HomeXildhibaanada Golaha Wakiiladu Way Ka Saaqideen Shaqadii Shacabku U Dirsaday‏

Xildhibaanada Golaha Wakiiladu Way Ka Saaqideen Shaqadii Shacabku U Dirsaday‏

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Waxa dhawrkii sano ee u danbeeyay shacabku ka daawanayeen shaashadaha TVyada Dalka, Gollaha Wakiilada oo ay fadhiyaan tiro aad u yar oo aan inta badan ka badnayn 42 xubnooda mararka qaarna Golluhu u shaqayn waayo Kooram la’aan taasi oo macnaheedu tahay in Gollaha ay u soo shaqo tegi waayaan tirada ugu yar ee tahay inuu kal-fadhiyada Golluhu ku furmaan taasi oo ah 42 xildhibaan.
Waxa kale oo shacabku niyad jab iyo qaraqan ku noqotay hab-dhaqanka Xildhibaanada Gollaha Wakiilada oo dadka aad ugu yaabiyay aflaagadada iyo xushmad darada ay isku hayaan dhexdooda marka ay ka doodayaan Xeerarka Gollaha. Dadka qaar ayaaba yidhaahda malaha kuwani waligood Fasal iskuul may soo fadhiisan marka aad eegto hab-dhaqanka qaar ka mid ah xildhibaanada.
Tusaale ahaan, waxad arkaysaa tobanka subaxnimo xildhibaano ka shaahaya ama ka qureecanaya Huteelada waaweyn ee Caasimada Hargeisa iyada oo laga yaabo lacagta uu ku shaahayo ama uu ku qureecanayo inay tahay cashuurtii laga soo qaaday oo Hooyooyinka fadhiya suuqyada ee cadceedu ku qaaday daryeel la’aanta ka haysa adeegii ay uga baahnaayeen dhinaca sharciga oo ay u xil saarnaayeen Golllaha Wakiiladu.
Waa nasiib daro inaad wakhtigii shaqada ee Xildhibaanka aad ku aragto goobaha kala duwan ee magaalada iyaga oo u dhex mushaaxaya sidii qof aan wax shaqo ah laga sugayn. Waxa nasiib daro ah inaad arkayso Gollihii Wakiilada oo Kooram la’aan u furmi la, inaad aragto Xildhibaan gaadhi wata oo wada hor marta Gollaha iska maraya. Waxa nasiib daro ah inaad aragto xildhibaan wakhtigii shaqada ee laga sugayay Gollaha, shirar shaqsiyana kaga jira huteelada, taasi oo aanu haba yaraatee uga soo fasax qaadan Gudoonka Gollaha.
Xildhibaanada Golluhu miyaanay ahayn kuwii u dhaartay Umada oo wada daawanaysa ee kitaabka gacanta saaray, miyaanay ogayn in Dhaartaas Alle kala xisaabtami doono hadii aduunyada lagula xisaabtami waayay. Waxa kale oo nasiib daro ah iyada oo intaas oo sharci oo dalka iyo dadka muhiim u ah ay tuulan yihiin Gollaha Wakiilada, kuwaasi oo qaarkood sanado badan horyaalaan. Gudiyadii Gollaha Wakiiladu intooda badan maba shaqeeyaan, iyada oo la sheegay inayna xubnaha ku jira gudiyada aanay ahayn kuwo wada shaqayni ka dhaxayso oo is indha buuxinaya. Waxan u mahad naqayaa xildhibaanada tirada yar ee fadhi kasta oo aan Tvga ka arko fadhiya kuraasidooda ee aan xiitaa ka kicin ilaa uu ka dhamaanaayo kulankaas Golluhu.
Shacabku waxay la amaakaagsan yihiin, in Gollaha Wakiilada oo ilaa intii la doortay shaqeeya wax ka yar laba saacadood maalintii oo noqonaysa usbuucii 12 saacadood ama ka yarba halkii laga rabay inay ka shaqeeyaan usbuucii 48 saacadood, imikana waxa ugu sii biiray in Gollihii u dhaw yahay inuu si rasmiya ugu xidhmo kooram la’aan, iyada oo aanay gollaha dhexdiisa ka jirin isla xisaabtan ku salaysan xeer-hoosaadka ay dhigteen gollahaasi inay ku dhaqmaan.
Gollihii Wakiilada xaalkiisu wuxu marayaa Reer Ba’ow Yaa ku leh, hadii aanay isdaba qaban.
Yuusuf S. Wacays

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories