jawaabeen waa kuwii dawlad hoose isku sheegii oo naftii ilaahay naga qabtay  dhiigiibay naga yareeyeen oo xataa laaluush ayaan siinay  oo hadana markaasay noo hanjabayaan maalinkasta anaguna meel aan u ciirsano iyo meel aan  tagnaa toona ma jirto dawaladayadiina waa taa suuqa cad-ceedu  nagu dishay hadana waagii baryaba noogu hanjabaysa waa laydin kicinaya

Hadaba kuwa  maanta suuqyada waawayn ee magaalada hargesya boodh isku soo xardhaaya waxaas ayaa ka horeeya,, xilka ninka u soo tafaxaytoow waxa ka horeeya xisaab aad u badan oo aan maanta hadaad dadka iska indha qariso ay iman doonto maalin aadan murmi Karin

Intaana waxan raacinayaa  gudiga komishanka doorashooyinka qaranku  inay xadeeyaan cidda noqonaysa xildhiban ha noqdo mid baarlamaan ama mid degaan oo ay cadeeyaan aqoonta u leeyahay  ha ahaato mid uu u leeyahay diinteena islaamka  ama ta maadiga ah waxay illa tahay in maanta ay dhaami lahayd  hadii ninka imanaaya lagu dooranaayo aqoon

W/Q:  Axmed Carafaad

Email: axmedcali144@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories