HomeXildhibaanadii Degmada Sallaxley ee UCID iyo Masuuliyiintii heer degmo oo ka dareeray...

Xildhibaanadii Degmada Sallaxley ee UCID iyo Masuuliyiintii heer degmo oo ka dareeray Xisbigaas

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, (SLpost)- Xildhibaannadii Golaha Deegaanka degmada Salaxley ugu jiray Xisbiga UCID iyo Masuuliyiinta heer degmo ee xisbigaas ayaa ku dhawaaqay inay iska casileen xilkii iyo xubninimadii xisbiga UCID.

Xildhibaannada Golaha Deegaanka Degmada Salaxley iyo masuuliyiinta here ee Xisbiga UCID ayaa shir jaraaid oo ay shalay ku qabteen Hotel Hadhwanaag ee magaalada Hargeysa ayaa ku shaaciyay inay ka baxeen xisbiga UCID, isla markaana ay uga diga rogteen urur siyaasadeedka Wadani oo dhawaan lagu dhawaaqay.

blankWaxa ugu horreyn shirkaa jaraa’id ka hadlay Gudoomiyihii Degmada Salaxley ee UCID Ismaaciil Aadan Carraale waxaanu daboolka ka qaaday inay iska casileen xubnimadii xisbiga UCID. “Aniga oo ah Gudoomiyaha degmada Salaxley ee xisbiga UCID, xildhibaanadii golaha deegaanka iyo xubnihii heer degmo ee xisbigaasi waxaanu halkan kaga dhawaaqaynaa inaanu iska casilnay xisbigii UCID.” ayuu yidhi Gudoomiyihii xisbiga UCID ee degmada Salaxlay Ismaaciil Aadan Carraale

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa ku daray “Ka dib markii uu noqday Xisbiga UCID mid fadhiid ah, waxa kale aanu halkan kaga dhawaaqaynaa inaanu si rasmiya ugu biirnay Urur Siyaasadeedka WADANI, oo hadda wixii ka dambeeya aanu ka mid nahay hiil iyo hooba aanu la garab taagan nahay”

Waxa isna halkaa ka hadlay Xidhibaan Axmed Aadan Ducaale oo ka mid ah Golaha Deegaanka degmada Salaxley ugu jiray Xisbiga UCID, waxaanu sheegay inay ka diga rogteen xisbigii UCID. “Waxaanu halkan ku muujinaynaa haddaanu nahay Mudanayaasha degmada Salaxlay inaanu ka soo diga roganay xisbigii UCID, isla markaana aanu u soo diga roganay Urur Siyaasadeedka WADANI, arrintaasna waxa nagu kalifay ka dib markii aanu in badan qayb ka soo ahayn xisbigii UCID, isla markaana wax horumar ah samayn waayey, waxaanu go’aansanay inaanu taageeradayada iyo xoogaygaba ku biirino ururka siyaasiga ah ee WADANi.” ayuu yidhi Xidhibaan Axmed Aadan Ducaale.

Waxa sidoo kale shirkaa jaraa’id ka hadlay Xildhibaan Axmed Ibraahim Cabdi. “Maanta waxaanu halkan u nimi si aanu u muujino dareenkaygii wadanimo, waxa maanta halkan ka cad in halkani tahay UCID oo magacii bedeshay, waayo masuuliyiinta Madaxdii, Xildhibaanadii iyo dadweynihii UCID maanta halkan ayay joogaan oo magacii ayuunbaa WADANI lagu bedelay, waxa kale oo aan halkan ka cadaynaynaa in odayaasha, haweenka dhalinyarada iyo waxgaradka degmadaasi ay soo dhaweynayaan ururka WADANI, qaybna ka yihiin, lana shaqaynayaan.” ayuu yidhi Xildhibaan Axmed Ibraahim Cabdi.

Waxa isna kulanka gabagebadiisa halka ka hadlay Gudoomiyaha garabka dhalinyarada ee degmada Salaxlay Maxamed Cismaan Xasan, isagoo sheegay inay xisbigii UCID ay la soo shaqaynayeen muddooyin badan ay iska casileen oo ay ku biireen xisbiga cusub ee WADANI, waxaanu yidhi. “Markii aanu aragnay xubnaha ku jira urur siyaasadeedka WADANI, waxaanu go’aansanay inaanu ku biirno xisbigaa, maadaamo xisbigii UCID ee aanu intaasoo dhan la soo halgamanay uu keeni waayay wax natiijo ah, markaa haddii aanu nahay dhalinyaradda degmada Salaxlay waxaanu si hagar la’aan ah ugu biirnay Wadani.” ayuu yidhi Maxamed Cismaan Xasan.

Magacyada Masuuliyiinta heer Degmo iyo Xildhibaannada Golaha Deegaanka Salaxley ee ka digarogtay Xisbiga UCID:

1-       Ismaaciil Aadan Carraale

2-       Axmed Aadan Ducaale

3-       Axmed Ibraahim Cabdi

4-       Cabdi Salaan Jibriil

5-       Faysal Aadan Ibraahim

6-       Maxamed Cismaan Xasan

7-       Rashiid Cabdillaahi

8-       Cabdiraxmaan Ismaaciil Aadan

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories