HomeXildhibaanda Mucaaradka Jabuuti Oo Ka Dareeray Kal Fadhigii Furmamay

Xildhibaanda Mucaaradka Jabuuti Oo Ka Dareeray Kal Fadhigii Furmamay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
Djibouti (SLpost)- Xildhibaanada isbaahaysiga Mucaaridka USN ee Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa si wada jir ah u qaadacay gabi ahaanba kalfadhigii caadiga ahaa ee golaha baarlamaanka Jabuuti, kadib markii baarlamaanku diiday in hal daqiiqo oo aamusnaan ah lagu xuso dadkii ku dhintay Isku Dhicii Taagerayaasha Mucaaridka iyo Xukumada oo ay ku dhinteen illaa 20 Qof xaafada Rabshadahaasi ka dhacen ayaa la yidhaahada Buldhuqo.

Waxaana haddal kooban ka jeediyay xarunta golaha baarlamaanka xildhibaan Maxamoud Daa’uud shixim isla markaana ah gudoomiyaha xisbiga PDD, wuxuuna yidhi sidatan “Waxaan dalbanaynaa in hal daqiiqo oo aamusnaan ah loo sameeyo dadkii waxyeeladu ka soo gaadhay xasuuqii 21 December 2015 xaafada Buldhuqo iyo weerarkii lagu qaaday golaha sare ee USN, kaas oo aw ku dhaawacmay wallaalkeen xildhibaan Siciid Xuseen Roble. Waxaa kaloon dalbanaynaa in dood laga yeesho wixii halkaa ka dhacay”. Waxaana taa ka soo hor jeestay xubnaha aqlabiyada madaxtooyada UMP, waanay taasi sababtay in 6dii xildhibaan ee isbaahaysiga USN, ay ka baxaan xarunta golaha barlamaanta jaabuuti.

Dhanka kale Warsaxaafadeed ka soo baxay Ururka Xuquuqda Aadamaha u dooda Jabuuti ee marka magaciisa lasoo gaabiyo loo yaqaano (L.D.D.H), ayaa si ku meel gaar ah u baahiyay dadkii waxyeeladu ka soo gaadhay rabshadahii Jabuuti ka dhacay toddobaadkii la soo dhaafay. Waxaana ku xusan sidan tan.

Kadib baadhitaan aan ku soo samaynay qoysaskii waxyeeladdu ka soo gaadhay masiibadii Buldhuqo 21 Décembre 2015, liiska ku meelgaadhka een haynaayi waa sida tan:

A) 28 qof oo dhimasho ah

B) 52 qof oo dhaawac ah

C) 34 qof oo la waayay

D) 13 qof oo xidhan

Ururka Xuquuqal Insaanka Jabuuti wuxuu ballanqaadayaa in uu soo saari doono liis kama dambays ah maalmaha fooda nagu soo haya, wuxuuna dalbanaynaa in si cad loo muujiyo wixii halkaa ka dhacay garsoorkuna howshiisa qabsado. Si taas loo helana Golaha Xuquuqal Insaanka ee Qaramada Midoobay waa in uu sameeyo baadhitaan madaxbanaan kaas oo go’aamin doona ciddii mas’uulka ka ahayd xasuuqaasi.

Xigasho: Ururka Xuquuqal Insaanka Jabuuti (L.D.D.H)

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories