HomeXildhibaan Xoog Oo Xukuumadda Ku Eedeeyay Inay Musuqbadan Ku Samaysay Haamaha Shidaalka

Xildhibaan Xoog Oo Xukuumadda Ku Eedeeyay Inay Musuqbadan Ku Samaysay Haamaha Shidaalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa(SLpost)-Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog ayaa xukuumadda ku eedeeyay in aanay golaha wakiilada marna horkeenin wax heshiisyo ay gashay, waxaanu sheegay in musaq badan uu ka dhacay haamaha shidaalka, xukuumaduna ay saxeexday hashiiska lagu kiraynaayo haamaha.

 

waxaanu isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi “Golaha wakiilladu marka uu ogaado heshiis la saxeexay oo xukumadda caado u noqotay inaanay heshiisba u soo gudbin golaha wakiillada, waxa ayaan darro ah in wasiirkii ganacsiga eenu u doodaynay eenu lahayn xeer madaxweyne ayaa lagu hoos geeyay ee isagu ha maamulo inuu kala hadlo oo yidhaahdo heshiis ba lama soo wadin. Marna yidhaa xil shirkaddood baa la siiyay marna yidhaa waxba lama saxeexin,” ayuu yidhi Mudane Xoog.

Xildhibaan Xoog oo sii hadlaya ayaa yidhi “Waar waxaanu leenahay waa la saxeexay oo waanu ogaanay, madaxweynuhuna golaha umuu gudbin waxaan ka leeyahay  xukumaddu heshiis ba nooma soo gudbiso ee anagaa ogaana heshiisyada ay saxeexto, heshiiska ay la galayso Macdanta,badroolka iyo kuwa ay hantida qaranka ku wareejinayso wax alaale wax ay noo soo  gudbiso ma jiro. Maadaama dadku na soo doortay waxaa nagu waajib ah inaanu anagu baadhno oo xukumadda faro galinno oo markaanu ogaano in heshiis la galay aanu laalo heshiiska,” ayuu yidhi Xildhibaanku.

Waxa uu intaasi ku daray “Waxa dhacay musuqmaasuq, guddida wakiillada u qaabilsan ilaalinta hantida qaranka iyo dabagalka musuqmaasuqu waxay noo sheegeen in sanadkii 24 milyan ka soo xaroodaan Haamaha oo aan lagu darin kharashkeeda(Miisaaniyadda), iyo inaanay ku jirin xisaab xidhka  hanti dhawraha guud, lacagtaasna waanu doonaynaa halkay gasho. Waxaa dhacay musuqmaasuq, waa waxay ka muddaharaadayaan dadka Maleeshiya,” ayuu yidhi xildhibaanku.

Xildhibaan Xoog wuxuu sheegay inaanay xukumaddu isku helay inay heshiisyo gasho islamarkaana bulshada iyo golaha ka qariso “Xalaal iftin baa la qashaa, xukumaddu isku heli mayso aanu wax qalano iyo muddiyaha aanu qarinno. Xalaal iftin baa la qashaayoo waxaynu u samaysanay hay’ad la yidhaa guddida qandaraasyada qaranka in la hor keeno  oo si daahfuran oo cad loo bixiyo qandaraasyada. Xukumaddu meel madow ayay ku saxeexdaa heshiiskasta wakiilladana ma keento,” ayuu yidhi Mudane Xoog.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories