HomeXildhibaan Xoog oo Shir-guddoonka Wakiillada ku eedeeyey Xagal-daac Xukuumadeed, kana hadlay Dableydii...

Xildhibaan Xoog oo Shir-guddoonka Wakiillada ku eedeeyey Xagal-daac Xukuumadeed, kana hadlay Dableydii Ciidanka Weeraray

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blank[H]argeysa (SLpost)- Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed (Xoog), ayaa Shir-guddoonka Golaha Wakiillada ku eedeeyey inuu ku dhex-milmay golaha Xukuumadda isla markaana ka hadlay doorka mooggaananta Xukuumadda ee Dableydii dhawaan weerarka ku ekeysiiyey Xerada Ciidamada Qaranka ee Bariga Caasimadda Hargeysa.

Xildhibaan Cabdiraxmaan-xoog oo shalay qaar ka mid ah warbaahinta ugu waramayay Huteelka Imperial ee Magaalada Hargeysa, waxa uu ururada siyaasadda Somaliland ka sokow ka hadlay in aafada Soomaaliya haysataana ay tahay waxa loogu yeedho maamul-goboleed.Sidoo kalena Golaha uu ka tirsan yahay ee Wakiilada ayuu ku tilmaamay kuwo jeebka u galay Xukuumadda.“Somaliland maanta waxa lagu soo dhex-tuuray wax la yidhaahdo Ururo, Soomaaliyana waxa lagu soo  dhex-tuuray maamul-goboleed oo waa aafo dadka lagu soo dhex-tuuray. Labadii wallaalaha ahaa iyo labadii isku Gobalka ahaa ayaa leh anaguna waxaanu nahay Urur hebel oo Lacagta inagaga baxaysaana aad ayey u badan tahay.Dadkiina tobankii bilood-ba waxa haysta haraad iyo Biyo la’aan, inaga oo doorashooyinkana ku bixinayna lacag aad u tiro badan. Markaa waxa wacan in lasameeyo sidii Biyahaasi loo qaban lahaa.” Ayuu yidhi Xildhibaan Xoog.Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi, “Golihii iyo xukuumadii way isku milmeen oo waxa uu galay jeebka Xukuumada, waxaana ka masuulah shir-guddoonka. Waxa la keenay laba xeer oo uu ka mid yahay Xeerka Budh-cad baddeeda, iyada oo Baarlamaankii ka doodin ayaa markiiba la marsiiyay, markaa shirguddoonku waa inuu sidan wax ka bedelaa. Haddii xeer aad u samayso qof aad necebtahay, hadhaw waxa uu dabraa qof aad jeceshahay.”

“Xukuumadu siday u ogaan kariwayday inamada yar-yar ee weerarka ku soo qaadaya xerada Ciidanka intay waxan oo hubah urursanayeen ama ay ku jireen abaabulka maxay dawladu u ogaan kariwayday. Dawladu waxay leedahay meelo ay ka hesho sirta dalka ama ku shaqo leh oo CID-du waxa weeye inay la socoto dalka waxa ka jira, markaa waxa weeye CID-du waxay ka seexatay shaqadii ay qaranka u haysay oo aad ayay maanta u liitadaa sirdoonka dalku. Odayaal ayey leedahay nabada ka shaqeeya oo ay u dirilahayd.”Ayuu hadalkiisa raaciyay.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed (Xoog) waxa uu intaasi ku daray, “Afartan Inan ee Ciidanka weeraray waxay ahayd sidii caadadu inoo ahayd in loo diro Odayaasha oo Inamadan yar-yar ee reer Miyiga ahaa la kala furfuro ayey ahayd oo laga hortago.May ahayn in ciddi ay inaga dhimato.May ahayn in Ciidanka qaranka la soo weeraro oo la laayo, kuwa kalena waa niman muwaadiniin ah oo reer Somaliland ah.Shacabka xukun Militari laguma qaado, Maxkamada Militarigu waxay gaar u tahay Ciidanka Militariga, immikana anigu waxaan leeyahay dembigaba ha lagu qaadee waa in loo wareejiyaa Maxkamada dembiyadda oo halkaasi lagu qaado dembigooda.”

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed (Xoog) waxa uu sidoo kale ka hadlay khilaafka hadheeyay Xisbiga UDUB, isaga oo taas ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Anigu is-haysiga Xisbiga UDUB waan ka maqnaa, laakiin arrinka UDUB waxa uu isu-bedelay si ay ka muuqato qabyaalad fool xun. Waxaan ku talin lahaa in arrinka lagu dhameeyo wada-hadal, inkasta oo uu Maxkamada geeyay Axmed Yuusuf Yasiin oo Guddoomiye ku-xigeenku waa saxiibkay oo aad ayaan uga xumahay in lagu shaabadeeyo Nin reerkooda ah oo wata saddex boqol oo kun inuu keeno meesha, isaguna uu u arkaayay in lacagtii Xisbiga lagu hawl-galinayey inuu ninkani keenay oo UDUB ay burbur qarka u saaran tahay. Maaha inuu Xisbi qaran sidaasi u galo. Anigu Guddoomiyaha isku reer manihin ee waxaanu isku reer nahay Ninka kale ee ay isku haystaan xisbiga, aad ayaan uga xumahay inuu Guddoomiye ku xigeenku uu xisbigii ka iibiyey nin ay isku reer yihiin oo aad tidhaahdo xisbigii waxa iska leh ninka saddexda boqol ee kun bixiyey. Axmed Yuusuf Yasiin inuu halkaasi galo maan doonayn, waxaan qabaa in la joojiyo musharraxan iyo waxyaabahan yar-yar ee xisbigii uu siwacan isugu yimaado.”

SLpost News/Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories